Logo_Dahabshiil_cusubAdv
NLINK-NEWhilal-banner
XayeysiinTawakalExpress

| | 192 views

Taliyaha Nabad Sugida Soomaaliya Iyo Saraakiil Ka Tirsan Madaxtooyada oo Tagay Dhuuso Mareeb

taliyaha_nabadsugida_Tuuryare

Wafdi uu hogaaminaayo Taliyaha hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Janaraal C/raxmaan Tuur yare ayaa maanta gaaray degmada Dhuus mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, waxaana Taliyaha socdaalka ku wehliyay saraakiil ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya.

Taliyaha ayaa markii u gaaray magaalada Dhuus Mareeb waxaa uu kormeeray xarunta hay’adda Nabad Sugida oo ku yaala magaaladaasi isagoo sidoo kale kormeerey saldhig lagu tababaro ciidanka hay’adda Nabad Sugida.

Socdaalka Taliyaha hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Janaraal C/raxmaan Maxamuud Tuur yare uu maanta ku tagay ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo sidoo kale Madaxweynaha Janhuuriyadda Soomaaliya oo dhowaan halkaasi booqan doono.

Waxaad nagala soo xiriiri kartaan: contact@somaliweyn.com

Fikirkaada ka dhiibo qoraalka kore, adigoo aan xadgudub sameynin. Mahadsanid

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=1130

Waxaad nagala soo xiriiri kartaan: contact@somaliweyn.com