Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
|

DEGDEG: Ciidamada AMISOM oo isaga baxay magaalada Janaale & Al-Shabaab oo la wareegtay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Janaale oo ka tirsan gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ay isaga baxeen saldhigyadii ay halkaasi ku lahaayeen.

Wararku waxay intaasi raacinayaan in daqiiqado kaddib ay la wareegeen dagaalyahano ka tirsan ururka Al-Shabaab, kuwaasi oo iyagu dhaqdhaqaaqyo ka bilaabay gudaha magaaladaasi.

C/Fataax Xaaji Cabdulle oo ah K/Xigeenka Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose ayaa sheegay inaan lagu soo wargelin ka bixitaanka ciidamada AMISOM ee degmada Janaale, isagoona sheegay in sidoo kale ay isaga baxeen ciidamada Dowladda.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in dadka Janaale degan ay caawa xaaladoodu aad u kacsan tahay, iyagoona ka cabsi qaba dagaallo ka dhaca gudaha magaalada.

Ma aha markii ugu horeysay oo ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay isaga baxaan degaano ka tirsan gobolka Sh/hoose, iyadoo horay gobolka ay uga dhaceen dagaallo khasaare badan geystay oo dhex maray ciidamada huwanta ah iyo xarakada Al-Shabaab.

Dhinaca kale wixii warar ah ee ku soo kordha xaaladda degmada Janaale wararkeena dambe ayaan idinkugu soo gudbineynaa haddii Alle idmo.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=1158

Comments are closed

muun