Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 1,677 views

Dhaqaale Soomaaliya soo galay sanadkaan oo la waayay meel uu maray (Warbixin)

Caalamku dambi weeyn ayuu naga galay markii uu nagu daray liiska wadamada corruption ku jiro, waxaan nahay wadanka kaliya ee caalamka oo dhan ayna ka dhicin musuqmaasuq, xatooya xoola dadweeyne, iyo laaluushba.

Si aad ku ogaato in wadan uu ka jiro musuqmaasuq waxaa loo baahan yahay in aad sameeyso cilmi baaris dhab ah oo aad soo u ruriso wixii DATA/ xog la xiriiro hadiiba uu jiro fal dambiyeedkaasi, baaritaan dhawaan lagu sameeyay dalka Somalia ayaa lagu ugaaday in ayna ka jirin wax is daba marin.

Haddii aad tagto saldhigyada poliska, laamaha dambi barista iyo maxkamadaha waxaad ku arkee dad lagu soo eedeeyay kufsi, isbaaro, dacwad dhul, digaag la xaday, kira guri oo la bixin waayay, biilkii caruurta oo la isku heeysto, dhaxal IWM, laakin kama heleeysid hal gal dacwo oo si cad u muujinee qof lagu soo eedeeyay corruption ama lagu xakumay, ileeyn taa dambi loomaba yaqaan, weliba hantida la lunsaday haddii ay tahay Dollar, sababta oo ah dollarku ma ahan lacag Soomaali caalamku dulmiga hanaga daayo, wax aan sharcigeeno dambi u aqoonsaneeyn yuuna dambi nooga dhigin…………..////
Shalayna maxaa dhacay: Raisul wasaaraha ayaa yiri: 650Milyan USD ayaa sanadkan soo gashay Soomaaliya inteedii badneedna manaqaan meel ay ku baxday, haddii madaxii fulinta xuxuumadu uuna ogeeyn ma anagaa nala weeydiinaa, asagu soow ma ahan qofka loo dhaariyay inuu ogaado.

Haddi qoowsaarkii yiraa xoolihii qaar baa maqan ????!!!!waxaa quus I galiyay isla shalay markii Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur uu sheegay: in dalka Haatan ay ka jirto cadaalad daro heerkii ugu sareysay loona baahan yahay gunta dhiisha la isaga dhigo sidii cadaalada dalka loo hagaajin lahaa.

Wuxuu sheegay Mr Xaashi in dhamaan Hay’adaha kala duwan ee Dowlada ay ka jiraan Cadaalad darada, islamarkaana Wasiirada ay soo eryaan shaqaalaha u badan raga ka dib Hablo yar yar booskooda ku badalaya, kuwaasi oo maalin walba taagan Xafiisyada Maxkamadaha dalka.

Sidoo kale, Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa sheegay in cadaalad darada isaga laftiisa ay saameysay maadama bilal dhowr ah wax mushaar uusan qaadan intaan dad kale la aadin. Kaba darane isla shalay Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa qiray in Kiiska Kufsiga uu ku badan yahay Soomaaliya gaar ahaan xeryaha dadka gudaha ku barakacay.

Wuxuu u aaneeyay sababo dhowr ah oo ay ka mid tahay in Gabdhaha la kufsado oo u badan dad danyar ah oo dadka gudaha ku barakacay aanay helin cadaalad u horseeda iney si sahal ah ku farmuuqaan danbiilayaasha falka geystay iyo meesha ay u dacwoonayaan oo aysan cadaalad ka helin, waa sida ay qoreen wargeeysyada guduhu….Haddaba Akhristoow…Musuqmaasuq dambi miyaa? Haddi qeeylo masajidka ka soo yeerto, Xaggee?. Dhibanihii hadduu dhoola cadeeynayo .xagee? kii loo caban lahaa hadduu isagii cabanayo, xagee?.

Waxaa Qoray:
Prof. Yaxye Sh. Caamir

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=12455

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj