Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 432 views

IGAD oo ku baaqaday in la joojiyo Colaada Maamulada Ahlu Suna iyo Galmudug.

Ambassador Maxamed Cabdi Afey Ergayga Urur Goboleedka IGAD ee Arrimaha Soomaaliya oo la hadlay Idaacada BBC-da ayaa ku dheeraaday ka hadalka khilaafka iyo dagaalada u dhaxaysa Maamulka Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca.

Afey

 

Danjire Afey ayaa ugu baaqay maamulada Galmudug iyo Ahlusunna in ay joojiyaan dagaalka, islamarkaana Dagaalka badalkiisa ay ku badalaan wada hadal iyo Is faham ay yeeshaan labada dhinac.

 

“Si aad ah ayuu ugu xun yahay urur Goboleedka IGAD in dad Soomaaliyeed ay si nasiib daro ah ku dhintaan, waxaan ka Xunahay in dadka Gobolada Dhexe ku nool lagu dul Dagaalamo, dagaal waa laga tagay oo dowladdnimo ayaa la qaatay”ayuu sii raaciyay Afey.

 

Dhanka kale warka IGAD ka soo baxay ayaa imaanaya, iyadoo Khilaaf gacan ka hadal sababay uu u dhexeeyo Maamulka Galmudug iyo Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusunna ay sameysatay.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=1217

Comments are closed

muun