| | views 293

Tababarayaasha Kubadda Koleyga Oo Kulan Ku Muujiyey Sida Ay Uga Xunyihiin Aflagaadeynta Shiikha, Bruno Iyo Oday + Sawirro

Kulan ay isugu yimaadeen ururka tababarayaasha kubadda koleyga ee Soomaaliya ayaa waxaa ay uga hadleen dagaalka dhinaca afka ah ee maalmahan danbe ku hayo xoghayaha XSKK Siciid Faarax tababarayaal caan ah oo si weyn looga garanayo Sportiga Soomaaliyeed oo uu kujiro Macalin C/qaadir Shiikha.

Kulanka gudiga tababarayaasha ayaa ka dhacay garoonka Wiish Stadium,waxaana ka muuqanayey Ciyaaryahano hore oo kubadda koleyga dalka soo marey oo iminka tababarayaal ah,waxayna intooda badan ka hadleen sababta masuul xil ka haya XSKK uu ula dhaqmayo Macalimiin dalka Soomaliya laga wada garanayo oo kbahda Kubadda koleyga ay qadariyaan.

Tababare Mustaf C/casiis oo kamid ahaa Tababaraashii ka qeybgaley kulankaasi,ayaa sheegay in Faarax Odey qalab soo gaarsiiyey XSKK,sidoo kalena tababare Shiikha uu Muqdisho u joogey mudo 3 bilood ah bixinta tababaro iyo casharo kubadda koleyga oo xitaa aysan kasoo helin koorsooyinkii dibadda dalalka deriska loo aadayey sida uu yiri.

“Waxaa haboon in la xuso qofka hadba waxa uu qabtey,waxaana aad uga xunahay in xiligaan la is eedeeyo oo saxaafadda la isku mariyo ereyo aan wanaagsanayen”ayuu raaciyey.

Tababare Mahdi Cali biifood oo kooxda ILS hogaamiya ayaa dhankiisa sheegay in wax layaab leh ay ku noqotey eedeynta loo jeedinayo Shiikha,Bruno iyo Faarax Odey isagoo xusey iney waajib tahay in xoghayuhu raali gelin ka bixiyo arimahan dibna uusan ugu kicin wax wiiqaya horumarka Kubadda koleyga.

Si kastaba Macalimiintii iyo ciyaartoydii kale ee halkaasi ka hadashey ee muujisey inay ka xun yihiin arimaha dhacaya ayaa waxaa kamid ahaa,gabdhihii xulka iyo kooxdii Jeenyo Mulki Muudey,Faadumo Aweys,Geediyo abshir,Siciid Bootaalle iyo qaar kale.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=1298

Posted by on Jun 16 2014. Filed under Sports, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Recently Commented

  • Dungeon Hunter 4 Hack: If you would like to take much from this article then you have to apply such methods to your...
  • Respawnables Hack: Having read this I thought it was really informative. I appreciate you spending some time and...
  • Castle Clash Cheats: Just want to say your article is as astounding. The clearness in your post is simply cool and i...
  • Candy Crush Saga Hack: Thanks for finally talking about > American-Somali relations: What’s in the words? |...
  • Car Town Hack: Everyone loves it when folks come together and share thoughts. Great blog, keep it up!