Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 558 views

Soomaalida waddaniyiinta ah waa inaysan illoobin geesiyaashooda SYL!!!

(Qaybtii labaad)

Gumeysi nooc kastuu ahaadaba wuxuu quustaa markuu arko shacab isku duuban kana fekeraaya danta dalkooda iyo dadkooda,hayeeshe hadduu arko shacab la iibsan karo oo jeebkooda uun keliya ka fekeraaya waxaa markaasi dhacaysa in uusan marna kaa fogaan oo uusan kaa dheraan,waana taa imminka arkayno in gumeystayaashii Ingiriiska iyo Taliyaaniga iyo Itoobiyaba oo markii hore arlada Soomaaliya ku yeeshay dad u adeega in ay imminkana abuurayaan dad cusub oo u adeega,Taliyaani wuu soo socda,Ingiriiskii waaba yimid, Itoobiyana si fudud ayuuba ku soo galay arlada Soomaaliya,waxaana loo socda in dalka la qaybsado sidii awal loo qaybsaday oo kale.

Saddexdii waddaniyiin oo ka mid ahaa 13kii dhallinyaro oo naftood hurayaal ahaa ayaa markii hore wadakulmay,waxayna ku heshiiyeen in ay u yeeraan dhallinyaro kale ee daacad u ahaa dalkooda iyo dadkoodu,waxayna 13kaasi dhallinyaro ku heshiiyeen in ay sameeyaan guddi fulin,waxaana guddigii guddoomiye looga dhigay Sakhaawadiin,Xaaji Maxamedna waxaa laga dhigay in uu noqdo guddoomiye ku xigeen,Yaasiina uu noqdo xoghayaha guud ee ururka,labadii halyey ee Yaasiin iyo Sakhaawadiin kuma aysan jirin xisbiga muddo badan, maxaa yeelay Rabbi ayaa oofsaday,hayeeshe waxay labadaasi halyey ahaayeen dhallinyaro ka muuqatay firfircooni iyo daacadnimo,waxayna naftooda u hureen difaaca dalka iyo dadkuba.

Xaaji Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa 13kaasi dhallinyaro wuxuu fursad u helay in uu ku soo wareego dhammaan gobollada dalka Soomaaliya isagoo ujeeddadiisu ahayd in uu ummadda Soomaaliyeed ka soo dhaadhiciyo dulmiga uu gumeysigu ku hayo shacabka Soomaaliyeed isla markaana uu shacabka ka dhaadhiciyo barnaamijka iyo ujeeddooyinka xisbiga S.Y.L.

Gumeysigii Taliyaaniga wuxuu markaasi bilaabay in uu culays saaro Xaaji Maxamed Xuseen isagoo kula kici jiray falal argaggixiso ah,wuxuuna dhawr jeer u taxaabay xabsiga siiba intuu guubaabada ku jiray,haddii ay noqon lahayd gobollada Soomaaliya ama Muqdishow gudaheeda,gumeysigu wuxuu qabay in Xaaji Maxamed uu yahay furaha xisbiga,sidaas daraadeedna ay habboon tahay in laga takhaluso ama xabsiga lagu hayo,hayeeshe kacaankii ummadda Soomaaliyeed ayaa suuraggal ka dhigi weyday in qorshaha gumeysiga uu fulo.

Sannadkii 1948kii waxaa Xaaji Maxamed loo doortay in uu madax ka noqdo S.Y.L., Cabdullaahi Ciisane waxaa loo doortay xoghayaha guud ee xisbiga,guddigii ka socday qaramada midoobay waxaa go’aankii xisbiga S.Y.L. uu gaaray u gudbiyeen oo loo xilsaaray Xaaji Maxamed Xuseen iyo Cabdullaahi Ciise,waxayna guddigu u sheegeen:

-Waxaan si adag oo kama danbays ah uga soo horjeednaa fikrad kasta oo ku baaqaysa noqoshada Talyaaniga.

-Waxaan doonaynaa in dhulkeena lagu daro dhulyowga kale ee Soomaaliyeed iyo in aan isla wadaagno siyaasadda,maamulka iyo dhaqaalaha.

-Waxaanu nahay dad isku mid ah,dad ahaan iyo joqraafi ahaanba,waxaanu leenahay dhaqan, af iyo diin isku mid ah,mustaqbal kale ma lihin oo aan ahayn in aan noqono qayb ka mid ah Soomaali weyn.

-Soohdimaha caalamiga ah ee hadda jira waa kuwo dhalanteed ah qaybintuna waxay caddaaladdarro ku tahay siyaasadda,maamulka iyo dhaqaalaha waddankeena.

-In Soomaaliya la geliyo wisaayada ama xornimo gaarsiinta afarta quwadood ee addunka ugu waaweyn waana in ay ku soo koobnaanto muddo toban sannadood ah.

-Inta lagu jiro wisaayada waa in la qabtaa abaabulo maamuleed iyo dastuureedba si loogu gogol xaaro dhisid xukuumad Soomaaliyeed oo madaxbannaan.

-In la baabi’iyo rukhsooyinka waddooyinka kaasoo lagu dhaqmaayay lagana dhaxlay xukunkii faashiistaha ahaa iyo sharciyadii Talyaaniga.

-In la baabi’iyo wax kasta oo liddi ku ah xorriyadda iyo midab kala sooca.

-Waxaanu doonaynaa midnimo,Soomaalida kalena sidoo kale ayay u doonayaan,midayntaas oo keliya ayaanu ku heli karnaa fursaddii aynu ku muujin lahayn shucuurteena qarannimo iyo tiigsashada aan tiigsanayno in aan noqono qaran caadi ah.

Dhinaca kale waxaa jiray axsaab Soomaali ah oo dabodhilif u ahaa gumeysigii Talyaaniga, waxayna axsaabtaasi ku baaqayeen in Soomaaliya loo dhiibo Taliyaaniga muddo soddon sannadood ahna la geliyo wisaayada,hayeeshe arrinkaasi ma hirgelin,inkastoo Taliyaanigu uu markii danbe ku guulaystay in wisaayadii loo dhiibo,hayeeshe ay noqoto 10 sannadood.

Jannaayo kowdeedii sannadkii 1951kii waxaa Soomaaliya si rasmi ah looga furay golihii ugu horreeyay ee gobolka,hayeeshe intuusa goluhu hawshiisa bilaabin ayaa madaxii xisbiga S.Y.L. Xaaji Maxamed Xuseen isagoo ku hadlaya magaca xisbiga u jeediyay hadal maamulkii wisaayada wuxuuna ugu baaqay in shacabka Soomaaliyeed loogu shaqeeyo wixii kahyr ugu jira,wixii been ah oo lagu marin habaabinaayana laga daayo,waxaan rumaysanahay ayuu sheegay Xaaji Maxamed Xuseen in maamulka wisaayada uu ku taagnaado kuna shaqeeyo af iyo addibna,waddada is fahamka iyo horumarkuna uu ku hawlgalo,waxaana loo baahan yahay dhammaan marxalooyinka maamulka in uusan wax shar ah ka soo bixin wax khayr ah mooye.

Dunidu wey is beddashay weyna horumartay khayrka guudna waa in uu ahaadaa kan keliya ee ay ujeeddadu tahay,mana ahan ujeeddadu in ay ku koobnaato xaakinka oo keliya,waxaanu markasta doonaynaa si fool ka fool ah in aanu kala doodno maamulka Talyaaniga arrimaheena iyo qadiyaddeena iyo wixii maslaxad ugu jirta dalkeena,annagu dhinaceena laguma arkayo wax dhib u ah dalkeena,annagu waxaan doonaynaa hagaajin iyo in wax wanaagsan lagu dhaqaaqo ayuu hadalkiisa ku soo gaboggabeeyay Xaaji Maxamed Xuseen.

Isla sannadkaas 1951kii ayaa Xaaji Maxamed Xuseen iyo wafdi uu hoggaaminaayay oo ka socday xisbigii S.Y.L. ka qaybgaleen shirweynihii islaamka ee lagu qabtay magaalada Karatshi ee dalka Pakistan,wuxuu kaloo xisbigu u diray dalalka carabta gaar ahaan:Masar, Sucuudiya,Syria iyo Yemen ergooyin waxbarasheed si ay waddamadaasi kula soo xaajoodaan xiriirna kula soo yeeshaan arrimo ku saabsan dhinaca tacliinta.

Xaaji Maxamed isagoo halgankaasi ku jiray ayuu sannadkii 1953kii waxbarasho jaamacadeed u aaday dalka Masar,wuxuuna galay kulliyadda sharciga ee jaamacadda al-az-har al-shariif, wuxuuna ku dadaali jiray intii uu ku jiray waxbarashadaasi sidii uu shacabka iyo dawladda Masar iyo waliba Soomaalidii degganayd dalka Masar uga dhaadhicin lahaa qiimaha ay leedahay xorriyadda iyo dhibaatooyinka uu gumeysigu ku hayo shacabka Soomaaliyeed iyo halganka xaqa ah ee ummadda Soomaaliyeed ay ku raadsanayso gobannimadeeda.

Xaaji Maxamed wuxuu fursad u helay in uu idaacadda Masar ka sii daayo khudbooyin xiiso leh iyo barnaamijyo wacyi gelin ah oo taxane ahaa,kuwaasoo lagu wacyigelinaayay laguna guubaabinaayay shacabka Soomaaliyeed in ay sii wadaan halgankooda xaqa ah ilaa ay ka tuuraan  heeryada gumeysiga,gumeysiguna wuxuu u sheegi jiray in kadeedka iyo dhibka uu ku hayo shacabka Soomaaliyeed ka joojiyo,wuxuuna shaaca ka qaadi jiray falalka naxariisdarroda ah iyo shirqoollada uu ku hayo shacabka Soomaaliyeed.

Shacabka Soomaaliyeed ee waddaniyiinta ah waxay si joogto ah ula socdeen una dhegaysanyeen khudbooyinka iyo barnaamijyada uu Xaajiga ka soo deynaayay idaacadda, gumeysigiina waxaa markaasi ku adkaatay sidii uu shacabka uga celin lahaa la socodka khudbooyinka Xaajiga oo kor u dhigtay wacyiga shacabka Soomaaliyeed iyo nacaybka ay u qabaan gumeysiga,dhegaysiga barnaamijyadaasi iyo khudbooyinkasi waxay keentay in shacabka Soomaaliyeed dhammaantood ay Xaaji Maxamed Xuseen u doortaan 28kii Agosto sannadkii 1957kii in uu noqdo hoggaamiyaha xisbiga kaddib markii uu kaga guulaystay Aden Cabdulle Cusmaan oo isguna loo doortay ku xigeenka xisbiga.

Xaaji Maxamed Xuseen oo uu ku dhashay magaalada Muqdishow sannadkii 1917kii wuxuu waxbarashadiisa hore ku dhammaystay Muqdishow wuxuuna aad ugu dadaalay barashada afka carabiga iyo diinta islaamka,wuxuuna ahaa nin markasta ku dadaalayay Soomaali weyn xataa gobolkii uu ka tirsanaa xisbi laga sameeyay lagana codsaday in uu ku soo biiro ayuu ka doorbiday Soomaali weyn,Xaajigu waxay siyaasaddiisu salka ku haysay in dagaalka lagu sii wado gumeysiga Taliyaaniga ilaa gacanta lagu dhigayo gobannimada,wuxuuna arkaayay in aysan hal meel ku wada kulmi karin danaha Soomaaliya iyo danaha Taliyaaniga.

 

Waa inoo berri iyo qaybtii saddexaad inshaa Allah

  1. Q.

Maxamed Xaaji Maxamed Xuseen (Maxamedeyn)

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=31358

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”