Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 1,920 views

XOG CUSUB: Xil.Goodax oo bannaanka soo dhigay arrimo qarsoonaa, kana hadlay khilaafka Baarlamaanka iyo madaxtooyada

Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo ka mid ah mudanayaasha ugu cadcad Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu ka jawaabay xeerka Madaxweynaha uu ku ansixiyay heshiiskii laga gaaray doorashooyinka dalka ka dhacaya.

Xildhibaan Goodax ayaa sheegay in tallaabada Madaxweynaha ay tahay mid uu si toos ah ugu faragelinayo Baarlamaanka iyo waliba shuruucda lagu gaarayo doorashooyinka madaxda sare ee Dowladda iyo maamul goboleedyada ay raadinayaan sidii ay xilal uga heli lahaayeen xukuumadda cusub.

“Baarlamaanka wuxuu soo jeediyay aqalka sare inaan hadda loo baahneyn, madaxweynaha go’aan uusan xaq u lahayn ayuu saxiixay” ayuu yiri Xildhibaan C/llaahi Goodax oo u waramayay idaacadda VOA-da.

Xildhibaanka ayaa sheegay in kulamada Baarlamaanka arrintaan looga hadlaayo, wuxuuna ku eedeeyay Madaxweynaha inuu adeegsanayo askar dhowr bil aan mushaar qaadan si ay dalka uga dhaqan go’aanno aan sharci ahayn.

“Ma jirto Baarlamaanka inay ku kala qeybsan yihiin heshiiskaan, balse waa jirtaa inuu horay u soo jeediyay aqalka sare inaan loo baahneyn” ayuu yiri Xildhibaanka oo sheegay in muddo toddobo maalin ah ay ka harsan tahay fadhiyada Baarlamaanka.

Hadalka Xildhibaan Goodax ayaa ku soo beegmaya mar sii horeysay Madaxweyne Xasan Sheekh uu si cad u sheegay in markii uu arkay kala qeybsanaanta Baarlamaanka ee ku saabsan ansixinta heshiiskaan go’aansaday inuu isagu meel mariyo.

Isku dhaca siyaasadeed ee soo kala dhex galay Baarlamaanka iyo madaxtooyada Villa Somalia ayaa ku soo beegmaya xilli ay jiraan dhaliilo fara badan oo loo jeedinayo inaysan waxba qaban mudadii afartii sano ahayd ee ay dalka maamuleysay.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=32869

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”