Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 1,369 views

Soomaalida Canada oo bilaabay kacdoon cusub (Daawo khudbado aan waxba la isku reeban)

Magaalada Toronto ee wadanka Canada waxaa ka furmay shirweyne ballaaran oo looga dhawaaqay kacdoonka cusub ee dhallinyarada Soomaalida, waxaana kulankaasi ka soo qeyb galay culumaa’udiin, aqoonyahano, haween, dhallinyaro iyo askar ka tirsan Dowladda Canada.

Kulankaan oo ujeedadiisu tahay in lagu badbaadiyo Soomaalida dalkaasi degan mudada 25-ka sano ka badan, kuwaasi oo iyagu dhibaatooyin kala duwan ay soo wajaheen isla markaana sababay in dhallinyaro fara badan ay is ugaarsadaan, qaarkood ku xiran xabsiyada dalkaasi.

Sheekh Abuukar Xuseen oo ka mid ah culumaa’udiinka Soomaalida dalka Canada degan oo halkaasi ka jeediyay khudbad furitaan ah, ayaa sheegay in Soomaalida ay heystaan dhibaatooyin fara badan, isagoona sheegay in caqabadda heysata ay ka mid tahay furitaanka, ninka marka uu xaaskiisa furayo iyo tallaabooyinka loo baahan yahay.

“Waxaa dhacday in caruur fara badan ay dhibaatooyin kala kulmeen markii ay waalidkood is fureen” ayuu yiri Sheekh Abuukar oo sheegay inay jiraan dhallinyaro fara badan oo ku xiran xabsiyada dalka Canada.

Sadiiq Cali Xaashi oo isna ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada, ayaa isagu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay midnimo dhex marta jaaliyadaha Soomaalida dalkaasi degan, taasi oo uu sheegay in looga bixi karo dhibaatooyinka u gaarka ah iyaga.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=29926

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj