Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
|

Shirakada Sadia’s Gourmet Food oo laga dhisaayo magaalada Salalah ee dalka Oman

Waxaa magaalada salalah Oman laga dhagax-dhigay mashruucii ugu weeynaa ee ay ku yeelato ganacsato somaliyeed, masruucaas oo ah Wershed Weeyn oo soo saarta noocyo cuntooyin ah oo gaar u ah shirkada SADIA’S GOURMET FOOD, shirkadaan oo ah mid aad looga yaqaan wadanka mareykanka kana Diiwaan-Gashan wadankaasi, ayaa waxay noqoneysaa Wershedii ugu weeynayd ee shirkadu ku yeelayo meel ka baxssan dalka Mareykanka.

Sacidya iyo Abdurisaq waa mulkiilayaasha shirkadaasi aan kor kusoo sheegnay, waxayna iminka dhagax-dhigeen Wershaan laga bilaabay dhismeheeda Magaalada Salalah ee dalka oman. Wershedaan waxay u noqon doontaa mid soo saarta kamiyado aad u fara badan waxaana siada ay sheegeen mulkiilayaashu loo dhoofin doonaa wax soo saarkeeda, Marekanka, Africa, Aisa, Iyo Qaaradaha kale oo ah Mark adaan mid si aad ah looga yaqaan loogana xiiseeyo.

Waxaa markii ugu horeeysey shirkadu ku wargelsey dhamaan ummadda somalyeed in ay share ka iibin doonto cidii u baahan inseey ka qayb-noqoto mashruucaan la filayo ineey ku kici doonto malaayiin doolarka mareeykanka ah. 13/11/2015 waxaa dhici doona shirkii ugu horeeyey ee saamiyada lagu iibsanayo, magaalada london ee dalka UK. Waxay ahayd mudda yar inta mashruucaan uu ku gaarey meel sare, kadib markii uu ka biloowday guriga sacdiyo kaas oo gaarey mashaariicda ugu waaweeyn ee maantay dadka somaliyeed ku leeyihin aduun-weeynaha..

Waxaan shaki ku jirin in dadka somaliyeed u baahan yihiin dad aqoon iyo karti badan sameeya si dibu dhiska dalku inooku fududaado..

Sadias_gourmet_food_1 Sadias_gourmet_food_2 Sadias_gourmet_food_3 Sadias_gourmet_food_4 Sadias_gourmet_food_5 Sadias_gourmet_food_6 Sadias_gourmet_food_7 Sadias_gourmet_food_8

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=8213

Comments are closed

muun