Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 741 views

Maamulka Puntland oo degaanadiisa ka mamnuucay warbaahinta Dowladda (Akhriso wareegtada)

Maamulka Puntland ayaa soo saaray amar ku socda qeybaha ciidamada, Guddoomiyeyaasha gobolada uu ka taliyo iyo dhinacyo kale, kaasi oo lagu mamnuucay in warbaahinta Dowladda Federaalka ay ka howlgasho degaanada ay ka arrimiyaan.

Wareegto ka soo baxday Wasaaradda warfaafinta maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in Radio Muqdisho aanu ka howlgeli karin gobolada hoos yimaada maamulkooda, iyadoona lagu eedeeyay inay xadgudbeen shuruucda saxaafadda Puntland.

“Idaacadda Radio Muqdisho ee ku hadasha afka Dowladda Federaalka waxay faafisaa warar ka hor imaanaya shuruucda dalka, khalkhalna gelinaya ammaanka Puntland” ayaa lagu yiri wareegtadaasi.

Horay maamulka Puntland wuxuu u soo saaray amar shaqada looga joojinayo telefishanka Dowladda, inkasta oo markii dambe dib loo fasaxay, iyadoo amarkaan cusub uu muujinayo mid sii kala fogeynaya xiriirka Dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland oo aan baryahaan wanaagsaneyn.

fff

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=1130

Comments are closed

taaj