Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 1,132 views

Taariikhdii Hagame Xalane wixii laga qoray iyo wixii goobjoogayaal iiga sheegeen.

Waxaa la isku raacsanyahya xaqiiqna ah in Halgame maxamed Cabdulle Xalane uu ahaa geesi naftiisa u huray calanka,waxaa laga yaabaa in jiilka cusub marka ay maqlaan magaca xalane ay u fahmaan xarunta ajaanibtu xamar ka dagan tahay ee ku taal degmada wadajir, laga yaabee in qaar u qaataan magac yugandees ah.inta aanan u gudbin wixii aan ka soo ururiyay goob joogayaashii dagaalkaa kala qayb galay xalane aan ku bilaabo wixii laga qoray.

Wixii laga qoray.

Qoraalada qaar ayaa qoraya in Jen. Mohamed siyaad oo meel fagaaraa ka hadlayay yiri: Aan ka taariikheeyo Maxamed Cabdulle Xalane, wuxuu ahaa nin askari ah oo Amxaaradu ku dishey Tog-wajaale; wuxuu ka mid ahaa koox ay cadowga is-hor fadhiyeen, waxaa dhacday in kooxdii la laayey; saddex qof keliya baa ka haray; meesha kooxdaasu joogtey oo ay go’doonka ku noqdeen waxay ahayd meeshii calanka Soomaaliyeed uu ku mudnaa; Maxamed Cabdulle Xalane markii raggii la baabi’yey oo ay ogaadeen in ayan meeshii hayn karin, inay colkoodii weynaa ku durkaan mooyee, ayuu wuxuu diidey calankii inuu meesha kaga tago. Markaas ayuu qaatay calankii oo xariggiisii soo degsaday si uus ula tago oo uusan gacan cadow ugu dhicin; Maxamed Cabdulle Xalane way arkayeen cadowgu, markaasay ku fureen qoriga boobaha loo yaqaan oo naftiisii gooyey; wuu soo gurguurtay; naftiina waxay kaga baxday markuu calankii ku soo ridey godkii labaad; hadalkii markii naftii ka sii baxaysay uu reebay ee lama illoobaanka ah oo da’ walba da’da ka dambeysaa ay dhaxlidoonto wuxuu ahaa: CADDOWGU BIRLAB KAMA SAMAYSANA.Xalane,. Inkastoo naftiisii uu waayey ,Xasuusta uu reebay darteed, waqtigaa illaa maanta, nin dhintay iyo nin nool, waa isaga keliya, ninka kaliya ee lagu xasuustaa Billad Dahab waxaa kaloo lagu xasuustaa Xiddigle-nimo uu ku qaatay dagaal geesinnimo ; tan saddexaad oo lagu xasuustaa waxa lagu magacaabay Xarunta Tabbbarka ciidanka ee Xalane . ayuu hadalkiisii ku soo gabgabeeyay Jen. Siyaad….((( xataa markii aan anigu dhameeystay dugsiga sare ee aan ku jiray xerada tababarka ciidamada xalane, oo aan ku qaadanayay tababar ciidan ,nalooma sheegin taariikhda xalane oo isla xerda loogu magacdaray lagana bedelay magacii niinkii talyaaniga ahaa ee Bootiko))).

(( Jen. Siyad waa iiga xogogaalsan yahay arrintaa.asagana waxaa uga xog ogaalsan goob joogayaal,waxaa la isku raacsan yahay halku dhagii uu ka tagay xalane in kastoo sadax si loo kala qoray 1-cadawgu birlab kama sameeysna.2-war cadawgu bir maahee burburkiyo, calankiyo, ciidda udiida .3- war cadawgu bir maahine burburiya ciidda iyo calanka soomaaliyeed u diida.waxaa kale oo ay isku raaceen in uu geesi ahaa.waxa kale oo ay isku raaceen in uu ahaa asgarigii ugu horeeyay ee bilad geesi dahab ah la siiyo.waxaa la isku khilaafay in calanka uu la soo gaaray ciidankii kale iyo asagoo la soo gurguuranayo in uu dhax ku dhintay.Qoraalada qaar ayaa leh asagoo dhaawac ah oo calankii sida ayuu soo noqday, isla qoraaldaa ayaa leh korkiisa meel aan xabadu ku aalin male, oo boobe culus ayaa lala beegsaday ,isma qabato, markaa waxa ay u dhawdahay sida goob joogayaasha qaar sheegeen in uu shahiiday markii uu ku soo dhawaaday ciidanka soomalida.tirada qoraaladu ay sheegayaan ee goobta ku go’doontay waxa ay leeyihiin saddax ciidankaa ayeey ahaayeen.laakin goob joogayaashu waxa ay leeyihiin waxa ay ahaayeen afar uu ku jiro xalane.

Qoraaladu waxa ay isku khilaafeen waqtigii uu dhashay iyo waqtigii uu ciidamada ku biiray . waxaa la isku raacsanyahya in uu ku dhashay magaalada ceel buur .laakin waqtiga uu dhashay la iskuma raacsana qoraalada qaar ayaa leh wuxuu dhashay 1939kii wuxuuna ciidanada ku biiray 1957dii. Waxaase runta u dhaw oo inta badan qoraaladu isku raaceen in uu dhashay 1943dii ciidamadana uu ku biiray 20 June 1960kii asagoo 17 jir ahaa,uuna shahiiday 1964 asagoo 21 jir ah…. Dagaalku waxa uu bilaawday Maalin Jimce ah ee bishii labaad ee sannadkii 1964-kii waxa weerar cir iyo dhul ahba soo qaaday ciidammada Itoobiya, sida uu qoray suxufiga. Cali Cabdi Coomay.Weerarku wuxuu ahaa aagaga min Hargeysa ilaa Doolow, waxaana lagu dagaalamay toddoba goobood oo kala ahaa; Tog-wajaale, Ina Guuxaa, Daba-goryaale, Feer-feer, Doolow, Xudun iyo aaga Beledweyne. Aagga Tog-wajaale waxa markii hore taliye ka ahaa sarkaal magaciisu ahaa: Abuukar Gacal Muudey.

Qoraalada qaar ayaa qaba in togwajaale Afar Magac ayaa hore usoo martey taariikhdeeda Fog kuwaas, oo kala ahaa Garoon, Sab ayar, Laanta-Curdinka iyo magaca hada ay ku caana maashey ee Tog-Wajaale.

Qaar ka mid ahaa goob jooga yaashii.

Prof.Nuur Cali Gacal. ( dable Nuur) oo ka mid ahaa raggii goob jooga ahaa ayaa yiri: weerarka amxaaradu waxaa ay nagu soo qaaday waqti maqrib ah. Ciidankii soomalidu dib ayaa loo riixay , waxaan ku jiray dhufeeys aan ka ridayay Hoobiye raacda reeb ah, waxaa iga horeeyay oo kaliya 4 asgari oo calanka ilaalinayay oo ahaayeen saddax dable iyo Alifle Xalane oo madax u ahaa.sadaxdaa asgari midba 2 saac ayuu calanka hoos joogayay asagoo ilaalinaayay.marka calanka la soo dajinayay waxaa waardiyaha calanka lahaa Dable:Baarqab, Alifle Xalane ayaa amar bixiyay oo ku yiri: Baarqaboow Calanku yuuna gacanta cadawga galine soo daji,baarqab asagoo deg degsan ayuu middi u xirneed la soo baxay asaga oo dhaawac ah oo labada qoob xabadu uga taal kana burbursan ,intii uu hal xarig gooyn lahaa si xariga haray loogu soo dejiyo calanka ayuu labadii xarig isku mar jaray calinkiina kor ayuu u duulay, calanku meel sare ayuu saarnaa wuxuuna ku soo dhacay meel xalane iyo cadawga u dhaxeeyso ,baarqabna dhulka ayuu ku dhacay,.kadibna Alifle Xalane ayaa ku yiri labdii asgari: dhaawaca baarqab qaada anna cadawgaan xabad ku reebaa,calankana waan soo qaadaa,Calankii ayuu u garguurtay,hoosta ayuu gashaday ,waana la soo gurguurtay halkaa ayaana lagu dilay intii uuna na soo gaarin, Isagoo leh war cadawgu bir maahine burburiya,ciidda iyo calanka soomaaliyeed u diida. dhaawacii Baarqab ayaa nala soo gaarsiiyay waxaana lagu qaaday baabuur Land Rover ah oo hargeesa u qaaday.

Maydkii xalane subaxii dambe ayaa la soo qaaday oo weerar rogaal celin ah aan qaadnay ,labadii asgai ee ka hartay saaxiibadii xalane maalintaa dambe ayeey dhinteen,magacooda ma xasuusto,laakin mid ayaa reer baladweyne ahaa.waxaan maqlay in xalane uu ka tagay hal gabar mise hubo,waxaa la ii sheegay in ay nooleed dagaaladii 1990 kii kadib ayadoo rafaadsan, mise hubo.

Goob jooga yaashii ayaa ii sheegay in bilad geesigaa dahabka aheeyd lagu bixiyay xaflad dabaal dag aheed oo ka dhacday xeebta secondo Lido oo aheed goobtii salaam sharafta lagu bixi jiray intaan loo soo wareejin Tarbuunka ,biladaa Dahabka waxaa bixiyay Md.Adan cabdulle cusman ( Adan cade) madaxweynihii 1aad oo uu gadaal ka taagan yahay jen.daauud oo ahaa taliyihii 1aad ee XDS ,waxa goob jooguhu intaa ku daray waxaa bilada lagu wareejiyay Xalane aabahii oo ahaa oday dheer oo maddow, bilada waxaa la socday shahaado sharaf geesinimo iyo darajada ciidan ee xiddigta waxa ay ku jireen saxan cad waan xasuustaa ayuu raaciyay ,waxa uu qaadanyaa mushaarka xiddigle ,weliba darajadaa xiddigta xalane waxa ay la dalacee marka ay dalacaan xiddiglayaashii markaa joogay, dalacaada xiddigluhuna ma aheeyn mid fudud sida kuwa hadda jira ee sannada badan ayaa la sugayay .Alifle Xalane geesi ayuu ahaa ayuu hadalkiisii ku daray wanaa asgarigii ugu horeeyay ee ciidanka ahaa ee billad geesi dagaal oo dahab ah la siiyay ,waxaa kale oo jiray 2ba ruux oo shibil ahaa oo warfaafinta ka tirsanaa oo iyana billad dahab ah la siiyay ,kadibna dad kale ayaa la siiyay billado kale oo aan dahab aheeyn waqtiya dambe.

Waa kuma Dable Nuur?.

Dable: Nuur ciidamadii iyo takhasus kiisii Hoobiyaha iyo typography- ga waa ka tagay dagaalka kadib,waxbarashuu sii watay ,kadibna dalka Romaniya ayuu aaday illa PHD uu ka soo qaatay. Wuxuu ka soo shaqeeyay jaamacadii ummadda .jamacada Mogadishu ,wuxuu lahaa Notayo u gaar ah ,waxa kale oo uu u shaqeeyay hayado samafal asagoo ka qayb qaatay furitaanka isbitaala badan.hadda isagoo xanuunsan oo dhabarka biro uga jiraan ayuu caafimaad ahaan u joogaa magaalada Minnesota ee dalka mareeykanka.

Waa kuma Dable Baarqab?

. Dable:Baarqab waa ku haray ciidanka,markii dowladii kacaanku dhacayay wuxuu ahaa isbatoore. Prof.nuur xiriir joogta ah ayuu lalahaa, wixii ka dambeeyay dagaaladii 1990 kii ,Baarqab, suuqa bakaaraha ayuu gaari gacan ku riixayay asagoo weli dhutinya ,ahna waayeel aan tabar u laheeyn in uu riixo. Wuxuu ka tirsanaa Ciidana lugta, wuxuu ahaa beesha jareer weyn ( waan ka xumay in aan beel sheego) sannadkii 1960 ayuu ka soo goostay ciidamadii itobiya oo uu ka tirsanaa markuu maqlay somaliyaa xor noqotay isla sannadkaa ayuuna kuna biiray ciidankii somalida, wuxuuna muujiyay geesinimo intii uu ciidanka ku jiray,wuxuu ahaa asgari daacad u ah dalka oo xalaal quuta ahaa.

Waa iga Su’aale.

Waa iga su’aale….Geesiyaashaasu rafaad badan ayeey mareen,kii nool iyo kii dhintayba waxaa calool xuma ugu filan:waxa maanta dhacayaa.maanta xeraddii xalane ee geesigaa loogu magic daray, waxaa jooga taliye itobiyaan ah oo masuuliyeenteeda ka mid ah! ma saxbaa? Waa iga su’aal. maanta xiddiga badan oo garba saran waan arkaa, laakin Alifkii xalane ma u dhigmi karaan ?? waa iga su’aal.Ciidamadu Hal calan oo ka dhexeeya ayeey wada illaalin jireen maanta meeqa calan beeleed ayaa difaac ka rabta? Waa iga su’aal. Jawaabtu waa adiga.

waxaan soo xasuustay , Qormadii: Yusuf Mohamed Abdi Yusuf…. Ee ku saabsaneed xaflad ka dhacday xaruunta gadiidka Booliska ee xamar oo bilado lagu siinayay ciidamadii amxaarada ee xamar ka dagaalamayay .Waxaa iyana yaab noqotey markii GABRE uu micrafoonka uga yeeray safiirka dowlada Yemen ee Soomaaliya u fadhiya Safiir AHMED OMAR si uu u gudoonsiiyo bilad sharaf safiirka Yemen.weliba halkaa waxaa fadhiyay madax ,saraakiil iyo kooxda muusikada soomalida ,soo calool xuma maahan? Waa iga su’aal.

Qormadan oo qaarkeed aan qoraalo ka soo xigtay qaarna aan goob joogayaal ka soo xigtay. Waad ku kordhi kartaa wixii aad ogtahay , waad sixi kartaa,waad dhaliili kartaa,aragtidaada xor ayaad u tahay.

13439094_1149002478474817_4216135741459178981_n 13508993_1149002605141471_4724811383170586668_n 13528836_1149001731808225_2605472312103062282_n 13528928_1149002855141446_5248998705673853899_n 13533286_1149002715141460_298592640303423334_n

Qore: yahya Amir

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=37184

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj