Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
Home » Latest Video You are browsing entries filed in “Latest Video”

Dowladda Talyaaniga oo markii ugu horeysay Isbitaal casri ah ka dhiseysa Muqdisho + Video

Isbitaal casri ah ayaa la dhagax dhigay duleedka magaalada Muqdisho, kaasi oo sida la sheegay u dhameystiran yahay qalabkii uu ku howlgeli lahaa, kaddib munaasabad ballaaran oo ka dhacday xaruntii hore ee Isbitaalka ciidamada Milateriga Soomaaliya. Xafladda furitaanka dhagax dhigga isbitaalka oo ay ka soo qeyb galeen Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Sheekh Cali Diini, Safiirka Talyaaniga […]

November 24th, 2016 | Posted in Latest Video | Read More »

Sidee Soomaaliya mar kale u noqon kartaa Qaran Mid Ah? + Video

Mid ka mid ah Wasiirada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in midnimada Soomaaliya aanay weli helin hoggaan wadani ah isla markaana xilligaan ka soo dhalaali kara howlahaasi. Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ee xilligeedu dhammaaday Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa isagoo u waramayay Telefishanka Kalsan waxa uu ka hadlay arrimo badan oo ku […]

November 22nd, 2016 | Posted in Latest Video | Read More »

Somaliland iyo shirkad Shiinees ah oo kala saxiixday heshiis rasmi ah

Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland waxaa maanta ka dhacay heshiis rasmi ah oo ay kala saxiixeen Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland iyo shirkad Shiinees ah oo lagu magacaabo BGB, iyadoona saxiixa heshiiskaasi ay goob joog ka ahaayeen madaxda labada dhinac. Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale oo khudbad ka jeedinayay munaasabadda heshiiska […]

November 19th, 2016 | Posted in Latest Video | Read More »

Abwaan dhulka la simay DFS iyo cadowga Soomaaliya u diidan xasiloonida (Daawo)

Abwaan Soomaaliyeed ayaa afka furtay wuxuuna tiriyay gabay dhab ka hadal ah oo ku saabsan xaaladda dalka marayo maanta, isagoo tixdiisa duluc uga dhigay sida Dowladda Federaalka ee xilligeedu dhammaaday u maamushay mudadii afarta sano ahayd. Ambassador Maxamed Xuseen Owliyo oo ka hadlayay Telefishanka Kalsan ayaa kashifay arrimo badan oo ku saabsan cadowga Soomaaliya u […]

November 18th, 2016 | Posted in Latest Video | Read More »

Guddiga doorashooyinka dadban oo shir degdeg ah ku qabtay Muqdisho

Guddiga doorashooyinka dadban ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay shir degdeg ah, kaasi oo looga hadlay arrimo dhowr ah kuna saabsan hannaanka doorashooyinka ee ka socda dalka, iyagoona isla soo qaaday sidii laga yeeli lahaa beelaha Dirta Waqooyi ee Somaliland oo in muddo ah muran ka taagnaa. Waxgaradka iyo odayaasha beelaha Dirta Waqooyi ee Somaliland oo […]

November 17th, 2016 | Posted in Latest Video | Read More »

DAAWO: Beelaha Dirta Koonfur oo qeyla dhaan ka soo saaray hannaanka doorashooyinka dadban

Waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka beelaha Dir Waqooyi ee degan koonfurta Soomaaliya ayaa qeyla dhaan ka soo saaray hannaanka doorashooyinka dadban, waxaana kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ka soo saaray go’aano ku aadan cabashooyinkooda.

November 15th, 2016 | Posted in Latest Video | Read More »

Xuquuqda Gobolka Banaadir oo Muqdisho looga hadlay + Video

Magaalada Muqdisho waxaa mar kale looga hadlay maqaamka ay yeelaneyso xilligaan kala guurka ah oo dalka ay ka dhaceyso doorashada labada aqal isla markaana lagu soo dhisayo dabayaaqada sanadkaan dowlad cusub. Kulankaan oo uu soo qabanqaabiyay maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu casuumay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Hirshabelle iyo xubnaha sare u matalaya, waxaana halkaasi […]

November 13th, 2016 | Posted in Latest Video | Read More »

RW Ku-Xigeenka dalka oo shir gudoomiyay kulan hey’adaha UNka laga la tashanayay Qorshaha Horumarinta Qaranka (QHQ)+Video

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa maanta gudoominayay kulan wadatashi ah oo u dhaxeeyay dowladda iyo hey’adaha UNka oo uu hogaaminayay Ku-Xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Xoghaya Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya. Mudane Carteh ayaa sheegay in Xukuumadda ay waqti badan ku bixisay diyaarinta QHQ. “Waxaan dadaal dheeri ah gelinay […]

November 12th, 2016 | Posted in Latest Video,Wararka | Read More »

Duqa Muqdisho oo soo dhoweeyay Madaxweynaha Hirshabelle iyo wafdi uu hoggaaminayo VIDEO

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa ka soo degay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Cali C/llaahi Cosoble iyo xubnaha maamulkaasi u matalaya aqalka sare. Madaxweynaha maamulka Hirshabelle oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay inuu Muqdisho keenay xubnaha aqalka sare kuwaasi oo uu sheegay inay door muuqda ka qaadanayaan sidii loo heli lahaa xuquuqda ka […]

November 12th, 2016 | Posted in Latest Video | Read More »

Daawo Madaxweynaha Puntland oo booqday magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/Weli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa markii ugu horeysay booqday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug tan iyo markii ay ka dhaceen dagaalada qasaaraha badan dhaliyay ay ka geysteen ciidamada maamulkiisa iyo kuwa Galmudug. Booqashada Madaxweyne Gaas ayaa la xiriirta kormeer iyo inuu ka qeyb galo kulan maalinta […]

November 11th, 2016 | Posted in Latest Video | Read More »

Xasan Sheekh oo qosol uga baxay xilli hortiisa laga sheegayo xaqiiqada ay bulshada ka aaminsan tahay

Madaxweynaha xilkiisa dhammaaday ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay dood uu soo qabanqaabiyay mid ka mid ah Telefishanada Soomaalida, isla markaana ay ka qeyb qaadanayeen bulshada qeybaheeda kala duwan. Doodaan ayaa looga hadlayay xaaladda maanta uu marayo wadanka, doorashooyinka dadban ee lagu soo dhisayo xukuumadda cusub, waxaana Madaxweynaha oo isku […]

November 5th, 2016 | Posted in Latest Video | Read More »

Cali Dhaanto oo wacdaro soo jiitay shucuurta boqolaal Soomaali ah ka dhigay UK ‘Daawo xamaasadii kursiga ka kicisay Abukar Cawaale’

Magaalada London ee wadanka Ingiriiska waxaa ka dhacay bandhig faneed lagu muujinayay dhaqanka Soomaalida, halkaasi oo ay ka soo qeyb galeen fannaaniin ka kala socday socday qeybaha kala duwan ee fanka. Bandhigaan oo Dowladda Ingiriiska ku bixisay abaal marino kala duwan oo la guddoonsiiyay xubno u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada, fannaaniin iyo shaqsiyaad door muhiim ah […]

November 3rd, 2016 | Posted in fanka,Latest Video | Read More »

Soomaaliya oo markii ugu horeysay ka qeyb gashay shirka caalamiga ah ee Ganacsiga Afrika iyo Malesia

Magaalada Kuala lumpur ee caasimada wadanka Malesia waxaa ka furmay shir caalami ah oo ku saabsan horumarinta ganacsiga qaaradda Afrika iyo dalka Malesia, waxaana markii ugu horeysay ka qeyb galay markii ugu horeysay wafdi ka socda dalka Soomaaliya, iyadoona looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin kor u qaadida ganacsiga qeybihiisa kala duwan ee Afrika […]

November 3rd, 2016 | Posted in Latest Video | Read More »

DAAWO Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo kulan degdeg ah la yeeshay Madaxweynaha Jabuuti

Ra’iisal Wasaaraha Dowladda xilligeedu dhammaaday ee Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa kulan degdeg ah la qaatay Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxayna labada mas’uul ka wadahadleen xaaladda dalka Soomaaliya iyo doorashooyinka dadban ee ka socda, arrimaha ammaanka iyo qodobo kale. Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada dalka Jabuuti waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan […]

November 3rd, 2016 | Posted in Latest Video | Read More »

Hoggaanka socdaalka war cusub kasoo saaray Baasaboorka Soomaaliya

Taliska hoggaanka scdaalka Dowladda Soomaaliya ayaa war cusub ka soo saaray Baasaboorka Soomaaliya, isagoona daaha ka rogay arrimo qarsoonaa oo ku wajahan shuruudo hor leh oo laga soo saaray qofka qaadanaya Baasaboorka Soomaaliga ah. Maxamed Aadan Koofi Taliyaha laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u sheegay inay khubaro u xilsaarayaan kala […]

November 1st, 2016 | Posted in Latest Video | Read More »

Deeq la soo gaarsiiyay Dowladda Federaalka oo la la’yahay meel ay martay + Video

Deeq lacageed oo la soo gaarsiiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la la’yahay meel ay martay iyo cida gacanta ku heysa, waxaana deeqdaasi oo ay bixisay Dowladda Sacuudiga ay beeniyeen qaar ka mid ah Madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka. Mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ayaa Warbaahinta u soo bandhigay deeqda lacageed iyo cadada […]

November 1st, 2016 | Posted in Latest Video | Read More »

Daawo sida kooxda Daacish kula wareegtay degaanada Qandala

Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in dagaalyahano katirsan Daacishta Soomaaliya ay shalay la wareegay Deegaanka Qandala oo Qiyaastii 75-km u jirta Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Dadka deegaanka ayaa ku waramay in dagaalyahano ku dhaw 100-nin oo aad u hubeesan in ay soo gaareen Deegaanka Qandala lana wareegeen, dagaalyahanadan ayaa saldhig ka […]

October 27th, 2016 | Posted in Latest Video | Read More »

FAAHFAAHIN Qaraxii ugu xooganaa oo maanta ka dhacay magaalada Baladweyne + Video

Magaalada Baladweyne waxaa maanta ka dhacay qaraxii ugu xooganaa kaasi oo loo adeegsaday gaari nooca xamuulka ah isla markaana lagu soo raray bal la soo hoos geliyay walxaha qarxa,kaasi oo gebi ahaanba baabi’iyay xero ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti burbur xoog leh u geystay. Qaraxa oo ahaa is miidaamin ayaa waxaa ku geeriyooday […]

October 25th, 2016 | Posted in Latest Video | Read More »

DAAWO: Donald Trump iyo Hillary Clinton oo dhex martay dood lugaha la gashay asaaska Mareykanka

Labada musharax ee u tartamaya xilka Madaxweynaha Dowladda Mareykanka Donald Trump iyo Hillary Clinton oo soo martay heerar kala duwan oo aan horay dalkaasi uga dhicin dalkaasi ayaa doodoodii ugu dambeysay waxay lugaha la gashay asaaska dalweynaha Mareykanka. Doodaan oo ka dhacday Jaamacadda Nevada Khamiiskii aynu soo dhaafnay ayaa labada musharax waxay siyaabo kala duwan […]

October 21st, 2016 | Posted in Latest Video | Read More »

Madaxweyne Cali C/llaahi Cosoble oo ka degay Baladweyne

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa booqasho aan horay loo sii qorsheynin waxa uu ku tegay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaddib markii diyaarad Helikobtar ah ay ka qaaday magaalada Jowhar. Wafdiga Madaxweynaha waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo xubno ka tirsan maamulka Dowladda Federaalka , […]

October 20th, 2016 | Posted in Latest Video | Read More »

Shir looga hadlay arrimo muhiim ah oo ka dhacay magaalada Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee xarunta maamul goboleedka Jubaland waxaa ka dhacay shir saddex geesood ah, kaasi oo looga hadlay arrimaha qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkooda dib ugu laabanaya, iyadoo kulankaasi lagu gaaray heshiisyo hor leh isla markaana lagu taakuleynayo qoysaskooda. Kulanka oo dhex maray madaxda maamulka Jubaland, wafdi ka socda Dowladda Kenya iyo saraakiil ka tirsan hay’adda […]

October 19th, 2016 | Posted in Latest Video | Read More »

Shacabka Muqdisho iyo Gaalkacyo oo cod aan loo kala harin ku dalbaday in Galmudug iyo Puntland joojiyaan dagaalka (Daawo muuqaalka)

Xaaladda magaalada Gaalkacyo oo noqotay utun mar kasta soo laab laabaneysa, iyadoo ka sii dareysa marba marka ka dambeysa ayaa markii ugu horeysay shacabka qeybihiisa kala duwan min Gaalkacyo ilaa iyo Muqdisho waxay cod aan loo kala harin uga dalbadeen maamulada Puntland iyo Galmudug inay joojiyaan colaadda kaddib markii ay ka yaabeen Kaarayaasha gurguurta iyo […]

October 16th, 2016 | Posted in Latest Video | Read More »

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”