Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 1,237 views

FADEEXAD CUSUB: Xiriirka K/Koleyga Soomaaliya oo is hortaag ku sameeyay Gabdho ka qeyb geli lahaa tartan caalami ah

Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa hareysay fadeexad cusub, kaddib markii uu is hortaag ku sameeyay gabdho dalka dibadiisa uga qeyb geli lahaa tartan Isboorti, taasi oo keentay in xubnaha xiriirkaasi uu soo dhex galo khilaaf arrintaasi la xariira.

Hana Xasan Mire, Nasro Maxamed Maxamuud iyo Ilhaan Qaasim Cabdi ayaa magaalada Muqdisho waxay maanta kulan qado ahaa ugu sameeyeen Wasiir K/Xigeenka wasaaradda Isboortiga iyo dhallinyarada, Saciid Qoorsheel oo ka mid ah bahda Isboortiga iyo Ibraahim Xuseen Roombe oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Xiriirka K/Cagta Soomaaliya.

Kulankaan ayaa looga hadlay tallaabada uu ku dhaqaaqay Xiriirka K/Cagta Soomaaliya, iyadoo gabadha lagu magacaabo Hana Xasan Mire oo iyadu qabanqaabada tartankaasi lahayd ay uga dacwootay Wasiir K/Xigeenka iyo Guddoomiyihii hore arrinta uu ku kacayo Guddoonka Xiriirka K/Cagta oo ay sheegtay inay tahay mid lagu niyad jebinayo haweenka isboortiga.

“Anigoo uga mahad celinaya Hana Xasan Mire dadaalkeeda ku aadan ka qeyb qaadashada horumarinta gabdhaha Isboortiga, waxaan tallaabo cad ka qaadayaa Xiriirka K/Cagta” ayuu yiri Wasiir K/Xigeenka Dhallinyarada iyo Isboortiga Dowladda Federaalka Md. Cusmaan Aadan Dhuubow.

Dhinaca kale waxaa kulankaan ka hadlay Ibraahim Xuseen Roombe iyo Saciid Qoorsheel oo sheegay inay tahay wax laga xumaado hor istaagga uu sameeyay Xiriirka K/Cagta Soomaaliya, taasi oo ay sheegeen inay tahay mid dhabarjab ku ah gabdhaha Isboortiga dalka ka tirsan.

Fadeexaddaan cusub ee soo wajahday xiriirka Kubadda Cagta soo wajahday ayaan la ogeyn sababta keentay, isagoo weli wax war ah ka soo saarin eedeymahaan loo jeedinayo.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=18680

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”