Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 16,460 views

Ganaax culus oo lagu soo rogay weerar yahanka kooxda Chelsea

diego-costaGarsooraha ciyaartii kooxaha Chelsea iyo Arsenal ayaa dacwad ku soo oogay mid ka mid ah weeraryahanada kooxdii uu dhexdhexaadinayay.

Dembiyada ugu culus ee garsoorahaasi uu shaaciyay waxaa ka mid ah: inuu gacanta wejiga uga dhuftay, inuu dafiray dembiga uu galay, aflagaado iyo eedeymo kale.

Sidaas darteed garsooraha ayaa dacwadda u gudbiyay xiriirka K/Cagta dalka Ingiriiska, iyadoo weeraryahanka kooxda Chelsea la dul dhigay ganaax culus oo ah inuu muddo saddex goor ah ka fariisto ciyaaraha.

Weeraryahanka kooxda Chelesea Diego Costa ayaa ganaaxiisu wuxuu soconayaa inta lagu guda jiro tartamada dalkaasi, kaddib markii difaaca kooxda Arsenal Laurent Koscielny uu dharbaaxo ku dhuftay dhowr jeer.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=1645

Comments are closed

taaj