Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 979 views

TACSI: Mid ka mid ah asaasayaasha xisbiga Kulmiye oo geeriyooday

Anigoo ku hadlaaya magaca hogaanka xisbiga Kulmiye laantiisa Sweden, madaxda laamaha gobolada iyo degmooyinka, taageerayaasha iyo dhamaan bahweynta reer Kulmiye ee Sweden waxaa halka tacsi uga soo dirayaa qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo xisbiga Kulmiye iyo sidoo kale qaranka Somaliland geerida ku timid Mohamed Iskeerso oo ka mid ahaa asaasayaashii xusbiga Kulmiye, ahaana xubin ka mid ah gudiga fulinta iyo golaha dhexe ee xusbiga Kulmiye oo ku geeriyooday caasimada jamhuuriya Somaliland ee Hargeysa.

Ilaahay marxuumka denbigii ha dhaafo. Janatul fardowsa hooy eebe ha uga dhige marxuumka. Inta raacday Nebi Moxamad (NNK) ee rafiiqiisa noqota ha ka mid noqdo marxuumku. Aaamiin. Aamiin, Aamiin.
Qaranka reer Somaliland, qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii iyo sidoo kale reer Kulmiyena samir iyo iimaan eebe ha ka siiyo. Aamiin. Aamiin, Aamiin.
Ibrahim A. Adan
Xoghayaha guud ee Kulmiye Sweden
Stockholm, Sweden

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=35989

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj