Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 587 views

Sheekadii Jaceylka Toddobada Su’aalood W/Q Siciid Xagaa

Qeybta 2aad: Haddaan sheekada qeybteedii koowaad dib inoo xusuusiyo waxey inoo joogtay wiilkii oo ku dul fekeraya warqada waxa uu gabadha ugu qori lahaa ugu danbeyn ayuu go’aansaday in uu ku qoro …. I LOVE YOU kadib wuxuu u dhiibay Kabalyeerigii isagana maba sii daahine siduu isii waday ayuu gabadhii farta ka saaray una tilmaamay in wiilka xaggaa fadhiya uu u soo dhiibay wey eegtay waxey aragtay isagoo xageeda u soo dhoola caddeynaya.

Inantii waa markeediiye xoogaa ayey fekertay warqadda ayey xagga kale u rogtay waxeyna ku soo qortay HAL sadar oo af faransiis ah waxey dib ugu soo celisay wiilkii weyna iska baxday.

Hasa yeeshee wiilkii ma aheyn mid yaqaana af faransiiska wuxuu u yeeray kabalyeerigii isagoo ingiriis kula hadlay kana codsaday in uu u akhriyo kabalyeerigii wuxuu eegay warqaddii hadana wiilkii ayuu eegay kadib ayuu u celiyay warqadiisii kadib waxaaa u xigay bahal dharbaaxo ah wejiga kaga BAC siiyay wuxuuna u sii raaciyay xoogaa tuur tuur ah iyo laad isla socda.

Waxaa soo cararay milkiilihii baarka wuxuuna isaguna dharbaaxay kabalyeerigii waxaana meesha ka dhacay buuq iyo in maqaayadii shaqadeedii istaagto waxaana loo yeeray oo goobta soo gaaray boolis markiiba waxey wareysteen milkiilihii waxeyna iyagoon waxba weydiin katiinad ku jebiyeen wiilkii soomaaliga ahaa kadibna saldhig u dhawaa ayey geeyeen.

Wiilkii kale oo saaxiibkii ahaa ayaa daahsaday ( raagsaday ) wuxuuna soo aaday maqaayadii oo buuqii ka yaraaday wuxuu weydiiyay in uu wiil madow ah uu yimid maqaayada waxaana loo sheegay wax alla wixii buuq ka dhacay iyo in wiilka booliska xireen waxeyna u tilmaameen saldhiga. Markiiba wuxuu qaatay tagsi wuxuuna tagay saldhigii waa loo ogolaaday in uu arko saaxiibkii kadib waxaa dhex maray hadaladan:

War maxaa laguugu soo xiray ?
War ninyahaw taa ha ii danbeysee intuu yiri oo uu warqaddii soo saaray waa alle mahadii haddii aad ii timid ee ii akhri warqaddan maxaa ku qoran ?

Warqaddi ayuu eegay isagoon u sheegin waxa ku qoray ayuu ku yiri “ Laga bilaabo saacaddan ima taqaanid kuma aqaan ima sheegan kartid kuma sheeganayo muusaa biddiin wa ciisaa biddiin faraha iga qaad wuuna ka tagay ”
isagoo ka dabaqeylinaayo Sxb sxb ha iga tagin walaalow cid aan adiga aheyn waad ogtahay ma aqaan , fadlan meeshaan cidlada ah ha iiga tagin lkn wiilkii dhag jalaq uma siin wuuna ka tagay.

Markii waaga baryay waxaa yimid ciidan kadib wiilkii waxaa loo qaaday maxkamadda waxaana xeer-ilaaliyaha uu akhriyay dacwaddiisa maxkamadiina waxey ku xukuntay in todobaad gudohood laga masaafiryo dalka waana la masaafuriyay waxaan laga soo dejiyay magaalada muqdisho. Wiilkii wuxuu ku NIDRAY
( ballan ku gallay ) in illaa uu FARANSA ku noqdo in warqadda uusan cid tusin kaliya uu gabadhii qortay uu raadiyo.

wiilkii wuxuu geed dheer iyo geed gaaban u koray sidii uu dib ugu noqon lahaa waxeyna ku qaadatay lix bilood in uu ku noqdo faransiiska wuxuuna raadiyay gabadhii isagoo tilmaan iyo tixraac ka soo qaatay isla maqaayaddii wuxuu MAP ku raadiyaba isagoo taksiile kaashanaya ugu danbeyn wuxuu yimid aqalkii gabadha ku nooleyd waxaana loo sheegay in gabadha ay isbitaal ay ku jirto wuxuu qaatay tilmaanta cisbitaalka wuuna tagay illaa uga danbeyn uu arkay gabadhii oo jiifta isbitaalka wuxuuna u dhiibay warqaddii isla markii ay aragtay warqadda wey suuxday .

Haddaba akhristow waxaa lagaa doonayaa in aad ka jawaabto 7da su’aalood ee sheekadan ku socoto
1- Maxey gabadha ku soo jawaabtay ? 2- Muxuu kabalyeeriga ku dharbaaxay wiilka ? 3- Muxuu milkiilaha u dharbaaxay kabalyeerigiisa ? 4-maxey booliska u xireen wiilka ? 5-Muxuu saaxiibkii u yiri isma naqaano ? 6- Maxey maxkamadda u musaafurisay ? 7- Maxey gabadha u suuxday?

La soco qeybta 3aad ee ugu danbeysa oo ay ku jiraan dhamaan jawaabaha su’aalahan ee sheekadan

Akhriso Qeybta 1aad haddii ay ku dhaaftay
W/Q Siciid Xagaa Afrax.
sxagaa@hotmail.com

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=39279

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj