Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 886 views

Faarax Cali: “Waan ku guuleystay ololaheyga Tabliiqa ee xiriirka Bulshada” + Sawirro

Baraha xiriirka bulshada caalamka, gaar ahaan dadka Soomaalida ah oo marba marka ka sii dambeysa marba heer soo taagnaa, ayaa haatan waxa uu gaaray heerkii ugu sareeyay marka la eego iska warqabkooda meel kasta oo ay adduunka ka joogaan.

Siyaabaha kala duwan ee bulshada Soomaalida ugu xiriirto baraha bulshada waxaa saddexdii sano ee ugu dambeysay ku soo kordhayay kala faa’iideysiga kuwooda aqoonta leh oo iyagu bartooda xiriirka bulshada ku gudbinaya cilmi, aqoon kororsi iyo inay ku soo bandhigaan wacyi gelino kala duwan.

Faarax Cali oo ka mid ah dhallinyarada sida aadka ah u isticmaasha Internet-ka ayaa isagu bartiisa Facebook ku soo bandhiga inta badan wacyi gelinta dhinaca diinta Islaamka ah oo ku soo qaadanayo abyada iyo waxyaabihii ay ka soo weriyeen Rasuulka CSW.

1

Wiilkaan dhallinyarada ah ayaa shabakadda Somaliweyn uga warbixiyay ujeedada uu ka leeyahay ololihiisa TABLIIQA ah ee uu ku soo bandhigo Derbiga FACEBOOK, isagoona sheegay inuu go’aansaday sidii uu Soomaalida, gaar ahaan kuwa aqoontooda liidato uga wacyi gelin lahaa fasahaadka lagu faafinayo baraha bulshada.

“Ololaheyga Tabliiqa ah waxaan doonayaa kaliya inaan dadkeyga uga wacyi geliyo wax kasta oo xun” ayuu yiri Faarax Cali oo sheegay in Internet-ka ay ku soo bateen kooxo caadeystay inay marin habaabiyaan da’ yarta soo koreysa.

Waxaa kale oo uu sheegay Faarax Cali in ololihiisa inta badan uu ku wajahan yahay dadka qurba-joogta ah ee muddo badan dalkooda ka maqnaa iyo dhallinyarada ku dhalatay dalka dibadiisa, kuwaasi oo u nugul in siyaabo qaldan loogu fasiro diinta Islaamka ayna dhacday inay naftooda ku waayeen marin habaabinta Internet-ka loo soo mariyay.

“Inta badan dhallinyarada la marin habaabiyay ee ku biiraya kooxaha ka dagaalamaya dalalka ay Soomaaliya ka tahay Internet-ka ayaa loo adeegsaday” ayuu yiri Faarax Cali oo ugu baaqay waalidiinta Soomaalida qurbaha inay si dhow ula socdaan caruurtooda.

Hoggaamiyaha tabliiqa barta xiriirka Facebook waxaa kale oo uu sheegay in ololihiisa wacyi gelinta diineed ah uu bilaabay saddex sano kahor, isagoona sheegay in boqolaal Soomaali ah oo isugu jira DAL-JOOG IYO DIBAD-JOOG ay uga mahad celiyeen, iyagoona ku ammaanay kaalinta uu ka galay faafinta kheyrka iyo dacwada Alle SWT raalliga ka yahay.
Friday Monday Saturday sujud Sunday Thursday Tuesday Wednesday

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=13830

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj