Logo_Dahabshiil_cusub Adv marqaati NLINK-NEW TawakalExpress
| |

Madaxweynaha Soomaaliya: “Socdaalkeyga Dhuusamareeb waxaan ku soo arkey shacab diyaar u ah ..’’

MW_xassan_booqday_dhuusamareeb

Muqdisho:  Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey dadaalka dib u heshiisiinta ee shacabka gobollada dhexe iyo in degaannadaasi dhowaan laga dhiso maamul loo dhan yahay.

Madaxweynaha oo ka hadlayey munaasabad casho sharaf ah oo uu Raiisul Wasaare Cumar Cabdirashiid magaalada Muqdisho ugu sameeyay xubnaha baarlamanka ayaa sheegay inuu indhahiisa ku soo arkey sida shacabka , siyaasiyiinta iyo qeybaha kale ee bulshada ay uga go’an tahay inay is cafiyaan, mustaqbal wanaagsanna u horseedaan degaannada gobollada dhexe.

‘’Biseyl ayaan ku soo arkey Dhuusamareeb iyo dad diyaar u ah inay ka gudbaan wixii la soo marey. Waxaan isku soo afgaraney in shirarka dib u heshiisiinta ay halkooda ka sii socdaan ilaa dhammaadka bishan, marka la gaaro bisha Maarso-na la gudagalo barnaamijka maamul loogu sameynayo gobolladaasi,’’ ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay si buuxda uga shaqeyneyso, isla markaaana dhiirigelineyso fududeynta dhismaha maamul goboleedyada.

“Gobollada dhexe ee Soomaaliya muhimad gaar ah ayay u leeyihiin nabadeynta Soomaaliya iyo dhismayha mustaqbal wanaagsan oo shacabkeenna ay ku faanaan. Waa muhiim midnimada dadka deegaanka, dowladda dhexe waxay si gaar ah xil isaga saareysaa sidii loo gaari lahaa, maamul iyo kala dambeyn, nidaamkaas oo ah kan keliya ee horumar lagu gaari karo”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bulshada gobollada dhexe ugu baaqay in ay midoobaan oo ay shirarkan ay ka soo saaraan tallooyin ku dhisan degnaansho iyo wadajirka shacabka wada dega.

Dhanka kale Madaxweynaha waxaa intii uu joogay Dhuusamareeb uu tababar ugu soo xirey ciidammo ka tirsan Taliska Nabadsugidda.

xasxas2xas3xas4xas5xas6xas7xas8xas9xas77xas88xas99xas888xas999xas9999xas99999

 

DHAMMAAD

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada

Waxaad nagala soo xiriiri kartaan: contact@somaliweyn.com

Top Posts & Pages

Fikirkaada ka dhiibo qoraalka kore, adigoo aan xadgudub sameynin. Mahadsanid

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=1275

2 Comments for “Madaxweynaha Soomaaliya: “Socdaalkeyga Dhuusamareeb waxaan ku soo arkey shacab diyaar u ah ..’’”

  1. Rattling clean internet web site , thanks for this post.

  2. Good article. I am going through many of these issues as well..

Leave a Reply

Haddii aad dooneysid inaad hesho wararka iyo warbixinadeena, godka hoose ku qor Emailkaada, adigoo botomka hoosena Click siinaya.

Join 12 other subscribers

Waxaad nagala soo xiriiri kartaan: contact@somaliweyn.com