Logo_Dahabshiil_cusubTawakalExpress Banner_mrq
NLINK-NEWhilal-banner

| | 419 views

Falastiin oo Safaaradii u Horeysey Ka Furtey Dalka Sweden;-Daawo+Sawiro

MW_falastiin_safarad_sweden_ka_furay

Safaaradii u horeyse ee abid ay ku yeeshaan dalalka reer Galbeedka ayaa dalka Falastiin ka furtey dalka Sweden maalintii shalay ee Salaasada. Xafladda furitaanka safaaradda waxaa ka soo qaybgalay madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas iyo Raysalwasaaraha Sweden Steven Lofven.

Madaxweyne Cabbaas oo ka hadley xafladdii furitaanka ayaa yiri, aqoonsoga Sweden na siisey waxay horey u wadeysaa, geedi socodka nabadda iyo wada hadalkii socdey.

Raysalwasaaraha dalka Sweden ayaa ku dhawaaqey taageero baaxad weyn oo dalkiisu siinaayo Falastiin, waxaase uu dalbadey in isbeddel la sameeyo.

” Waxaa jira caqabado badan, waa muhim in aan idinka taageerno midkasta sida la dagaalanka musuq-maasqa, kor u qaadidada sinaanta jinsiga, dhawrida xuquuqda aadanaha iyo ugu danbeyntii in la dhiso hay’adahii dowlaiga ahaa” ayuu yiri Lofven rayalwasaaraha Sweden.

Heshiis cusub oo labada dhinac kala saxiixdeen ayaa dalka Sweden kor u qaadey taageerada uu siin jirey Falastiin, waxaana ay gaarsiiyeen 1.5 Bilyan oo lacgta Sweden ah taas oo u dhiganta 180 milyan oo dollarka Maraykanka ah shanta sano ee soo socota.
Sanadkii hore bishii Oktober ayaa dalka Sweden si rasmi ah u aqoonsadey dalka Falastiin, waxaana ay noqdeen dalkii u horeeyey ee ka tirsan Midowga Yurub oo Falastiin u aqoonsada dal madaxbanaan.

Aqoosniga Sweden ee Falastiin ayaa xumeeyey xiriirka ay la wadaageen dalka xooga ku haysta Falasiin ee Israel. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sweden Margot Wallstrom ayaa baajisey booqasho ay ku tegi lahayd Israel bishii Janaayo kadib markii Wasiirka Arrimaha dibadda ee Israel Avigdor Lieberman sheegey in aysan soo dhaweyneyn ee booqasho caadi ah ay ku imaan karto.

Dalalka kale ee Sweden daba galey dhanka aqoonsiaga waxaa ka mid ah Midowga Boqortooyada (UK), Faransiiska iyo Isbeyn.

Isku dar 130 dal oo caalamka ka mid ah ayaa Falastiin u aqoonsan dal madaxbanaan, waxaan a kamid ah dalalka bariga Yurub kuwaas oo aqoonsadey ka hor inta aysan Midowga Yurub ka mid noqon.

Mahmoud Abbas, President of the Palestinian National Authority stands together with Sweden's King Carl XVI Gustaf at royal palace in StockholmSweden Abbaspalas3palatine

https://www.youtube.com/watch?v=RC1gY8DkiTQ

Waxaad nagala soo xiriiri kartaan: contact@somaliweyn.com

Fikirkaada ka dhiibo qoraalka kore, adigoo aan xadgudub sameynin. Mahadsanid

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=1308

Haddii aad dooneysid inaad hesho wararka iyo warbixinadeena, godka hoose ku qor Emailkaada, adigoo botomka hoosena Click siinaya.

Join 2 other subscribers

Waxaad nagala soo xiriiri kartaan: contact@somaliweyn.com