Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 10,897 views

Sirdoonka Galmudug oo xabsiga dhigay Nabadoon caan ka ah gobolada dhexe

Ciidamada sirdoonka maamulka Galmudug ayaa xabsiga dhigay nabadoon caan ka ah gobolada dhexe ee Soomaaliya, kaddib markii ay ka qabteen gurigiisa oo ku yaala degaanka Baxdo.

Nabadoonka oo lagu magacaabo C/Qaadir Sheekh Cali Kulmiye ayaa la sheegayaa in lagu soo eedeeyay inuu ku lug lahaa dhismaha maamulka gobolada dhexe ee Ahlu Sunna ka asaastay magaalada Dhuusamareeb.

cadaado

Ciidamada nabadsugidda Galmudug ayaa nabadoonka u kaxeeyay magaalada Cadaado, halkaasi oo la dhigay xabsi ay ku lahaayeen, iyadoo la sheegay in ciidamadu ay si xun ula macaamileen qoyska uu ka soo jeedo Nabadoon C/qaadir Sheekh.

Dhinaca kale maamulka Galmudug ayaan isagu wax war ah ka soo saarin xariga lagula kacay nabadoonka caanka ah, iyadoo tallaabadani ay ku soo beegmeyso xilli maamulka Galmudug uu ku dhawaaqay inuu wadahadallo nabadeed la gelayo maamulka Ahlu Sunna.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=1713

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj