Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 767 views

Maqaal: Nolasha Iyo Anshaxa Gogolwadaaga

Dhallinyaro ka soo barakacday dalkoodii hooyo ayaa la is kugu keenay xero qaxooti. Dhammaan waa wada dhallinyaro, u dhaxeysa da’da 20-tan jirka ilaa 40-tan jirka. Xeradu waxey qaaddaa 4 kun oo qof. Waxey u badan yihiin dhallinyaradaasi muslimiin, ka kala yimid qaaradda Afrika iyo midda Aasiya.

Waxaa loo taag waayay ilmo iska dhalanaya, oo aan la garaneyn aabbihii dhalay, iyo cudurro la xariira xubnaha taranka, kana dhasha galmada aan abaabulneyn. Hey’addii qaabilsaneyd dibudajinta waxey ku qasbanaatay in ey soo abaabusho Koorso, ey uga hadlayso anshaxa galmada, iyo qaabka wax loo farsameyn karo.

Waxaa laga maarmi waayay in la keeno tarjumaanno xirfad yaqaan ah, isku na xiri kara dhaqanka ey dadkaan soogalootiga ah aaminsan yihiin iyo kuwa martida loo yahay. Halkudhiggii koorsada ayaa wuxuu noqday “Sex Education”. “Anshaxa iyo Abaabinta Galmada”. Qaabka loo ga yaqaan dalalka Reergalbeedka loo ma soo gudbin karo, sida in la adeegsado muuqaallo galmo, ama filimo laga sameeyay.

Howshii raggii loo xilsaaray ayaan ka mid ahaa. La ma na rabo in loo gafo dadka iimaankooda iyo dhaqankooda, wax in la nidaamiyana waa lama huraan. Haddii kale, maalin kasta xanuunno, kufsi, ilmo iska caloolgalay, iyo wax aan qaanuunka dalku qabin ayaa loo soo taagnaanayaa.

Si dadka Koorsada loo soo jeedinayo ugu qancaan waxa loo sheegayo, waxaan soo hindisnay in qaab diiniyan ah loo maro. Baaritaan diiniya ayaan sameynay. Wax aan raadraac ku sameynay waxa diinta Islaamku ka tiri mawduucaan. Waxaan soo helnay in xilligii Nabi Maxamad ey jireen gabdho si toos ah uga la hadli jiray nabiga galma xumada raggooda, iyo qaar ka caban jiray. Waxaan soo helnay in kutubta islaamka ey ka buuxdo Edabta jimaaca; “أداب الجماع” “Anshaxa Galmada”. Arrinta kala fogeynta ilmaha ayaa ka mid ahayd mawduucyada ugu xiisa badnayd. Qudhiisa waan soo helnay.

Dadkii waxaan la soo hor istaagnay wax qoran, oo meel loo la laabta leh, (Marjac), misana diin ahaan aan waxba u dhimeyn. Nasiib xumo, waxay ku dhammaatay koorsadii guuldarro. Xitaa maraajicda islaamiga ah in aan u sheegno waa naga diideen. Natiijadii ey ka dhaxleen diidmadaas ayaa waxey noqotay in laba bil oo kasta gabadh muslima ilmo laga soo qaaxo. In lixdii bilood ba la helo wiil iyo gabadh HIV-ga AIDS-ka sababa qaba, ama qabta. in 30-kii maalin ba gabar la kufsado. In ey dhashaan ilmo aan la garanayan aabbahood iyo cidda is ka leh.

Mararka qaar jahliga naga heysta diinteenna suubban ayaa wuxuu kumannaan naga mid ah ku ridayaa wax aan cawaaqib suubban lahayn. Waxaad sii ciishoonaysaa markii aad aragto hooyo cunug dhashay oo laga sii qaadanayo, waayo? mas’uuliyaddiisa ma qaadi karto. Qoys anjabiya oo korsada ayaa gacanta loo galinayaa, siiba si qaynuunka waafaqsan. Waxad sii naxeysaa mar kale, markii is la xaruntii qaxootigu ku noolyihiin ey ka dhex dillaacaan kooxo meher diineed sameynaya, saacadba saacaddey ka danbeyso. Furriin iyo galmo aan garasho ku dheehnayn. Si alle iyo si loo xalliyo ayaa la la’yahay. Bal qiyaas dal iyo bulsho dhan oo sidaas dhaqan nolaleed ka dhigatay!!

image
W/Q; Cabdicasiis Maxamed Shidane

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=32498

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”