Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
Home » caalamka You are browsing entries filed in “caalamka”

Qaraxii ka dhacay magaalada Istanbuul oo ajaaniib badan lagu dilay

Waxaa sii kordhaya qasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay weerarkii xooganaa ee xalay saqdii dhaxe nin hubeesan uu ku qaaday goob lagu caweeyo oo kutaala magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga. Tiradad dadka ku dhintay weerarkaasi ayaa hada gaaray 39-qof ,halka ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 69-qof, dadka dhaawacyada qaba ayaa qaarkood lasoo warinayaa […]

January 2nd, 2017 | Posted in caalamka | Read More »

Kuuriyada Waqooyi oo shaacisay ballaarinta quwadda Nukliyeerka

Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in dalkiisa uu hada marayo heerkii ugu danbeeyey ee gabagaba horumarinta gantaalada isaga kala goosho qaaradaha. Kim Jong Un ayaa hadalkan ka sheegay khudbad Telefishinka laga sii daayey Axaddii la soo dhaafay. Waqooyiga Kuuriya ayaa sanadkii dhammaaday tijaabiyey laba gantaal oo ah kuwa xambaara suntan niyukleerka, taasoo dhalisay qeyla dhaan […]

January 2nd, 2017 | Posted in caalamka | Read More »

Haweeney Muslim ah oo loo diiday in ay Ra’isul Wasaare ka noqoto dal Yurub ku yaala

Madaxweynaha dalka Romaaniya Klaus Lohannis ayaa diiday in uu ansixiyo in dalkaasi ay Ra’isul Wasaare ka noqoto Haweeney Muslim ah oo lagu magacaabo Sevil Shhaideh , taa oo noqon laheyd haweeneydii ugu horeesay ee dalkaasi Ra’isul Wasaare ka noqota. Xisbiga PSD ee ku guuleestay doorashada dalkaasi ayaa soo magacaabay Sevil Shhaideh in ay noqoto Ra’isul […]

December 29th, 2016 | Posted in caalamka | Read More »

Kooxda Boko Haram Ee Dalka Nigeria oo Laga Qabsaday Fariisinkoodii Ugu Weynaa *Sawiro*

Wararka ka imanaya dalka Nigeria ayaa sheegaya in kooxda Boko Haram ee ka dagaalanka woqooyiga dalkaas laga qabsaday fariisinkoodii ugu weynaa. Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari oo warbaahinta dowladiisa la hadlay ayaa sheegay in ciidanka Nigeria ay mitidiinta Boko haram ka saareen saldhigoodii waynaa ee ay ku lahaayeen kaynta Sambisa. Argagixisadii waa firxad meel kale oo […]

December 26th, 2016 | Posted in caalamka | Read More »

Diyaarad laga leeyahay dalka Ruushka oo la la’yahay

Diyaarad Millateri oo laga leeyahay dalka Ruushka, ayaa la waayay, kadib markii ay ka kicintay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Sochi ee dalka Ruushka, markii uu lumay raadeerka Diyaaradaasi. Wasaarada Difaaca dalka Ruushka, ayaa sheegtay Diyaarada oo aheyd Namberkeeda Tu-154 ay saarnaayeen dad gaaraya 91 ruux oo isugu jira Saraakiil ciidan, Fanaaniin, Wariyeyaal. Diyaarada ayaa qadkeeda la […]

December 25th, 2016 | Posted in caalamka | Read More »

Wararkii ugu dambeeyay diyaarad Liibiya laga afduubtay oo jasiiradda Malta lagu dejiyay

Diyaarad ku socotay magaalada Tripoli ee caasimada dalka Liibiya isla markaana lagu dejiyay jasiirada Malta ayaa waxaa ka soo baxaya faahfaahino dheeraad ah, waxayna wararkii ugu dambeeyay ee aanu ka heleyno xaaladda rakaabkii saarnaa diyaaradaasi oo ahayd Airbus A320. Saraakiil ka tirsan Booliska Jasiiradda Malta ayaa ku guuleystay inay diyaaradda laga soo dejiyo 118-qof oo […]

December 24th, 2016 | Posted in caalamka | Read More »

Dalka Jarmalka oo lagu qabtay walaalo qarax diyaarinayay

Ciidamada Booliiska ayaa xabsiga dhigay labo wiil oo walaalo ah oo la sheegay inay qorsheenayeen weeraro argagaxiso. Askar badan oo xalay hawlgalo ka fuliyey magaalada Duisburg ee Galbeedka dalkaasi Germany ayaa xiray labo wiil oo walaalo ah oo kasoo jeeda dalka Kosovo. Labadan wiil ayaa la sheegay in qorshahoodu ahaa inay weeraraan suuqa weyn ee […]

December 23rd, 2016 | Posted in caalamka | Read More »

Kooxda Daacish oo Nolosha ku gubtay Labo askari oo u dhalatay dalka Turkiga + Sawirro

Kooxda Daacish ayaa baahisay Sawiro iyo Muuqaalo ku aadan iyaga oo nolosha ku gubaya labo nin ay sheegeen in ay katirsanaayeen Ciidamada Dowlada Turkiga, kuwaa oo lagu qabtay dagaal ka dhacay gudaha Siiriya. Muuqaalka ay baahiyeen Kooxda Daacish ayaa waxaa ka muuqda labada askari oo silsilad ku xiran dabna gadaal looga soo shiday , waxaana […]

December 23rd, 2016 | Posted in caalamka | Read More »

Weerar qasaare geystay oo lagu qaaday ciidamada Turkiga ee ku sugan xuduuda Suuriya

Kolonyo ka tirsan ciidamada Milateriga Dowladda Turkiga oo ku sugan magaalo lagu magacaabo Al-Bab 20Km u jirta xuduuda ay la leeyihiin dalka Suuriya ayaa lagu qaaday weerar qasaare xoogan gaarsiiyay. Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada Turkiga weerarka ayaa waxaa ku geeriyootay 14-askari, kaddib markii lala eegtay qaraxyo iyo weeraro toos ah oo ay […]

December 22nd, 2016 | Posted in caalamka | Read More »

Barashada bulshada ugu caansan oo lagu eedeeyay inay qeyb ka yihiin taageerada kooxaha…(Daawo)

Qaar ka mid ah baraha xriirka bulshada ee Internet-ka ayaa lagu eedeeyay inay qeyb ka yihiin qalalaasaha kooxaha argagixisada ah caalamiga ah ka geystaan dalalka caalamka, iyagoo ku soo gala magacyo kala duwan ayaa waxay kaloo u adeegsadaan sidii ay ugu faafin lahaayeen afkaarahooda xagjirnimo. Warbixin laga sii daayay telefishanka caalamiga ah ee CNN ayaa […]

December 21st, 2016 | Posted in caalamka | Read More »

Ninkii Ka Dambeeyay Dilkii Safiirka Ruushka Turkiga oo La Aqoonsaday

Waxaa la aqoonsaday Shaqsiyada ninkii xalay magaalada Ankara ee caasimada dalka Turkiga ku dilay Safiirka dowlada Ruushka u fadhiya dalka Turkiga, dilkan ayaana noqday mid si weyn looga hadal hayo caalamka oo idil. Ninka dilka geesay oo ahaa nin dhalinyaro ah ayaa markii uu dilka geesay si cabsi la’aan ah waxa uu uga hormuuqday Kaamiradaha, […]

December 20th, 2016 | Posted in caalamka | Read More »

YEMEN: In ka badan 40-qof oo ku geeriyootay qarax is miidaamin

Qarax is miidaamin ayaa ka dhacay dalka Yemen, kaasi oo ay ku geeriyoodee ilaa 40-ruux oo u badan askar ku sugan goob ay mushaar ka qaadanayeen oo ku taala dalka Yemen. Weerarka oo ka dhacay goob ku dhaw saldhig ciidan ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay askar kale oo fara badan, waxaana lala beegsaday askarta […]

December 18th, 2016 | Posted in caalamka | Read More »

VIDEO: Maraakiibta iyo diyaarado dagaal casri ah oo tababarkii ugu weynaa ku sameynaya Clifornia

Ciidamada Badda Mareykanka ayaa bilaabay carbiskii ugu weynaa oo ay sameeyaan muddo sanooyin ah, iyagoo soo bandhigay diyaaradaha dagaalka noocyadooda kala duwan iyo maraakiibta dagaalka ee xambaaraha diyaaradaha. Mid ka mid ah maraakiibta dagaalka ugu waaweyn dalka Mareykanka oo lagu magacaabo USS Carl ayaa lagu soo bandhigay muuqaal la soo dhigay baraha xiriirka bulshada isagoo […]

December 16th, 2016 | Posted in caalamka | Read More »

Madaxweynaha kursiga ka degaya ee dalka Mareykanka oo ka hadlay howlgalada ay ka fuliyeen Soomaaliya

Brack Hussein Obama Madaxweynaha xilka wareejiyana ee dalka Mareykanka ayaa markii ugu horeysay waxa uu soo saaray qoraal ku saabsan howlada ay ka fuliyeen ciidamada dalkaasi mudadii uu xilka hayay. Qoraalka Madaxweynaha Mareykanka oo loo gudbiyay aqalka cad ayaa lagu sheegay in ilaa Lix howlgal oo lagu bartilmaameedsanayo kooxaha argagixisada ah ay ka dhaceen dalka […]

December 6th, 2016 | Posted in caalamka | Read More »

Dowladda Maraykanka ayaa diyaarado nooca dagaalka ah ku wareejisay Dowlada Kenya*Sawiro*

Dowladda Maraykanka ayaa diyaarado nooca dagaalka ah ku wareejisay Dowlada Kenya oo kula dagaalami doonta maleeshiyaadka Al-shabaab ee duulaanka ku ah Kenya.Safiirka dowladda Maraykanka u fadhiya dalka Kenya Robert Godec, ayaa 6 diyaarad oo nooca Helikobtar-ka ah ku wareejiyay Xoghayaha difaaca Kenya Raychelle Omamo. Danjire Robert Godec oo ah Safiirka ayaa sheegay in ujeedka loo […]

December 5th, 2016 | Posted in caalamka | Read More »

DEGDEG: Nin hubeysan oo Paris ku afduubtay dad safar ahaa

Magaalada Paris ee caasimadda u ah dalka Faransiiska waxaa goor dhow lagu afduubtay dad safar ahaa, kaddib markii hubeysan uu soo galay xafiis laga maamulo socdaalka oo magaaladaasi ku yaala. Ciidamada Booliska dowladda Faransiiska oo durba goobtaasi gaaray, hase yeeshee sida ay sheegayaan wakaaladaha wararka ninkaasi ayaa ku jira gudaha xaruntii uu dadka ku afduubtay. […]

December 2nd, 2016 | Posted in caalamka | Read More »

Talyaaniga oo ku wajahan afti guud

Matteo Renzi Raisulwsaaraha dalka Talyaaniga ayaa sheegay inaanu ka mid ahyn kuwa taageera kooxda kubada cagta kolba dhinaci guuleeysta. “Anigu markasta Fiorantin ( kooxda Firenze) ayan ahay,” ayuu ku kaftamay. Renzi wuxxu ka hadlayay cod bixinta (afti) guud ee wax looga badalyo dastuurka Talyaniga oo ay ku jiraan qodobo aan la talaabsan karin wakhtiga casriga. […]

November 30th, 2016 | Posted in caalamka | Read More »

Garoonka Jomo Kenyatta oo la xiray kaddib markii diyaarad Soomaaliya ka tagtay ay ku dhacday

Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta magaalada Nairobi ayaa la xiray, iyadoona halkaasi halkaasi howlgallo ka wadaan ciidamada ammaanka kaddib markii wadada ay diyaaradaha ku cararaan ee Runway-ga loo yaqaano ay ku dhacday diyaarad ka tagtay Soomaaliya. Maamulka Garoonka diyaaradaha JAKIA ayaa war uu ka soo saaray ayaa waxa uu ku sheegay in diyaaradda […]

November 28th, 2016 | Posted in caalamka | Read More »

Dalka Uganda oo ka dhacay dagaalkii ugu cuslaa ee soo mara taariikhda + Sawirro

Dowladda dalka Uganda ayaa galay aan soo marin muddo sanado ah, kaddib markii dagaal fool ka fool ah oo dhex maray ciidamada ammaanka iyo maleeshiyo taageersan Boqor lagu magacaabo Rwenzururu ayna ku geeriyoodeen dad tiradoodu ka badan tahay 55-ruux iyo dhaawacyo ku dhow boqol ruux. Hoggaamiyaha maleeshiyada la dagaalameysa ciidamada Dowladda oo lagu magacaabo Charles […]

November 28th, 2016 | Posted in caalamka | Read More »

Madaxweynihii hore ee Cuba Fidel Castro oo geeriyooday

Fidel Castro taariikhda Soomaaliya baal madow ayuu ka galay ka dib markii uu si cadaalad darro ah dagaal ugala saftay Ethiopia ayadoo aanay jirin shacabka Soomaaliyeed wax ay u dhimeen. Waxaa uu sabab ka ahaa jabkii ku dhacay xooga dalka Soomaaliyeed qorshahii la rabay in lagu xoreeyo Soomaali Galbeed asagoo xulafo la ahaa xukuumadii koofurta […]

November 26th, 2016 | Posted in caalamka | Read More »

ERDOGAN: “Haddii Midowga Yurub heshiiska ka baxdo waxaan ooda ka qaadanayaa muhaajiriinta aan hortaaganahay”

Khilaafka u dhaxeeya dowladda Turkiga iyo Midowga Yurub ayaa gaaray halkii ugu sareysay, iyadoo Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan jeediyay digniin culus oo ku wajahan cadaadiska Dowladdiisu ku saareyso go’aan ka soo baxay Baarlamaanka dalalka Midowga Yurub. Madaxweynaha Turkiga ayaa ku hanjabay inay ooda ka qaadayaan kumanaan ruux ee muhaajiriinta ah kuwaasi oo doonaya inay galaan […]

November 25th, 2016 | Posted in caalamka | Read More »

Sarkaal ka tirsan Al-Qaacida, caruurtiisa iyo xaaskiisa oo diyaaradaha Drone-ka lagu dilay

Kooxda Al Qaacida garabkeeda dalka Afgaanistan ayaa qirtay in duqeyn diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee dalka Mareykanka fuliyeen lagu dilay sargaal sare oo katirsanaa Kooxdaasi io xubno katirsan qoyskiisa. War kasoo baxay Al Qaacida ayaa lagu xaqiijiyay in Faaruuq Al Qaxtaani ay wehliyeen caruur uu dhalay iyo xaaskiisa duqeyn lagu dilay, waxaa sidoo kale duqyntan […]

November 24th, 2016 | Posted in caalamka | Read More »

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj