Logo_Dahabshiil_cusubTawakalExpress Banner_mrq
NLINK-NEWhilal-banner

| | 89 views

Itoobiya oo ciidamo dheeraad ah Soomaaliya u soo diraysa

IMG_0096

Dawlada Itoobiya ayaa shaacisay inay Soomaaliya usoo dirayso ciidamo dheeraad ah oo ay ku sheegtay inay nabad illaalin yihiin kuwaasoo la geynayo magaalooyin ku yaala koofurta Soomaaliya.

War laga soo xigtay wasaaradda gaashaandhiga Itoobiya oo ay baahisay wakaaladda wararka ENA ayaa waxaa lagu sheegay xukuumasdda Addis-Ababa ay diyaarisay ciidamo tiradoodu gaarayso 600 oo askari oo loogu talo galay inay yimaadaan magaalooyin Soomaaliya ku yaala.

Magaalooyinka ciidamada la gaynayo waxaa ka mid ahmagaalada Kismaayo iyo magaalooyin kale sida ay ku waramayso wakaaladda wararka ENA.

Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Kismaayo la geynayo ayaa galaya booskii ay baneeyeen ciidamada Sierra Leone ee Soomaaliya iskaga baxay markii dalkooda laga helay xanuunka Ebola.

Sidoo kale ciidamo kale oo Itoobiyaan ah ayaa la geyn doonaa wadanka Koofurta Sudan

Dawlada Itoobiya ayaa waxaa Soomaaliya iyo koofurta Sudan waxaa ka jooga in ka badan 12,000 oo askari.

Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya jooga hadda waxay qeyb ka yihiiin howlgalka Midawga Africa ee AMISOM.

Waxaad nagala soo xiriiri kartaan: contact@somaliweyn.com

Fikirkaada ka dhiibo qoraalka kore, adigoo aan xadgudub sameynin. Mahadsanid

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=261

Haddii aad dooneysid inaad hesho wararka iyo warbixinadeena, godka hoose ku qor Emailkaada, adigoo botomka hoosena Click siinaya.

Waxaad nagala soo xiriiri kartaan: contact@somaliweyn.com