Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 683 views

Guddoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee UK oo dhambaal tacsi ah u diray ehelada dadkii lagu xasuuqay gobolka Jarar

Guddomiyaha Leeds Somaliland Community Centre Mudane, A A Hussein Warmahaye, Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka Jaaliyada iyo kan shacbiga Somalilandba waxa uu dhammaal tacsi ah u dirayaa, dadkii isugu jiray waayeelka, caruurta iyo haween ee ku naf waayey dhiilladii, ka dhacday Jaamac Dubbad ee degmada Gaashaamo ee gobolka Jarar ee Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Guddomiyaha waxa uu sheegay in uu aad uga damqaday dhibaatadaasi soo gaadhay dadkaasi shacabka ah, waxaanu ugu baaqay dadka deegaankaasi inay is dejiyaan oo aanay marnaba ku tallaabsan dhibaato dhibaato lagu saxo.

Sidoo kale Guddomiyaha waxa uu u soo jeediyey dawladda Federaalka ee Itoobiya iyo dawlad deegaanka Soomaalida itoobiyaba, in shacbiga la ilaaliyo nabadgelyadooda, iyo hantidoodaba, isagoo dhinaca kalena ugu baaqay shacbiga deegaanadaasi inay ka danbeeyaan, lana shaqeeyaan dawladdooda, waxgaradka, iyo waayeelka deegaankaasina ay dawladdooda kala shaqeeyaan sidii xaalada loo dejin lahaa, amnigana loo sugu lahaa.

Guddomiyaha waxa uu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo Qoysaskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbigii ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

INA C/ LAAHI WARMAHAYE
GUDDOMIYAHA LEEDS SOMALILAND COMMUNITY CENTRE
inawarmahaye11@gmail.com
+447944334512

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=35059

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj