Logo_Dahabshiil_cusubTawakalExpress Banner_mrq
NLINK-NEWhilal-banner

| | 152 views

Madaxwayne hee taalo loo dhisayaa taariikheed?

  1. Madaxweyne Hassan sheekh       Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan
  2. Waxaan wada ogsoonahay in dalka soomaaliya uu galay dagaalo sokeeye,kadib burburkii dawladii dhexe 1991. Mudadaas dheer ilaa maanta majirto dawlad hanata dalka oo dhan oo ku soo celisa dalka hanaankii dawlad nimo iyo nidaamkii iyo kala danbayntii nasiib daro.hayeeshee waxaad moodaa in hada ay soo baxeen ifafaalooyin muu jinaya in soomaaliya ay marlabaad cagaheeda isku taagi doonto oo dawlad noqondoonto. waxaa suuro gal ah in dadka qaar iswaydiiyaan oo hadaba sow dalad manihin waliba la aqoon sanyahay? Laakiin xaqiiqada iyo runta ayaa ah in dawlad soomaaliyeed oo jirta caalamkuna jiritaankaa qirsan yahay ay ugu danbaysay 1991 taasoo uumadaxwayne ka ahaa Maxamed siyaad bare.waxbadan baa laysku dayay oo laynoo aqoon saday dawlad kumeel gaar ah iyo hada oo layna leeyahay waad kabaxdeen kumeel gaar waxaa tihiin dawlad rasmi ah oo la aqoon sanyahay.Hayeeshee dhab ahaan sidii hore waxba ma dhaano ilaa aynu soo buxiino shuruudihii dawladi lahaan jirtay oo aan muuqaan balse rajo fiican leh hada.Waxaad moodaa inta hada la doortay madaxwayne xasan sheikh in dalku ku talaabsaday hormar wayn xaga caalamka iyo xaga gudahaba.
Waxaa kamid ah nabad galyadii koonfureed oo wax laga qabtay,maamulo laba ah oo laga dhisay koonfur oo ah JUBALAND iyo KOONFUR GALBEED.hadana waxaa lawadaa kii gobolada dhexe waana guul wayn oo xaga dawladnimada ay soomaali u qaaday.xaga ay dawladu ka gaabisay waxaa kamid ah bilicdii iyo nabadayntii magaalada CAASIMADA SOOMAALIYEED EE MOGDISHO tanoo madaxwaynuhu uusan xaafadaheedii wax nabadgalyo ah ka qaban waana nasiib daro iyo dabar dawladiisa ah.
Dhanka caalamka madaxwaynuhu kama uusan gaabin dhankaa wuu kasoobaxay kaalinkiisii waana ku mahad sanyahay.hadaba soomaali guud ahaan gaar ahaan madaxwayne xasan waxa uu helay wax aan hore u jirin oo ah in soomaaliya maanta ay heshay walaalkeed kawayn oo si dhab ah uugu soo gurmaday kaasoo ah Turki.dawlada turki waxay diyaar utahay muujisayna wax qabad dhab ah iyo itus oo itaabsii waxayna u hiilaysay hiil cad umada soomaaliyeed.Mogdisho oo aan quus ka taagnaa aniga iyo inbadan oo ila mid ahiba ayaa hada naftii kusoo noqotay oo kusocota sidii ay ahaan jirtay iyo si kasii fiican ilaahay mahadii weeye.dakadii iyo garoonkii diyaaradaha iyo isbitaaladii iyo waliba laamiyadii turki waa inoo dhisay,Mogdisho waxba ma harin dadku iyagaa dhisanaya guryahooda.bilicdii caasimada waa soo noqotay hadii MOGDISHO dib ula soo noqoto sharafteedii umada soomaaliyeed ay si nabad ah ugu wada noolaayeen waxaa hubaal ah in soomaali oo dhami noqonayso dawlad shaqaysa sidii shalay.
Hadaba guusha maanta xasan qarkuu usaaran yahay haduu fahmo oo talada teeda san helo oo ah in uu meel iska dhigo waxkale oo dhan kaliya MOGDISHO xafad xaafad iyo guri guri ha u galo haka nadiifiyo hubka sharcidarada iyo amaan xumada waa in uu magaalada ku sii daayaa ciidan xoogleh oo gacanbir ah ku qabta kuwa nabada soomaaliya hortaagan ee guryaha mogdisho ku dhuumaalaysanaya ee nabad diidka ah dawlad diidka ah naftiis diidka ah ee aan doonayan in soomaaliya ka baxdo dawlad la aanta. xasan shaqada umada soomaaliyeed uuga fadhidaa waa maxaad ka qabatay amaanka barta aad joogto oo ah muraayadi dalka soomaaliya?
Soomaali iyo caalamkuba waa inoo dhisayaan magaalada hadii aad xaqiijiso amaanka taariikhduna waxay qoraysaa oo kaliya madaxwaynihii ku guulaysta nabadaynta mogdisho oo waxa uu la mataal noqonayaa sidii S.Y.L oo dhaliyay xoriyada balse waaba kasii qiimo badanayaa baal dahab ah ayuu galiyaa ninkii guushaa gaara ah nabadaynta caasimada umada soomaaliyeed ka dhaxaysa ee hada ah meel aan nafta lagu aaminikarin.
Madaxwayne xasan taariikhdaa xusi doonta hanaanka uu hada wax uwadaana waa fiican yahay hada wakaa isugu yeeray madax goboleedyadii dalka ama maamuladii ka jiray gobolada ee isaga hoosyimaada sida sharciga iyo dawladnimaduba tahay,waxa uuna farayaa wixii danta guud iyo dalka u fiican inay wada tashadaan laysu tanaasulaa waa hormarka soomaaliya. muhiimaduna waxay tahay iyo hadafku waa in lahelo soomaaliya oo dawlad ah waxkale meesha masoo galikaro. madax wayne xasan umada soomaaliya kuligood dal iyo dibad waa taageerayaan haduu gacanbir ah ku qabto Mogdisho oo nabadeeyo taasoo macnaheedu tahay waxa uu dhisay qarankii burburay oo soomaaliyeed waxaana anaga balan nagu ah in aan taalo u dhisno mudana ka sheekeeyaan jiilasha danbe ee soomaaliyeed libantan waxaa heliya oo kaliya ninkii caasimada nabadeeya kaasoo aan lahelin wali mudo 25 sanadood ah. Anigu hadaan fakaray waxaan u arkaa in xasan noqon doono ninkaas ilaahayna hala garab galo in uu casimadii soomaaliyeed ee bahalo galeenka ahayd dib usoo nooleeyo tanoo ah dhibka dawlad la aanta soomaaliyeed.
Hada wax baa inoo dhisan marhadii madaxwaynihii fadaraalka ahaa uu shirinayo maamulo goboleedyadii waa arintan waa talaabo u ficaan umada soomaaliyeed ee u ooman dawlad nimada.madaxwayne xasan waxaan ka codsanayaa in uu aqbalo codsiga umada soomaaliyeed ee ah mogdisho oo nabad ah ayaan kaarabnaa ee natus hadii kale hanaga dhumin waqtiga fursada sii cidkale oo aan tijaabino inay noo fulinkarto dalabkaas. madaxwayne hasan waa kutaageersanahay waana kaasugaynaa waxaan kuu dooranaya oo ah MOGDISHO oo nabad ah inta kale way ku raacsantahay hadaad dan qabato. waxaad qarka usaarantahay in aad yeelato taariikh lama ilaawan ah ku baraarug fursadaada shaki kama qabo in aad tahay wadani geesi ah oo dalkiisa jecel cidna aan uuga haybaysanaynin in uu nabadeeyo dalkiisa.waxaa taalo loo dhisayaa madaxwaynihii nabadeeya MOGDISHO. guulayso.
Yuusuf Cumar Mashuuc5@hotmail.com

Waxaad nagala soo xiriiri kartaan: contact@somaliweyn.com

Fikirkaada ka dhiibo qoraalka kore, adigoo aan xadgudub sameynin. Mahadsanid

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=364

Haddii aad dooneysid inaad hesho wararka iyo warbixinadeena, godka hoose ku qor Emailkaada, adigoo botomka hoosena Click siinaya.

Join 3 other subscribers

Waxaad nagala soo xiriiri kartaan: contact@somaliweyn.com