Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 1,321 views

Mr. Osman Sh. Omar Oo Iskusoo Taagay Doorashada Madaxtinimada Somalia 2016

Xilka Doorashada 2016-ka ee Somalia waxaa u taangan musharaxiin aad u farabadan oo rag Iyo haween isugu jira, balse waxaa ay saxaafaddu iyo qubaro-siyaasiyiin ah ay sheegayaan inuu Mr. Osman Sheikh Omar, uu ka mid yahay musharixiinta ugu cad cad ee ku guulaysan kara doorashada.

Marka aad eegto ajandayaasha uu maagan yahay, waxa ay Diblamaasiyiintu leeyihiin Waa muwaadin sax ah oo maanta Soomaalida xalkeeda meel saari kara Taas oo ay sooban-dhigeen siyaasiyiin badan oo Dalka Iyo dibadiisa soo Indho indheeynayey, isagoo sheegay in qorsho balaaran oo dalka Iyo dad ka horumar gaarsiinayo uu la maagan yahay Somalia.

Musharax Mr. Osman Sh. Omar, waa Masuul Soomaali ah oo In badan dalka Iyo dibadiisa si fiican ugasoo shaqeeyey una leh qibrad hogaaminta umadda, Mr. Osman wuxuu ku dhashey Magaalada Muqdisho wuxuu ku soobar baarey degmada Waaberi wuxuu wax barashadiisa Hoose Dhexe kaga soo baxey dugsiga Jamaal Cabdinaasir, Asagoo weliba wato shahaado cilmiga Aadaabta Iyo diinta ee Dugsiga Shiikh Suufi oo ku yaala Magaalada Muqdisho, ka dibna ka aadey dugsiga sare Sakhaawadiin, intaa dabadeed wuxuu u heley fursad ah in uu waxbarasho dibadda ah taasi oo uu ka helay dalka Mareykan, wuxuu halkaasi kaga baxey wax barashadiisii jaamacadeey kana heysta shahaado ah Maamul ka Ganacsiga ama (Business Management).

Mr. Cismaan waa ganacsade xirfad u leh lahjadaha af Soomaaliga Iyo luqadaha ajinebiga sida Carabiga, Ingriiska, Talyaaniga, Spaanish-ka, Amxaariga, Sawaaxiliga, intaa waxaa usiidheer Xaga howl karnimada Iyo ilaalinta xuquu’qul aadamiga ee bulshadeena dhan kastaba, waxaa kale oo Musharax Osman, uu si fiican uga sheegay goobo kala duwan siduu wax ugu qaban lahaa dalkiisa Iyo umaddiisa Iyo sida deg-dega ah ee dhibaatad looga saari lahaa, isagoo soo bandhigey tusaalooyi cad-cad asgoo u sheegaya dadka Soomaaliyeed meelkastoo ay joogaan in uu ka dhigidoono wadanka Somaaliya kii loo soo shaqa raadsan lahaa.

Marka aad xog waraysato inta badan Soomaalida degan dalka Mareykanka, waxa ay kuu sheegayaan in Mr. Osman Sh. Omar, uu yahay muwaadin Daacad u ah umaddiisa Iyo dalkiisaba, waxaana uu Musharaxu iminka qorshaynayaa inuu socdaalo caalami ah kusoo kala bixiyo dalka gudahiisa iyo dibaddiisa, isagoo si gaar ah ula shiri doona Diblamaasiyiinta wadaniyaddu ku weyn tahay ee ku jira Dowladda hadda dhisan, Culumaa’udiinka Soomaaliyeed, Ganacsatada, Aqoonyahanada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada intooda wax gal-ka ah.

C/risaaq IndhaJaceyl

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=36145

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj