Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 1,327 views

Dayax Dalnuurshe: “Hadaan xamareey ku maro miyaanba kaa xiisayaa” Video

Magaalada kuala lumpur ee caasimada dalka Malesia waxaa lagu qabtay show loogu dabaal degayay munaasabadda Ciidda, waxaana gebi ahaanba masraxa ruxay fannaanka da’da yar ee dhowaan ka tegay magaalada Muqdisho Dayax Dalnuurshe.

Boqolaal Soomaalida dalka Malesia degan ayaa ka soo qeyb galay showga oo fannaanka Dayax Dalnuurshe ka qaaday heeso dhuuxa iyo lafaha dhaqaajiyay ka qeyb galayaasha showga Ciida lagu maamusayay.

Hees lagu magacaabo “Muqdisho” oo uu halkaasi ka qaaday fannaanka Dayax Dalnuurshe ayaa noqotay mid sara joojisay dhammaanba Soomaalidii ka qeyb gashay, kuwaasi oo iyagu fannaanka garabkiisa soo istaagay iyagoo wejiyadooda laga dareemayay farxadda iyo sida ay ula dhaceen heestaasi.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=37843

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj