Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 566 views

HALGANKII XISBIGA S.Y.L OO 73 SANNO JIRSADAY

Waxaa maanta ii faraxad ah in marka hore aan hambalyo iyo boogaadin ba halkaani uga dirayaa dhamaan ummadda soomaaliyeed meel kast oo ay joogaan, maanta oo ah   sannad guuradii 73aad ee ka soo wareegta xisbigii gobanima doonka ahaa ee S.Y. L 15 May 1943, waxaan ilaahay  ugu baryeenaa inuu u  naxriisto  inta ruux ee  ku shahiiday oo naftoodda u soo huray xornimadda aynu  maanta haysano, inta nool na waxaanu Eebbe ugu rajayneynaa in ay ku noolaadaan bash bash iyo barwaaqo, waxaana ilaahaya ka baryeenaa in ummadda soomaaliyeed quluubtooddii isku soo dumo oo dhibatadda ku habsatay Eebbe ka qaado, si loo gaaro midnimo iyo horumar. 

Maanta oo ah maalin quluubta shacabka soomaaliyeed ku weyn halgankii  SYL ee konfurta soomaliya iyo xisbiga gobanima doonka ee SNL waqooyiga soomaaliya  oo  73 sanno jirsaday. Runtii halgankii SYL ee konfurta soomaaliya waxaa bar bar socday xisbigii gobanimo doonka ahaa ee SNL ee waqooyiga Soomaaliya , waa maalin weyn, waa  na maalin aan la ilaabi Karin oo  ay haboon tahay in shacabka soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay xusaaan maalinta weyn.

 Inta aan la aasaasin xisbigii gobanimadoonka ahaa ee SYL waxaa la sameeyey urur ay ku kulmaan dhallinyaradda oo la magic baxay SYC( Somali Youth Club ) oo ahaa  urur aan siyaasi ahayn, maxaa yeelay gumeysigii  ingiriiska   markaasi dalka ka talinaayey  mar na ma oggaleyn in ay  kulmaan dhallin yaradda iyo wax garadka soomaaliyeed .

Ururka SYC muddo ka dib wuxuu noqday  urur siyaasi ah oo la magac baxay S.Y.L waxaa na dhidhibadda loo dhigay  taariikhda marka ay ahayd 15.05.1943kii oo ay ku kulmeen dhallin yaro ka kooban 13 ah , kuwaasoo ahaa dhallinyaraddii fahmay dhibaatooyinka iyo hagar daamadda gumeysiga , iyaga oo aad u diidanaa siyaasadda gumeysiga oo ahayd qaybi oo xukun, dhallinyaraddaasi  daacada u ah dalkooda iyo dadkooda ba waxay si weyn xil isaga saareen sidii shacabka soomaaliyeed xornimo  loo gaarsiin lahaa. ugu dambeyntiina ilaahayna ku garab galay in ay dalka ka saaraan gumeysiga. Ururkaani baaqiisu wuxuu ahaa Axyaa waddani , soomaaliyeey toosooy iyo qabiil qaran ma dhiso  iyo kuwa kale oo xambarsan qiiro wadaninimo, kuwaaso qiiro ficil ah ku abuuri jirtay dadweynaha soomaaliyeed waddaniyadda qiimaha ay leedahay iyo gumeysi naceeb.

 

Dhallinyaradaasi waxay kala yihiin :-

1-Yaasiin Xaaji Cusmaan                                           

2- Cabdulqaadir Sheekh Saqaawaddiin

3-Xaaji Maxamed Xuseen                                          

4-Daahir Xaaji Cusmaan

5-Maxamed Cali Nuur                                                

6-Maxamed Cusmaan Baarbe             

7-Khaliif Huudow Macallin                                        

8-Sayiddiin Xersi Nuur

9-Cusmaan Geeddi Raage                                           

10-Dheere Xaaji Dheere

11-Cali Xasan Maslax                                     

12-Xaaji Maxamed Cabdulle Xayeesi

13-Maxamed Faarax Hilowle

Ururka SYL durbadii ba wuxuu ku talaabsaday guulo waa weyn oo ay ka mid yihiin inuu kasbado kalsoonidda  dadweynaha soomaaliyeed , ka dib markii uu u soo bandhigay dastuurkii uu ku hogaamin lahaa shacabka soomaaliyeed, dastuurkaasi oo ku xusay in la helo soomaali weyn oo xor ah .

Dastuurka xisbiga waxaa ugu waa weyn oo ka mid ahaa in diinta islaamka dalka lagu hogaamiyo, in la radiyo midnimadda ummadda soomaaliyeed, in la cirib tiro dhaqamadda xun xun oo ay ka mid yihiim qabiilka iyo qabyaaladda iyo is quursiga , in la horumariyo aqoonta, hidaha iyo dhaqanka suuban iyo in la qoro afka soomaaliyeed, sidaasi darted xisbigu waxaa u suurta gashay in si fudud ujeedooyinkiisa u gaarsiyo gobollada dalka oo idil  , sidaasi darted xisbiga SYL waxaa u suurta gashay in uu xafiisyo ka furo gobolada dalka  taasoo kordhisay caraddii gumeysiga uu u qabay shacabka soomaaliyeed  .

Waxaa xusid mudan sannadkii 17/08/1946kii odayaashii SNL oo ay ka mid yihiin  Suldan Mohamud Shire, Suldaan Ali Muse , Suldaan Mohamed Faarax iyo Suldaan Hersi Abdillahi in ay warqad u qoreen Colonail Office , Downing street London S.WI waxay dawladda ingriisa ay ka codsadeen in soomaali mideysan uu gaarsiiyo xornimo maadaama uu ingriisa ganta ku hayo, Somaliland territory, Somali South Territor,Somali West  Territory ,  Somali NFD territory .

Waxayna ka codsandeen Colonial Office  in qaybta France uu gumeysta  oo ah Djabouti  inuu ingriiska gorgortan la galo dawlada france  sidii loo helo soomaali weyn, waxayna qoraalkooddii   ku cadeeyeen in aysan marna raali ka noqon doonin in soomaali la qayb qaybiyo.

Odayaasha waqooyi  iyaga oo ka sahqeynaaya mideynta soomaaliya waxay markii ay taariikh ahayd 17/07/1947kii ay warqad kale  u qoreyn {The war Office – London}, maadaama ummaada soomaaliyeed 5 qayb loo qaybiyey :- British, Fraance, Italia iyo Ethiopian  waxay ingriiska ay ka codsadeen in la mideeyo ummadda soomaaliyeed  sidii loo helo somaali weyn  “Bansomalisim”  .

 

Waxaa xusid muddan munaasabaddii sannad guuraddii 5aad  ee aasaaskii ururka SYL , waxaa ka soo qayb galay wafuudii kormeerka ku kala soo bixiyey goboladdii 5ta soomaaliyeed ahayd , ujeeddada ugu weyn kormeerkaasi wuxuu ahaa in la helo soomaali weyn  , lana wacyi geliyo  dadweynaha soomaaliyeed  meel kasta oo ay joogaan ba, sidii loo helo midnimo soomaaliyeed  si  loo tuso wafuuddii ka imaaneysi United Nations.

Haddii aan tusaale ahaan u soo qaato kormeerkaasi waxa hogaaminaayey :-

a.       Mudane Maxamed Ahmed Ottavio

b.      Mudane Axmed Allore

c.       Mudane Ladane

Mudanayaal kale oo aan xusus ku soo koobi karin  maxaa yeelay xasuusteyda oo yaraatay muddo dheera ka soo wareegtay balse  taariikhda ummaadda soomaaliyeed xusi doonto haddii ilaahay raali ka noqdo , Waxaa kale oo xusid muddan in aan halkaani ka sheego  dhallinyaraddii ka tirsaneyd Somali Signal Squadro oo door weyn ka qaatay in ay kormeerayaasha ku guuleystaan kormeerkoodda maxaa yeelay meel alla meeshii ay cagata dhigaanba waxaa taar ka hormari jiray dhallinyaradaasi Somali Signal Squardro, kuwaasoo ay ka mid ahaa :-

  1. Cabdiraxmaan Alfaas
  2. Cabdisaaq Xaaji Xuseen
  3. Maxamed Raaji Maxamed
  4. Cabdulkadir Cali Bolay
  5. Cabdi Adan
  6. Cali Xirsi Jano gale
  7. Saajin:Cabdullah Xuseen
  8. Saalax Xuseen
  9. Omar Xuseen
  10. Cabdi Adan
  11. Cali Xirsi Jano gale
  12. Cali  Food
  13. Axmed Qamac
  14. Maxamed Ahmed Faarax (Xeero Xaaji)
  15. Ibraahim Baalay
  16. Dheere Maxamed Shariif
  17. Xasan Colow
  18. Xuseen Ahmed Afrax (Biif)
  19. Cabdulqaadir Qararac
  20. Maxamed Xasan Cabdow
  21. Axmed Maanic
  22. Cabdi Rabbo
  23. Cali yare Xalki
  24. Maxamed Xalki
  25. Cabdallah Maxamed Al Casaami
  26. Adan Tasame
  27. Xuseen Ramadaan

Dhallinyaraddii ku kala baahsaneyd  goboladda soomaaliyeed oo idil, si ay u barayrujiyaan dadweynaha ku nool gobaladaasi isla markasina ay ku wacyi geliyaan waddaniyadda iyo midnimadda shacabka soomaaliyeed, dhallinyaradaasoo gacan weyn ka geystay inuu najaxo kormeerka wafuudda SYL ay ku maraayeen 5ta soomaaliyeed waa kuwa kor ku xusan

Kuwa kale oo aan halkani  xusuus  aan ku soo koobi Karin maxaa yeelay dhallinyaraddu aad iyo aad ayay u badnaayeen, guusha  ugu weyn uu kormeerkaasi laga gaaray waxay ahayd kalsoonida iyo  mideynta ummadda soomaaliyeed .koormeerayaashii waxay caddeeyeen in ummadda soomaaliyeed meel kastaba ha joogeen ay diyaar u yihiin midnimada  ummadda soomaaliyeed, waxay xuseen dhibaatooyinka hortaag halganka gobannimo doonka soomaaliyeed ay tahay qabiil iyo  qabyaaladda  oo  ku abuurtay mujtamaca soomaaliyeed is naceeb iyo kala qaybsanaan .

Dhallinyaraddii horseedka xisbiga waxaa ka mid ahaa:-

  1. Adan Carte
  2. Adan Gurey
  3. Warsame Jooglaqe
  4. Osman Galay
  5. Maxamed Gaagaale
  6. Cabdikariim Beerweyne
  7. Warsame Joqof
  8. Abuu Raas

kuwa kale oo aan xasuusanin oo door weyn ka qaatay la dagaalanka  qabyaaladda , kuwaasoo fahmay in qabiilku caqabad uu ku yahay halganka ummadda soomaaliyeed .Waxayna guul la taaban karo ay ka gaareen in ay soo af jaraan colaaddii dhex taalay walaalaha soomaaliyeed . 

Waxaan la ilaabi Karin doorkii gabdhaha  soomaaliyeed oo xiligaasi la oraqn jiray Sisters door weyn ayay ka soo qaateen halgankii xornimadda, kuwaasoo  naf iyo maalba u huray sidii loo gaari lahaa xornimo,  waxaa kamid ahaa  Xaawo Osman Taako oo lagu dilay albaabka Leegadda hortiisa iyo Timiro Cukaash oo ay ku dhashay xabsiga gumeysiga dhexdiisa iyo kuwa kale oo aan xasuus ku soo koobi karin.

Gabdhahaasi waxaa ka mid ahaa::-

  1. Xalima Kulmiye                 Xamar
  2. Xalima Soofe                     Xamar
  3. Xaawi Osman  Taako         Xamar
  4. Raaxo Ayaanle                   Xamar
  5. Faduma Xaashi                   Baydhaba
  6. Timiro Cukaash                  Kismaayo

Munaasabaadaasi oo lagu xusaayey sanad guuraddii 5aad waxaa heeso wadani ah ka soo jeediyey Abwaankii weynaa Qasim Hilowle (Iskiifo) , heesahaasi oo shacuur wadanimo ku abuurtay dhamaan shacbiga soomaaliyeed oo ka soo qayb galay munaasabaddaasi.

Waxaa mudadaasi dalka ku sugnaa wakiilo ka socda afartii dawwladood oo ku guuleystay dagaalkii 2aad ee Adduunka oo kala ah Ingriiska, Faransiiska, Ruushka iyo Mareykanka , kana wakiil ahaa  United Nation, kuwaaso odorasaayey in dadweyna soomaaliyeed ay u bisil yihiin hanashadda xoriyada.

 

Guddigaasi afarta ah waxay bilaabeen in ay dhegeystaan fikraddahii iyo warbixinadii xisbigii SYL iyo Axsaabtii tiradda badaneyd ee dalka ka jiray :-

 

42.  Somali Youth League (S.Y.L)

43.  Hamar Youth Club     (HYC)

44.  Patriotic Beneficient Union

45.  The Arab Community

46.  The War Veterans

47.  The Somali Young  …. Qabiil ku magacdarsaday

48.  Hindaitul Islam

49.  Comitato Rappresentativo Italiano

 

Ururka la magac baxay patriotic Benefiecient Union ay isku bahaysteen 7 urur oo yar yar oo  lagu tiriyo in ay gacan saar la leeyihiin  talyaaniga (Pro-Italia) , kuwaaso dhamaan ka soo horjeedday  iraadii shacabka soomaaliyeed oo ahaa in la gaaro xornimo, iyaga oo ku andacoonaayey in ay shacabka soomaaliyeed maanta diyaar u ahayn in xornimo la gaarsiiyo loona baahan yahay in muddo 30 sannadood in lagu jiro gacanta Talyaaniga .

 

 

Guddigii ka socday 4tii dawladood oo wakiilka ka ahaa United Nation  taariikhda markii ay ahayd 20/01/1948  la kulmeen Guddigii matalaayey xisbigii SYL oo warbixintiisa xambarsaneyd himilooyinkii iyo rabitaankii shacabka soomaaliyeed.

 

Guddigaasi wuxuu ka koobnaa :-

1.       Mudane Xaaji Maxamed Xuseen                    – Guddoomiye 

2.       Mudane Cabdullahi Ciise Moxamud               – Xoghaye  

3.       Mudane Maxamed Ahmed                              – Xubin       

4.       Mudane Xaaji Faarax Cali                               – Xubin

5.       Mudane Sharif Maxamed C/raman                 – Xubin

6.       Mudane Xaaji Bashiir Ismaciil                        – Xubin 

 

Muddane Cabdullahi Ciise Maxamoud oo ka wakiil ah xubnaha SYL , guddiga United Nations ka hortiisa ka soo jeediyey warbixintii xisbiga SYL ,warbixintaas oo lagu codsanayey United Nations ka  in si deg deg ah oo aan shuruud lahayn ummadda soomaaliyeed loo guddoonsiiyo madaxbanaanideedda iyo in inta himiladaasi laga gaarayo afarta dowladood oo xoogga waaweyni ay si wadajir u maamulaan dalka , iyagoo  ka wakiil ah United Nations .

Waxaa kale oo xusid muddan xisbigii Hamar Youth Club (HYC) oo ay isku mabaadii ahaayeen xisbigii SYL oo ay ka wada sinaayeen in shacabka soomaaliyeed la gaarsiiyo xornimo taam ah  , xisbiga HYC hogaamiyaashiisu na waxay is bar bar taageen halganka gobanimadoonka ah , waxaana warbixintiisa halkaasi ka soo jeediyey Muddane : Maxamed Abukar Abooke .

Waxaan guddiga Hamar Youth Club ka koobnaa :-

1.      Mudane Xaaji Muxyadiin Xaaji Cali              – Guddoomiye

2.      Mudane Sheekh Cumar Xaaji Yusur               – Xoghaye

3.      Mudane Aweys Dheere Diinle                         – Xubin

4.      Mudane Dheere Xaaji Dheere                                “

5.      Mudane Maxamed Abukar Abooke                        “         

6.      Mudane Axmed Shariif Cali Fakhradiin                 “     

7.      Maxamed Cumarey Maxamed                               “                        

8.      Maxamed Abukar Abooke

9.      Axmed Shariif Cali Fakhradiin

10.  Xaaji Mungaani Mursal Xubin

11.  Abukar Xamuud Sokorow Xubin

12.  Mahamed Macalin Cali (Aamac)

13.  Amiin Cismaan Nuur

14.  Amiin Cadde Cismaan

15.  Amiin Axmed Cumar

16.  Xaaji Macow Yuusuf

17.  Xaaji Cumar Muqadam

18.  Cabdi Abooke Sheekh

19.  Iikar Harkow Sheekh

20.  Aweys Sheekh Ahmed Xaaji

21.  Maye Xaaji Xusseen

22.  Abuukar Abooke Axmed

23.  Maxamed Mahamud Maaxi

24.  Cabdiraxman Sh. Axmed

25.  Maxamed Abati

26.  Maxamed Cismaan

 

Guddigii 4ta dawladood markii ay dhageysteen warbixinaddii kala duwanaa ee ay ka kala soo jeediyeen axsaabtii dalka ka jirtay kuwaasoo u kala qaybsanayeen xaga fikirka ,  kuwa xornimadood ah iyo kuwa ka soo hor jeedda oo mucaarid ah  , hase yeeshee guddigii markii uu arkay banana baxii weynaa ee ay soo qabanqaabisay xisbigii SYL iyo SNL  , iyo  wakiiladdii ka socoday Somali galbeed , NFD iyo Djabouti  ee  xiligaasi ku sugnaa Muqdisho , kuwaasoo  taageero ka heysta dadweynaha soomaaliyeed oo muujiyey in ay rabaan xornimo, waxaa guddigaasi u cadaatay in shacabka soomaaliyeed uu rabo madaxbanaani taasoo ay warbixitoodi na ay ku ayideen in shacabka soomaaliyeed inuu hanto xornimadiisa .

 

Si wada jir ah xisibiyadda SYL (south) iyo SNL(North) waxay u gudbiyeen fikraddooda oo ku sabsaneyd rabitaanka ummadda soomaaliyeed in ay hesho xornimo taam ah. Qoraalkaasi waxaa U.Nation ka u gudbiyey Muddan Maxamoud Jaamac Uurdoox oo qoraalkiisa  ku cadeeyey in 90% shacabka soomaaliyeed waxay diyaar u yihiin in ay helaan soomaali mideydsan oo xor ah . Isla markaasina waxay 4ta dawladdood ka codsandeen in ummadda soomaaliyeed in ay gaarsiyaan xornimo taam ah muddo 10 sannaddood ,taasoo ujeeddadeedu ahayd in la diyaariyo hogaankii maamuli lahaa dawlada dhalan doonta

 

Waxaa kale oo xusid muddan dhaqdhaqii ka socday goboladda waqooyi oo u hogaaminaayey xisbigii SNL oo is bar bar taagay dhaqdhaqaaqii xisbigii SYL. , waxaa kalo aan mar na la ilaabi Karin Av. Salool iyo Av. Micheal Mariano oo xisibga SYL ka cawini jiray diyaarinta xaga qoraaladda iyo talooyinka xag sharciga , isla markaasina waxaan la ilaabi Karin Mudane Cali Nuur oo ahaa reer Cardiff ee dalka Ingriiska ku noolaa, oo gacan weyn ka geystay abaabulkii xoghayaha guud ee xisbiga SYL Mudane  Cabdullahi Ciise  safarkii uu ku tagay United Nations – Lake Success oo markasi ahayd  xurntii United Nations sidaasi darted waxaa hal-heeska shacabka u ahaa  :

“Cabdullahi Ciise iyo Cali Nuur ilaahow amaano yeel ” taasoo looga jeeddo inuu Cabdullahi Ciise  ilaahay samo ku geeyo isla markaasina samo ilaahay ku soo celiyo  iyaddoo ay cabsi badan jireen , Cali Nuur na wuxuu ahaa qofkii gacanta weyn ka geystay safarkii xoghayaha guud SYL Mudane Cabdullahi Ciise , safarkaasii oo

xambarsanaa rabitaanka shacabka soomaaliyeed

 

Haddaba waxaa loo baahan yahay in shacabka soomaaliyeed inuu  hal hees ka dhigato

“Soomaaliyeey toosooy toosooy isku tiirsada hadba kiini tag daran taagera weligin” iyo

“Qabiil Qaran ma dhiso”… “Soomaaliyey qabiil qabiilka daaya , soomaaliyeed qabiil

qaran ma dhiso” si looga gudbo qabiilka oo loogu gudbo waddaniyadda taasoo lagu

gaari karo horumar iyo midnimo isla markaasina lagu soo celin karo qarannimaddii

burburtay, calankii , haybaddii , sharaftii iyo  magacii ummadda soomaaliyeed oo

baaba’ay  . Waxaan ummadda soomaaliyeed u rajaynayaa in sannadkaani sannadka

xiga ay ku gaaraan guul iyo barwaaqo .

 

Ujeeddooyinka ugu weyn ee xisbiga SYL wuxuu ahaa in la helo soomaali weyn  oo mideysan hase yeeshee dhibatada ugu weyn waxay dhacday markii SYL ay diideen in Ingariiska gacanta loo geliyo     soomaaliya, taaso dawladda ingriiska  ka careesisay. United Nation ka waxay go’aansadeen in koonfurta soomaaliya gacanta loo geliyo dawladda talyaaniga  muddo 10 sannadood ah  lagu gaarsiyo xornimo., iyadoo xisbigii SYL aad iyo aad uga soo horjeeday in mar kale talyaaniga gacanta loo geliyo konfurta soomaaliya hase yeeshee qorshaha SYL wuxuu ahaa in 4 dawlad waa weyn in ay maamulaan arrimaha soomaaliya.

 

United Nation waxay soomaaliya u soo direen 4 dawladdood oo kala ah Egypt,Liberia, Philipin iyo Colombia si ay u kontoroolaan maamulka talyaaniga sannad  walbana ay u gubiyaan warbintoodda United Nationka . Runtii mirihii ay beereen dhallinayraddii nafta u huray dalkoodda iyo dadkoodda waxaa la gurtay June 26, 1960kii  iyo July 1, 1960kii  maalintii xornimada iyo mideynta labad gobol Waqooyi iyo Koonfur.

 

Himilooyinga ugu waa weyn ee odeyaashii SYL wuxuu ahaa in maalin maalmaha ka mid ah in la heli doono Soomaali weyn oo mideydsan laakiinse nasiib daro burburkii dawladdii dhexe ee soomaaliya waxa dalka u kala googo’ay gobol gobol taasi niyad jab ku ah dadkii soo halgamay oo riyaddooda ahayd in maalin ay indhahooda ku arkaan soomaaliy weyn oo mideydsan (Bansomalism)

 

Shacabka soomaaliyeed waxaaan kula dardaarmayaa in u soo jeestaan midnimada iyo  horumarka dalkoodda si ay u soo noqoto rajadii ahayd Soomaali weyn isla markaasi  ay iska ilaabaan wixii horay u dhacay oo xumaan ah oo la is cafiyo  isla markaasi na ay soo af jaraan colaadda iyo kala go’a  maanta dalka ka jira, hal hayskoodina uu noqdo AXYAA WADANI, QABIIL QARAN MA DHISO  , runtii waddaniyadda ayaa  lagu gaari kara horumar iyo midnimo ummadda soomaaliyeed , loogana bixi karaa dhibaatooyinka maanta dalka ka jira, looma baahana  qarnigaani 25ka ah in qabiil iyo qabyaalad wax lagu qaybsado  taa soo maanta ka muuqata hab dhismeedka barlamaanka dawladda ay ku dhisan tahay hab qabiil  4.5 oo lagu soo xulay cadaalada daro iyo dulmi.

 

Arrintani 4.5 waxay aniga shaqsi ahaan ila tahay waa arrin la soo minguuriyey oo ay ka dambeeyaan shaqsiyaad soomaali diid ah iyo gurmeysiga cusub  oo aan mar na ba ogoleyn in ay soomaaliya ay dib u milicsadaan  himiladii SYL oo ahaa Soomaaliy weyn oo mideydsan  taaso maanta muuqata in labadii gobol ee shalay ku midoowey soomaalinimo maanta waxay u kala baxeen dhowr gobol oo gobol walba uu leeyahay calan u gaar ah calaankaasi oo ka tarjumaya qabiil balse waxaa fiicnaan lahayd in dib loogu noqdo qaranimaddii shalay ay dad badan naftoodda u huray waxaan ilaahay ka rajaynayaa in la heli dono dhallinyaro dalkoodda u damqada.

 

Runtii dalka waxaa naf iyo maal u huray geesiyaddii soomaaliyeed ee xornimda maanta aynu ku faano soo hooyey, halgankaasi xornimadoonka ahaa  waxaa looga soo gudbay midnimo iyo waddaniya  sidaasi darteed waxaa haboon in shacabka soomaaliyeed hal heeskoodii u noqdo axya wadani, qabiil qaran ma dhiso, {Midnimaddo waa xoog aan la jibin Karin , kala taguna waa Burbur}runtii waddaniyadda ayaa aaminsanahay in lagu gaari kara horumar iyo midnimo ummadda soomaaliyeed , isla markaasi na loogana bixi karaa dhibaatooyinka maanta dalka ka jira, looma baahan dagaal sokeeye iyo in dhiig la daadiyo balse waxaa loo baahan yahay in laga qayb qaato dib u dhiska dalka.

Waxaan ummadda soomaaliyeed u rajaynayaa in sannadkaani sannadka xiga ay ku gaaraan guul horumar leh iyo barwaaqo.

Gabagabadii waxaan halkaani baaq ugu soo jeedinayaa dhallinyaradda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in halheeskoodi uu ahaado “La Dagaalanka Qabyaaladda iyo soo celinta Midnimada Soomaaliyeed” iyadoo laga tusaale qaadanaayo himilooyinkii shalay ee SYL oo ahaa in la helo soomaali weyn oo mideydsan 

 

 

W.Q

Abdulkadir Ali Bolay

 

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=31650

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”