Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 1,113 views

Sheekh Cali Dheere: “Shaqaale dowladda darteed loo dilaayo iima muuqato sabab ay ku weyn karaan xuquuqdooda”

Sheekh Cali Sheekh Maxamuud Agaasimaha Wasaaradda diinta iyo Owqaafta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajiyay qodob ku saabsan xuquuqda shaqaalaha Dowladda oo uu sheegay inaysan helin intooda badan musharaaxaadka muddo dhowr bilood ah.

Sheekh Cali Dheere oo warbaahinta ka jeedinayay duruus diini ah ayaa sheegay in madaxda sare ee Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay sharci ka soo saaraan xuquuqaha ka maqan shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda shaqeeya.

“Shaqaale dowladda darteed loo dilaayo iima muuqato sabab ay ku waayi karaan xuquuqdooda, dowladda ayaana laga rabaa inay sharci gaar ah ka soo saarto” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo hoota ka xariiqay in shaqaalaha Dowladda u shaqeeya qaarkood ay awoodi waayeen inay iska bixiyaan fitrada.

Waxa uu ku ammaanay shaqaalaha Soomaaliyeed ee rayidka ah sida ay ugu dhabar adeygayaan inay dowladooda difaacaan isla markaana dhibaato kasta oo soo wajahda ugu dul qaadanayaan iyo duruufaha adag ee dalka ka jira in hadana aanay helin xuquuqdii ay mudnaayeen.

Hadalka Sheekh Cali Dheere ayaa ku soo beegmaya xilli Dowladda xilligeedu dhammaaday ay la gebi dhacleyneyso musuqmaasuq iyo lunsashada hantida qaranka oo ay ku kacayaan madaxda ugu sareysa xukuumadda iyo mas’uuliyiinta hay’adaheeda kala duwan.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=37829

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj