| | views 291

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Wareegto mar kale jago ugu mgacaabay Wasiirkii hore ee amniga Qaranka .

Wargeegto  ka soo baxaday xafiiska madaxweynaha dawladda soomaliya  Xassan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu ku magacaabay Wasiirkii hore ee amniga qaranka in uu Noqdo La-taliyihiisa dhanka Siyaasada.

cguuleed1

Wareegtadan ayaa soo baxday iyadoo sida la oghayahayna uu wasiirkaasi ku fashilmay gudashadda waajibaadkiisa dhanka Amniga qaranka sidasina uu iskaga casilay in uu sii ahaado wasiir.

Madaxweynaha ayaa xilkaan u magacaabay iyadoo weli aanan la buuxinin Xilkii uu iska casilay wasiirkaasi ee ahaa amniga Qranka kaas oo uu si KMG ah u sii haayo Wasiirka gaashaandhiga ee Xukuumadda Soomaaliya, iyadoo ay haeeyd in uu sii haayo wasiirka arimaha gudaha ee xukuumadda madama xilalka dawladda lagu qeeybsaday habeeleeyd.

Wareegto  kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa lagu magacaabay Cabdikariin Xuseen Guulled oo uu Madaxweynaha u aqoonsaday inuu buuxin karo Siyaasadaha looga baahan yahay Xafiiskiisa, waxa uuna Warqadaasi ku qoray in La-taliyihiisa dhanka Siyaasada uu yahay Mr Guulled.

La-taliyaha Cusub ayaa Cabdikariin Guulled, ayaa waxa uu horay ugu fashilmay kaalinta Wasaaradiisa kaga aadaneyd dhanka Aamaanka, waxaana iminka loo dhiibay Xilkaasi cusub, isagoo lagu xanto inuu dhanka Xarako ahaan ku gaaray booskaasi oo ay u tartamayeen Mas’uuliyiin badan oo Siyaasada lagu yaqiinay balse isagu uu ka mid yahay Xisbiga Jam Jadiid.

Lama saadaalinkaro kaalinta uu ka qaadan doono Cabdikariin Guulleed arrinta Siyaasada Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh garguurte wallow dadka falanqeeyo Arrimaha Siyaasada ay walaac weeyn ka muujiyeen  magacaabida Xilkaasi loo magacaabay Cabdikariin Xuseen  Guulleed oo ku fashilmay wasaaradiisii horay loogu magacabay.

Halkaan ka akhri wareegtadda ka soo baxaday xafiiska madaxwenaha:

magacaabis

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=3751

Posted by on Jul 5 2014. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed