Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 734 views

Hinaasaha iyo Xasadka Ha U Adeegsan Aqoonta Aad U Leedahay Diinta Islaamka

Wuxu ku yidhi, Dalkaaga Soomaaliland, Distoorkaaga iyo Dawladnimadaadu waa xaraan? Waxaanu kuu raaciyey, haddii ad Dawladnimadaa iyo Distoorkaa taageertana, adaa xaaraan ah. Bal adigu shakhsiyan inta ad shawrto, isweydii waxa ad uugu jawaabeyso muwaadinkaasi. Waa wadaadkii 6 sanadood horteed Hargeisa uuga ololeynayey doorshada shakhsi uu wato oo meel kasta u marey ololahaa. Iminka oo uu hal shakhsi iyo hal xisbi diidanyahay, ayaa halkii uu waxa uu qoonsadey sheegi lahaa, ku waramey in distoorka iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Soomaaliland ba xaaraan tahay, maadaama ay dimuqraadiyad ku saleysanyihiin. Alla Wadaadkaasi faanweynaa.

5

Sheekhow meeshan lama kala dooranayo Ilaahey Subxaanahu Wa Tacaala iyo Soomaaliland. Umadda reer Soomaaliland Ilaahey wey balameen iyaga oo aan wadaad iyo sheekhtoona u dhexeynin. Soomaaliland jiritaankeeda waxa ay tiir uuga dhigatey Tawxiidka Alle. Calankeeda ayey ku qoratey distoorkeedana wey ku xaradhey Inaan Ilaahey Mooyee, Ilaah kale Jirin, Muxammed-na uu Yahay Rasuulkii Ilaahey. Haddii doorkan aanu doorasho ku jirin raggii ad u ololeyneysey, waxay aheyd uun inad ra’yigaaga cabbirto oo ad tidhaa hebel uuma codeynayo. Mey aheyn inad kitaab uugu soo gabato oo ad kuuliga iyo caanadiiqda Baqo-Maasho.

Maqasha ayaa marka ay yara korto ee ay orgi ismooddo, ku boodbooda hooyadood oo orginimada ku barta. Wax kale ma sameeyaan ee, wey ka daba qeyliyaan qeyliyaan hooyadood. Wadaadku haddii uu rabo inu soo can baxo, waxa u habooneyd inu tago golayaasha culimada Islaamku ku doooddo. Waxa u habooneyd inu qoro buugaag laga faa’iideysto oo isagana lagu xusuusto. Waxa kaloo u habooneyd inu la rafiiqo culimada kale ee diinta iyo nolosha is qabadsiiyey ee wax laga faa’iido, sida Sheekh Dirir iyo Sheekh Mustafe. Mey aheyn inu Soomaaliland tii isaga wax ka dhigtey ku khudbad barto.

Wadaadkii Hargeisa ka hadley, waxa u soo jawaabey wadaad Xamar jooga. Waa wadaad 15 sanadood ku nool dhuumasho. Wey ku adagthay inu si nabad ah ku maro dhulkii uu ku dhashey ee uu u ku korey. Waxa uu in badan warbaahinta kala hadley dadka ka soo horjeeda fikirkiisa iyo wacdigiisa oo uu kula taliyey inaaney fawdada iyo dhiigga muslinka xalaashan. Sheekhani waxa uu leeyahay cadaw badan oo u badan cadawga Islaamka oo diidan aqoonta wanaagsan ee uu sheekhani fidinayo. Sidaasooy tahay, sheekhan HINAASE iyo XIN ayaa hadlkiisa ka muuqda. Sheekhani waxa uu ku soo taliyey, fitno hor leh isaga oo ku talinaya in dadka reer Soomaaliland xukunka gacantooda ku qaataan maadaama ay dawladdii ka gaabisey oo ay gaaladii la dagaalami laadahay. Waxa uu sheekhu si dadban u leeyahay dadku ha kaco oo dawladda hala tuuro, taasi oo dhalin karta in nabadda iyo nidaamku burburo.

Sheekhani dhowr goor ayuu Soomaaliland yimid oo uu wacdi wanaagsan ka jeediyey oo dadku u soo baxey oo lagu ammaaney oo uu wax faa’iideeyey. Muxuu ka heleyaa tolow , haddii dawladnimada Soomaaliland burburto. Muxuu ka heli 5 malyuun oo qof oo dagaal iyo qax ku noolaada. Dhibaato miyaaney uugu filneyn waxa maanta Muqdisho ka dhacayaa, ee uu u seexan waayey gurigiisii wadadana u mari waayey isaga oo aan ciidan ilaalineyn. Haddii ay fawdadu dhacdo, waxa qiil heleya cadawga islaamka oo fursad u helaya iney dalkeena ciidamo soo geliyaan oo ay dadka xasuuqaan iyaga oo ku marmarsoonaya argagixiso ayaan la dagaalameynaa. Kuwaasaa dadka xasuuqi oo hablaha kufsan. Waa waxa ka dhacaya Soomaaliya maanta.

Soomaaliland weli mey gaadhin heer la yidhaa waa dawladnimo buuxda oo aan wax u dhinneyn. Adduunkana ma jirto dawlad dhameys tirani. Balse intii dadaalkeeda aheyd, Soomaaliland wey dedaashey, inta ka dhimanna waxa laga sugayaa umadeeda inta aqoon iyo diinba baratey oo la rabaa iney halkaa ka sii qaadaan oo ay gaadhsiiyaan heerkan iminka la joogo heerka ku xiga. Culimada iyo aqoonyahaynka dadka u dhashey waa kuwa uu dalku ku fadhiyo. Maantaba waa kuwaa ka jawaabey ee muujiyey iney dalkooda iyo dadlkoodaba taageersanyihiin. Midhimidhka leexdana haloo caqliceliyo.

Alla Mahad leh

Maxamed Cali Bile

Aqoonta U Adeegta Nolosha

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=31123

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”