Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 1,038 views

Sheekh C/qaadir Soomow: “Maanta waxaa noo muuqata inay dadku soo xusuusanayaan Yowmul Badar”

Sheekh C/qaadir Sheekh Maxamed Soomow oo ka mid ah culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay kacdoon ay ka wadaan magaalada Muqdisho kaasi oo looga horjeedo qaraxyadii magaalada barakeysan ee Madiina.

Masjidka Isbaheysiga ee magaalada Muqdisho ku yaala waxaa ka socota qabanqaabo iyo diyaar garow loogu jiro bannaanbaxyo looga horjeedo weerarka ka dhacay goob aan sidaasi uga fogeyn halka uu ku aasan yahay Nabi Muxamed NNKH, wuxuuna Sheekh C/qaadir Soomow ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay ka qeyb qaataan bannaanbaxayadaasi.

“Maanta waxaa noo muuqata inay dadku soo xusuusanayaan Yowmul Badar, maadaama shacabka Soomaaliyeed ay yihiin dad jecel diinta Islaamka” ayuu yiri Sheekh Soomow oo sheegay in ololahaan lagu cambaareynayo kooxihii weeraray magaalooyinka barakeysan ee dalka Sacuudiga uu yahay mid bilow ah.

Sheekha ayaa sheegay inay jiraan dibadbaxyo kale oo ka dhacaya guud ahaan gobolada dalka oo dhan, wuxuuna tilmaamay inay shacabka Soomaaliyeed ay ku muujinayaan shucuurtooda ku aadan weerarada bahalnimada ah.

Dhinaca kale hadalka Sheekha ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan hay’adda Culimada Soomaaliyeed ay shaacisay inay Muqdisho ka dhigeyso dibadbaxyo looga horjeedo weerarada qasaaraha badan geystay ee ka dhacay goobaha barakeysan.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa dhowaan shaacisay inay gacanta ku dhigtay kooxihii ka dambeeyay qaraxa ka dhacay magaalada Madiina, iyadoo aanu jirin kacdoonka Hay’adda culimada ka iclaamisay magaalada Muqdisho isla markaana dalal badan oo Islaam ah ay ka gaabsadeen.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=38276

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”