Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 1,900 views

Cabdi Maaxi Munye oo dhulka ku jiiday qurbajoogta ‘Qooto qooto’

Fannaanka Cabdi Maaxi Munye ayaa soo saaray hees sida gantaalaha oo kale ugu socota qurbajoogta Soomaalida ee iyagu doonaya inay beenbeen ku helaan min maamul dowlo ilaa iyo shukaansiga gabadha.

Heestaan oo la saaray laxanka ay caanka ku yihiin heesaha Xamariga ah ayaa lagu magacaabaa “Qooto Qooto” ayaa waxaa la jiibinaya koox haween ah, iyadoo miyuusiga iyo miraha qofkii dhageysta mooyee aanu faallo ka bixin qofka kale.

Ereyada heesta cusub ee Fannaanka Cabdi Maaxi Munye waxaa ka mid ah: “Adoo Qaabka Heesaha Qaadowgood Kaseynin, Saddex Qof Haddii Qol Laguugu Soo Xiro, Qub iyo Qac Ku Duubtid, Qataraa Tahay Lagu Yiraa, Qab Weyni Aad Ka Qaadid, Qofna Aad Salaamin, Youtube-ka Qurxisid Qooto Qooto, Fanaan ‪‎Qooto‬ Maku Tahay?”.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=38128

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj