Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 982 views

MARXALADDA DALKA: Aaraa’dii ugu wanaagsaneyn ee aan idinkaga soo xulnay Facebook

Iyadoo dalka uu ku jiro xilli kala guur ah, isla markaana dadaallo xoogan loogu jiro sidii ay u dhici lahayd doorasho lagu sheegay inay tahay mid dadban in lagu dhiso xukuumad cusub, bacdamaa dowladda Federaalka ee hadda shaqeysa xilligeedu sii dhacayo.

Arrintaan ayaa saameyn weyn ku yeelatay hoggaamiyeyaasha siyaasadda dalka, iyadoo markii ugu horeysay ay isku dhaceen Madaxweynaha iyo Baarlamaanka, kaddib markii ay isku khilaafeen heshiiska doorashooyinka dalka ka dhacaya.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa markii ugu horeysay ka dhacay dibadbax looga horjeedo Dowladda Federaalka iyo shisheeyaha dalka jooga, iyadoona waxgaradka gobolka Banaadir-na ay si cad u sheegeen in dowladdu ka meermeereyso xuquuqda shacabka gobolka.

Doorka odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin doorashooyinka dalka oo maalmahaan la karkarinayo ayaa u muuqda kuwo markaan ay dib u eegayaan xaaladda dalka iyagoo dib u eegaya wixii ka qaldamay Dowladda Federaalka.

Haddaba waxaan maanta idiin soo xulnay mid ka mid ah aragtiyaha ay ka bixiyeen bulshada Soomaaliyeed oo iyagu maalmahaan siyaabo kala duwan uga hadlaya hannaanka doorashooyinka dalka ka dhacaya dabayaaqada sanadkaan 2016-ka, waana tan hoos ku cad:-

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=33107

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj