Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 734 views

Ciyaartoyda Soomaaliya oo ka guuleystay dhigooda Kenya

Magaalada Nairobi waxaa xalay ka dhacday ciyaar K/Cagta ah oo xiiso leh laguna adkeynayo xiriirka saaxibtinimo ee labada dal ka dhaxeeya, waxaana ciyaartaasi oo K/Koleyga ahayd guulo ka soo hooyay ciyaartoyda Soomaaliya.

Ciyaarta ayaa waxay dhex martay kooxo ciyaartoy Soomaali ah oo ka timid dalka Canada iyo koox K/Cagta ah oo ka dhisan dalka Kenya laguna magacaabo Co-operative Bank, ciyaartaasi oo lagu kala baxay 62:93 oo dhinaca Soomaaliya ku guuleysatay.

Boqolaal dadweyne ah, safiirka Soomaaliya, ganacsato iyo diplomaasiyiin ayaa ka qeyb galay daawashada ciyaartaasi oo ahayd mid labada koox ay soo bandhigeen xirfado ciyaareed si weyn ula dhaceen daawadayaasha.

Dhinaca kale ciyaartaan saaxibtinimo ayaa ku soo beegmeysa xilli dhowaan dowladda Kenya ay go’aansatay inay gebi ahaanba albaabada u laabto xeryaha qaxootiga Soomaalida, kaddib markii ay ku eedeysay in laga soo abaabulo falalka amni darro ee dalkaasi.

1 2 3

CREATOR: gd-jpeg v1.0 (using IJG JPEG v62), quality = 90

CREATOR: gd-jpeg v1.0 (using IJG JPEG v62), quality = 90

CREATOR: gd-jpeg v1.0 (using IJG JPEG v62), quality = 90

CREATOR: gd-jpeg v1.0 (using IJG JPEG v62), quality = 90

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=33326

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj