Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 707 views

Wargayska Washington Post oo shaaciyay Ciidamada NISA inay carruurta ka dhigaan Basaasiin

Wargeyska The Washington Post ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa qormo dheer ka qoray sida Dhaqaalaha Maraykanka ay siiyaan Dowladda Soomaaliya loogu adeegsado in carruurta ay basaas u noqdaan Hay’adda Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka ee NISA, waa sida uu Wargeysku daabacay.

download

Maqaalka ayaa lagu sheegay in sannooyin badan ay Carruurtaasi ahaayeen kuwo ay hub iyo tababar siiyeen Al-Shabaab, isla markaana carruurtaasi loo soo diri jirey Aagaga Dagaalka ee hore.

Inta badan carruurtaasi ayuu qoray Wrageyska inay ahaayeen kuwo laga soo qafaasho Dugsiyadda, laguna khasbi jirey inay dagaalamaan.

Wargeyska waxa uu qoray in ay QM xilligaasi ku baaqday in carruurta laga soo bixiyo Goobaha Dagaalka, iyadoo Dowladda Maraykankana shaacisay inay Al-Shabaab carruurta u adeegsadaan inay aasaan miinooyinka iyo inay fuliyaan dilalka qorsheysan, waa sida uu qoray Wargeyska The Washinton Post.

Wargeyska waxa kaloo uu qoray inay Hay’adda Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka ee NISA ay sannooyin u adeegsanayeen carruurta War-keenayaal la shaqeeya NISA, sida lagu muujiyey Wareysiyo lala yeeshay Carruurta iyo Saraakiil ka tirsan Soomaalida iyo QM, waa sida uu daaabacay Wargeyskaasi.

Carruurtaaasi ayaa la sheegay inay Ciiddanka NISA u raacaan goobaha Al-Shabaab ku dhuumaalaystaan iyo inay tilmaamaan Taliyayaashoodii hore.

Wargeyska The Washington Post oo Carruurtaasi la hawlgasha NISA ugu yeeray Far-muuqayaal ayaa xusay inay carruurtaasi ku jiraan kuwo da’doodu ka hosoeyso 10-sanno iyo in dhowr ka mid ah la dilay iyo inuu mid ka mid ah isku dayey inuu is-daldalo muddadii lagu hayey baaritaanka, waa sida lagu soo daabacay Wargeyskaasi.

Dhinaca kale, Agaasimaha Hay’adda NISA, Jeneral C/raxmaan Tuuryare oo u waramay Wargeyska The Washinton Post ayaa beeniyey in Wiilasha ka soo goostay Al-Shabaab lagu qasbo inay War keenayaal noqdaan, wuxuuna sheegay inay jiraan Carruur weli lagu hayo baaritaan, kuwaasi oo la yaqaano inay khatar yihiin.

Dhinaca kale, Afhayeenka Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA waxa uu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo eedeymaha sheegayo in ay Hay’adda NISA u adeegsadaan Carruurta dhinaca Wardoonka.
LINKS:  Exclusive: US-funded Somali intelligence agency has been using kids as spies

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=30872

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”