Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 767 views

Xidig ka dhex muuqday Naadiga Muqdisho, magacna ku dhex lahaa Xulka K/Kolayga Soomaaliya.

Kubada Koleyga waa Ciyaar si weyn  looga xiiseeyo caalamka Barisamaadkiina ka mid aheyd  Ciyaarta ay caanka ku aheyd Soomaaliya,waxaana Kubada Koleyga soo maray Xidigo fara badan oo isagu jiray Wiilal iyo hablo kuwaasoo wacdaro ka dhigi jiray Garoomada.

Hadaba Laacibiintii Dhinaca Wiilasha ee soo maray Kubada Koleyga Soomaaliya waxaa ka mid ahaa 11 Cabdijabaar Maxamed Iimaan oo u safan jiray Naadiga WKK Muqdisho iyo Xulka Qaranka Soomaaliya,waxaana Xidigaan uu mudo yar ku noqday Ciyaaryahan hadalheyntiisu aad ugu weyneyd Bahda isboortiga jecel.

“Walaahi habeenka uu ciyaarayo 11 Cabdijabaar Maxamed Iimaan niyada ayaa noo dhisnaan jirtay hadaan nahay taageerayaasha Naadiga Muqdisho’ ayuu yiri Cali xasan oo aan kula kulmay Magaalada Muqdisho isagoo intaasi raaciyay in Cabdijabaar Maxamed iimaan uu ahaa Laacib ay siweyn uga baqi jireenjireen Kooxaha Wiilasha kubada Koleyga.

“Waxaan xasuustaa habeenka WKK Muqdisho ay la ciyaarayaan Kooxaha WKK Horseed, LLPP, Badda, Somalita, MBC,Sancada sida Laacibka Naadiga Muqdisho Cabdijabaar iimaan uu u ahaa Mid ay si weyn isaga ilaalin jireen Kubadiisa sareysay Kooxahaasi’ayuu yiri taageeraahaasi Naadiga Muqdisho waxa uuna intaasi Raaciyay in Marka laga Hadlayo Dhalinyaradii ugu Cadcadeyd 80meeyadii Kubada Koeyga Wiilasha Soomaaliya inuu Kaalimaha hore kaga jiray Cabdijabaar Maxamed Iimaan

Hadaba Cabdijabaar Maxamed IImaan Xidigii WKK Muqdisho Ciyaaryahan Ceynkee ah ayuu ahaa,

Cabdijabaar Maxamed Iimaan oo lagu xasuusto Lambarka 11 waxa uua aha Laacib farsamadiisa kuabdeed ay aad u heersareysay kana mid ahaa Xidigihii WKK Muqdisho ay sida  weyn ugu tiirsaneyd,waxa uu ahaa laacib edeb badan isla markaana soo bandhigi jiray Ciyaar farsamo wanaagsan oo ay aad uga heli jireen taageerayaasha Kubada Koleyga.

Cabdi jabaar Maxamed Iimaan oo Kubada Koleyga ka Gaaray Heer Qaran,waxa uu naadigiisa Heerka 1 ee muqdisho loo magacaabay Markii uu ka soo baxay Heeerka Junyarka isla markaana uu u soo saftay Gobolka Banaadir.bartamihii 80meeyadii,iyadoo xiliga ku soo biiritaankiisa Naadiga Muqdisho la oran karo waa Cusub ayaa u baryay Kooxda,waxaana sii kordhay Xidigaha Kooxda ku Tiirsaneyd oo marba marka ka dambeysa soo badanayay,iyadoo Naadiga Muqdisho uu Noqday mid ay ku xiosaabtamaan Kulankiisa Kooxaha ka soo horjeeda ee kubaada Koleyga,waxa ayna WKK Muqdisho noqdeen kuwo aad iskula jaanqaaday oo garoomada ex Luujino iyo Kan dedan ee  Muqdisho Istaadiyum wacdaro ka dhiga.

Wiilasha K/K/Muqdisho iyo kuwa Naadigii LLPP

WKK Muqdisho  vs WKK Horseed

 

WKK Muqdisho vs WKK Badda

 

WKK Muqdisho  vs WKK Somalita

 

WKK Muqdisho vs WKK Sancada.

 

Kulamadaasi aan soo sheegnay waxa ay ahaayeen kuwo adag oo Garoomada aad loo camiiri Jiray Markla ay yeelanayaan WKK Muqdisho.

 

Cabdiajbaar Maxamed Imaan Xidigaasi farsamada kubadeed iyo dhanka Gool dhalinta Caanka ku ahaa ayaa sheegay in Kooxda WKK Muqdisho ay ahaayeen Koox aan dab yar shideyn Isla markaana Wacdaro ka dhigi jirtay Garoomada Kubada Koleyga’

 

 

‘Koox isku duuban oo Farsamadeeda Kubadeed aa du heer sareysa ayaan aheyn’ayuu yiri Cabdijabaar Maxamed Iimaan oo lambarka 11 u qaadan jiray Wiilasha Kubadda Koleyga Muqdisho waxaana uu intaasi Raaciyay in Kooxda uu u ciyaaray dhowr koob oo isagu jira Horyaalka iyo kan Janaraal Daauud iyo koobab kale.

Ciyaaryahan Cabdijabaar Maxamed Iimaan waxa uu u mahadceliyay intii qeybta libaax ka soo qaadatay Dhiirigalintiisii isboortiga, iyo Guud ahaan Bahda Ciyaaraha,si gaar waxa uu ugu Mahadceliyay macalimiintiisii iyo Ciyaartoydii kubada Koleyga Naadiga Muqdisho e e ay isla soo qaateen Xiligii wanaagsanaa

Tababarayaashii soo maray WKK Muqdisho Waxaa ka mid ahaa Maxamed Faarax Qanbi iyo Maxamed Axmed Tarabi.

Xidigaha Kooxda Wiilasha Kubada Koleyga Muqdisho soo maray waxaa ka mid ahaa

 

Abuukar Maxamed Axmed’ Abuukar Shiino’

 

Cali Cismaan

 

Salxaan Dheere

 

Cabdulqaadir Dhame

 

Cabdijabaar Maxamed Iimaan

 

Isaaq Dheere

 

 

Xasan Abati

 

 

Mustaf Gabdhow

 

 

Muriidi Dheere

 

 

Biyooleey

 

Mahad Dheere

 

 

W/ D: Axmed Maxamed Cabdulle’ Uurdoox’

Uurdoox2016@gmail.com

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=39460

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj