Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 2,784 views

Maxaad ka taqaan shaqsiga sanadka 2015-ka ee siyaasadda Soomaaliya?!!

Sanadkan sii dhammaanaya ee 2015-ka waxaa taariikhda siyaasadda Soomaaliya shaqsi aadan maleysan karin inuu kaalintaas geli karo, inkasta oo qormadaan dhiraan dhirineyso waxyaabaha uu ku muteystay markaasi oo aan filayo inaad ka garaabeyso waxqabadkiisii sanadkaan sii dhammaanaya.

Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka ee cimrigeeda sii dhammaaday Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa noqday shaqsiga heysta Rikoorka siyaasadda, isagoo noqday laba jeer Ra’iisal taasi oo aan ka dhicin dalka tan iyo markii dalka Soomaaliya xornimadiisa qaatay.

Cumar C/rashiid ayaa laba Dowladood ka soo noqday Ra’iisal Wasaare, isagoo sanadkii ugu dambeeyay la soo baxay dardar cusub, isagoo ku muteystay arrimo badan oo ay ka mid yihiin: inuu yahay shaqsi aan ku degdegin amaba raadin jago siyaasadeed, inkasta oo dhaliilaha madaxda Soomaalida loo jeediyo qeybtiisa ku leeyahay.

ccc2

Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka – Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke

Ra’iisal Wasaarahaan oo uu dhalay C/rashiid Cali Sharma’arke 90% wuxuu raacay siyaasadda aabihii oo noqday Madaxweynayaashii ugu horeeyay Dowlad Soomaaliyeed, isagoo aan dhaqdhaqaaqyo badan ku lahayn siyaasadda dalka inta badanna noloshiisa ku qaatay dalka dibadiisa.

Marka la eego dabeecadaha Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid waa nin furfursan oo u dhaqma sida ciyaalka xaafadda oo kale, isla markaan aad u jecel Isboortiga, gaar ahaan ciyaaha K/Cagta wuxuuna aaad u jecel yahay cunista waxyaabaha macmacaanka ah, taasi oo u keentay inay dadka ugu yeeraan “Cumar Xalwo”.

Ra’iisal Wasaarahe Cumar C/rashiid tan iyo markii uu soo magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxyaabaha ugu waaweyn ee uu qabtay waxaa ka mid ahaa: Isagoo dejiyay xiisadii siyaasadeed ee u dhaxeysay Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaa kale Cumar C/rashiid oo uu ka qeyb qaatay heshiiska Madaxweynayaasha isku heysta maamulka gobolka Mudug ee C/Weli Maxamed Cali Gaas iyo C/kariin Xusen Guuleed oo kala hoggaamiyaha Puntland iyo Galmudug, kaasi oo keenay in labada maamul ku dagaalamaan magaalada Gaalkacyo, kaasi oo geystay qasaarooyin kala duwan.

Dadka daraaseeya siyaasadda Soomaaliya ayaa iyagu aaminsan in Madaxweyne Xasan Garguurte uu ku xushay Cumar C/rashiid uu yahay nin “YES MAN” oo aan marnaba ka hor imaaneynin amarka Madaxweynihiisa.

Magacaabista Ra’iisal Wasaare CCC ayaa ku soo beegantay khalkhal siyaasadeed oo soo wajahay Madaxtooyada Villa Somalia, kaddib markii kooxda Dam-Jadiid ee garabka Madaxweyne Xasan cagta saartay wadadii fashilka, musuqmaasuqa iyo boobka hantida Qaranka oo keentay inuu faraha ka baxo ammaanka magaalada Muqdisho iyo dalkiisa inta kale.

Taariikhda Soomaaliya weli lama arkin shaqsi Madaxweyne noqday oo xukunka laga riday amaba looga adkaaday doorasho oo hadana mar kale noqday Madaxweyne, hase yeeshee darajada Ra’iisal Wasaare waxaa heysta Cumar C/rashiid oo laba jeer noqday Ra’iisal Wasaare, waxaan sugeynaa sanadka cusub 2016-ka shaqsigii jebin lahaa iskoorka Madaxweynenimada Dowladnimada Soomaaliya.

Tifaftiraha Somaliweyn
contact@somaliweyn.com

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=13591

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj