Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 5,520 views

Taariikhda iyo horumarka dalka Kuuriyada waqooyi

Dalka Kuuriyadda Waqooyi waxaa loo yaqaan jamhuuriyadda dimoqraadiga ee Kuuriya waxaa kuu ka mid yahay wadamada ku yaala bariga qaaradda Aasiya waxaana uu xaduud dhuleed la leeyahay wadamada Kuuriyada koofureed Shiinaha iyo Rushka oo ay xaduud dhanka biyaha ah wadaagaan.

North Korea Anniversary

North Korea Anniversary

Caasimada wadanka waxaa la yiraahdaa Pyongyang oo sidoo kalena ah magaalada wadanka ugu weyn tirada dadka wadanka u dhashayna waxaa ay gaaraayaan  in ka badan 24 million oo ruux.

Dalkaan waxaa uu madaxbanaanidiisa qaatay bishii August sanadkii 1945 hase ahaatee waxaa uu gooni u istaagay wixii ka dambeeyay dagaalkii labada Kuuriya ee soo dhamaaday 1953.

Magaca wadankaan Kuuriyada waqooyi waxaa loo baxshay markii uu Shiinaha dalkaan ka baxay sanadkii 1958.

Calanka wadanka waxaa uu u sameysan yahay Sadex  midab oo kala ah Buluug qafiif ah oo labada dhinac ka mara iyo casaan dheer oo dhexdana ku leh xidig casaas ah oo meesha ay ku fadhiso cad tahay.

Luuqada wadanka looga hadlo waxaa la yiraahdaa Kuuriyan lacagtu dadka wadanka isticmaalaan ah waa North Korean Won.

Taariikhyanadu waxaa ay sheegaan in dalkaan uu gacanta u galay boqortooyaddii Japan sanadkii 1910 waxaana ay ka baxeen sanadkii 1945.

Dalka Kuuriyada waqooyi oo waayahaanba safka hore uga jira wararka warbaahinta caalamka maadaama dawlada ka jirta ay tahay mid  aad u xir xiran xiriirna la laheyn wadamada reer galbeedka badankood waxaa lagu tilmaamaa wadanka 4,aad ee dunnida ugu ciidanka badan waxaana ka horeeya oo kaliya dalalka Shiinaha, Maraykanka iyo Hindiya.

Askarta mar walba heeganka ku jira waxaa lagu qiyaasaa in ka badan hal malyan oo askari.

Bishii June sanadkii 1950 Ciidamada Kuuriyada waqooyi ayaa ku duulay dalka ay dariska yihiin ee Kuuriyadda Koofureed waxaana markii ay dalkaasi qabsadeen soo faro galiyay ciidamo Q,M ka socday oo ka saaray  waxaana dagaalka labada dalk uu dhamaaday bishii July sanadkii 1953.

Qiyaastii hal milyan oo qof oo askar iyo dad shacab ah ayaa dagaalkaasi ku naf waayay.

Dad ehelo ah ayaa sidoo kale ku kala go’doomay labada dal.

Talada wadanka waxay gacanta ugu jiraa hal qoys oo kasoo jeeda hogaamiyihii ugu horeeyay ee Kim ill- Sang.

Hadii aan si kale u dhahana waxaa wadanka maamula hal xisibi oo la yiraahdo xisbiga shaqaalaha Kuuriya oo xubnaha ku jirana ay gaarayaan 3 million oo qof.

M/weynaha hadda talada haya ee Kim John Un oo 33 sanno jir ah waxaa lagu tilmaamay shaqsi xilligaan dunnidaan ugu halista badan.

Xubno qoyskiisa ka tirsanaa oo dawlada xilal muhiim ah u hayay ayaa amar uu baxshay lagu dilay.

Shirkadda filimadda Sony ee Maraykanka ku taala ayaa dhamaadkii sanadkii 2014 baahisay film ay ka sameysay hab dhaqanka M/weynaha Kuuriyadda waqooyi waxaana uu noqday film xataa dhaliyay xiisad dhanka diblomaasiyada ah.

Xagga diimaha haddii aan eegno dastuurka dalkaas waxaa uu qabaa in qof walba uu xor yahay diinta uu doono waxaana la sheegaa in 64% ay dadka wadankaasi yihiin kuwa aan diin ah haysan.

Tirada Muslimiinta dalkaasi ku nool willi lama hayo waxaana la sheegaa inuu dalkaas oo u dhan uu ku yaalo hal masjid oo kaliya kaasoo ku dhex yaala dhismaha safaaradda Iran ee Pyongyang.

Masjidkaas oo loo dhisay shaqaalaha safaaradda haddana waxaa mararka qaar ku cibaadaysta Muslimiin wadamo kale u dhashay oo wadankaasi taga.

Haddii aanu dhaqanka eegnana dadka wadankaan o u dhaqan eg dadka Shiinaha waxaa raashinka ay martida ku sooraan la yiraahdaa bibimbap waana baasto hilbo iyo ukun la isku daray.

A missile is carried by a military vehicle during a parade to commemorate the 60th anniversary of the signing of a truce in the 1950-1953 Korean War, at Kim Il-sung Square in Pyongyang July 27, 2013. REUTERS/Jason Lee (NORTH KOREA - Tags: POLITICS MILITARY ANNIVERSARY) - RTX120S3

020511-pyongyang-1-100628379-large

W/soo ururshay Burhaan Diini Faarax.

burhandiini@gmail.com

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=15374

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj