Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 789 views

RA’YI: “Ha Ka Yeelin In Dhakhterkaagu Ku Dilo!” W/q: Maxamed Cabdi Daa’uud

Ha ka yeelin dhakhtarkaagu inuu ku dilo” amma “Dont Let Your Doctor To Kill You”. Waa Buug cusub oo ay qortay Erika Schwartz, oo ka mid ah dhakhaatiirta ugu caansan dalka Maraykanka. Maalin dhawayd oo aan dhegaystay Barnaamijka la yidhaah ‘Press Conference on VOA’, oo lagu waraysanayay gabadhaas ayaan is weydiiyay su’aashan: “Horta adiguba, dibadda iyo gudahaba waad ku noolayd, ee qof ahaantaa, maxay kaa gargaareen dhaqaatiirtu?” Waxaan xasuustay laba xannuun oo si laxaad leh ii dhibay. Midi waxa uu ahaa Xasaasiyad ila deristay ilaa yaraantaydii. Dawooyin kala jaadjaad ah bay dhaqaatiirtu gadhka ii gelin jireen, oo kumaan caafimaadin.

2

 Ugu dambayntiina, waxaan baadhay cuntooyinkan igu keenaya xasaasiyadda, iyagii uun baan iska daayay, oo aan ku caafimaaday dawo la’aan. Xannuunka labaadna waxa uu ahaa dhagax fadhiistay kelida.
Bahal Laysar la yidhaah, oo markaas ku cusbaa caalamka ayay is yidhaahdeen ku burburiya dhagaxaygii, oo isna waxba kamuu tarin dhagaxii. Intaan diiday qalliin laygu sameeyo, ayaan miciinsaday inaan biyaha uun ka hirqado. Dhagaxii isaga oo duulaya ayuu kaadidii soo raacay.

Ilmahaaga oo xumadda haysa aad ka yaabto, oo haddaad kolba u maydho, xumaddu ka jabi lahayd, muxuu dhaqtar xumi ku yidhi: “Kiniinkan iyo sharoobaadan cabsii, isaga oo aan garanayn cidda ansixisay dawaadaas iyo cilladaheeda.

Muxuu adoo heli kara xulbad dabiici ah oo raqiisa ah oo wada ah Vitamin B Complex, uu kula doontay quraarad xun oo hambag ah. Maxaa cunto qaldan oo aad iska cunto, oo calooshu kugu xannuunto, halkuu ku waraysan lahaa, ee deedna ku odhan lahaa uun “iska daa cuntadaas” uu sun iyo waabay la qooshay ku yidhi: “Cab waad cabiye”! Muxuu wadaad aan caafimaadkaba baran, hablihiina oo naxariis yar idiinka baahnaa, meel daran idiin la kacay oo uu idinku yidhi: “Jin baa ku jira, oo anaa ka cuudinayaa”! Bal Jinku muu isaga laftiisa dardaro? Muxuu?! … Allaah, Muxuu?!

Qalinkii: Maxamed Cabdi Daa’uud

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=36231

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”