Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 838 views

Wasiirad Xaawa: “Cudurka Kaduudiyaha oo dhibaato ku haya bulshada xilli roobaadkaan waa inaan qeyla dhaan u sameyno”

Cudurka aan daawada lahayn ee Soomaalida u taqaano Kaduudiyaha kuna faafay magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka intooda badan, kaasi oo qofka uu ku dhaco aanay xubnaheeda dhaqaajin karin.

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Soomaaliya Xaawa Xasan Maxamed ayaa markii ugu horeysay cudurka Kaduudiyaha, iyadoona welwel ka muujisay xilli roobaadkaan iyo xaaladda aadka u liidata ee barakacayaasha iyo qoysaska danta yar.

xawo-wasiir

“Cudurka Kaduudiyaha oo dhibaato ku haya bulshada Soomaaliyeed xilli roobaadkaan waa inaan qeyla dhaan u sameyno” ayay tiri Wasiirad Xaawa oo sheegtay inay ka qeyb qaadanayaan gurmadka iyo samatabixinta barakacayaasha ah.

Dhinaca kale Wasiiradda ayaa tilmaamtay in cudurka saf mareenka ah ee Kaduudiyaha in xilli roobaadkaan Kaneecadda ka dhalaneysa ay cudurkaasi u sii gudbineyso qofka aanu weli ku dhicin, iyadoona caddeysay inay u raadineyso shabaqyada kaneecada laga galo iyo bacaha roobka celiya.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=35918

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj