Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 684 views

SAAMEYNTA DAGAALKII LAFOOLE: (Gaalo madow iyo cadaan u haajirtay Sh/hoose)

(Qeybta 2aad) Talyaanigu waxa uu waday qorshahiisii ahaa aar gudsiga, Jeneral: Baldissera wuxuu soo jeediyay in wacdaanka iyo Biyamaalka xoog lagu maquuniyo laakin Sir. Tittoni wuxuu qabay in farsama aan dagaal aheyn lagu dayo lana kala fur furo qabiilada is baheeysiga ah.

Waxa kale oo uu soo jeediyay in ciidanka ku duulaya wacdaan oo markaa ahaa 2,442 ayna hogaaminayeen 30 sarkaal oo Talyaani ahaa lagaarsiiyo tiradooda 3,400 asgari ayna hogaamiyaan 46 sarkaal oo Talyaani ah.

Waxaa Talyaanigu aaminsanaa in dagaalka wacdaan ay ku dhiiri galinayeen amxaarada isku wareejisay magaalada Luuq oo dooneysay in ay Xamar ku soo duushu, laakiin markii Sir. Sorrentino Xamar yimid 26/10/1897 waxa uu bilaabay baaritaan 10 cisho gudahood waxa uu ogaaday in ayna jirin cid ka baxsan deegaanka Lafoole oo taakuleeyneeysay, kadibna waxa uu bilaabay dagaalkii sharaf soo celinta Talyaaniga, waxaa soo baxay in la kala qeybiyo qabiiladii Soomaalida ,ugu horeyn wasaarada arrimaha dibada talyaaniga ayaa go’aamisay in Wacdaan iyo Galadi la saaro dambigii dagaalka lana ciqaabo Fiiri: The NY Times report.

Si kastaba Sorrentino iyo Dulio oo isna ahaa madaxii shirkada Banadir ee ganacsiga Talyaanigu waa ku adkeed in ay degdeg u dhaqaaqaan ama cid Soomaaliya ay aaminaan iyagoo leh Soomaalidu waa beenloowyaal, tuugo, dilaayaal fiiri: ((expedition as he thought of the Somalis as: ‘liars, thieves, and murderers’ A clear grudge from the ‘Lafole massacre’ He wrote in his book Ricordi del Benadir: ‘We’ve got a nasty cat to skin! May God protect us’ (Robert L. Hess, 1966, p.66).

Waxaa yimid ciidankii xoojinta ee la sugayay 20kii Abrill , 5 bilood dagaalkii lafoole kadib waxaa bilaawday dagaalkii aar gudsiga, ugu horeyn waxaa la gubay tuuladii lafoole, kadibna tuulooyinkii kale ee Galadiga iyo Murusadaha, kadibna xaruntii sh. Axmed Xaaji ee Nimow ayaa dhinaca badda laga duqeeyay, Fiiri:( Lee V. Cassanelli, 1982, p.208).iyo’ (Robert L. Hess, 1966, p.66).

Ciqaabtaasi saameyn kuma yeelan Wacdaankii, Galadigii, iyo Biyamaalkii, weliba Talyaanigii hore waa u sii socan waayay oo dib ayuu u soo noqday 20kii sanno ee xigtayna wuxuu dhaafi waayay magaaloyinkii xeebaha ee Warshiikh, Mogadishu, Marka iyo Baraawe. ‘Italian colonialism in Somalia”’ (Robert L. Hess, 1966, p.76) .

Laakin Talyaanigu waxa ay bilaabeen qofkii u dhashay qabiiladaa ee lagu arko magaalooyinka in la xiro. Wacdaankiina waxa uu bilaabay in uu go’doomiyo magaalooyinkaa oo safarada galayo ama ka baxayo uu xayiro, taa waxaa isna bilaabay Biyamaalka oo yiri: anna waan go’doominayaa magaalooyinka inta wacdaanka laga qaadayo cuna qabateeynta looga ugaarsanayo magaalooyinka.

Intaa kuma ekaan eeTalyaanigu waxa uu bilaabay in uu dib isku abaabulo. Fiiri: warqada uu qoray Governatorihii Talyaaniga Sir: Carletti, bishii June 1908 una diray wasaaradda arrimaha dibadda ,wuxuu ku yiri: suura gal nooma ahan in aan hore u sii socono si aan webiyada ku gaarno, waxa uu yiri: qabaa’ilkii kacdoonka waday laba bilka hor ayeey ciidan u direen dhinaca Sayidka , waqtigaanna waa soo dhawyihiin ayagoo weliba hubeeysan culeeysna noo keeni doona, wuxuu yiri: Biymaal dhan 4000 nin ayaa baxay, dhulkoodii waxaa ku haray waayeel, haween iyo caruur bis, Hintirana in yar maahee intii kale waa baxeen, waqti ma heeysano haddii aadan naga soo gaarin. waana wada baxeen qabiiladii Hintire, Biyamaal, Wacdaan, Jambelul, Daa’ud, iyo Mobilen, kuwaa oo guud ahaan tiradoodu weliba ka badantahay 100,000 dagaal yahan soona noqon doono ayagoo hubeeysan, waa sida ku qoran warqada uu u diray wasaarada arrimaha dibadda ee Talyaaniga, gurmad ayaa lala soo gaaray Talyaanigii bishii Agoosto 1908, hore ayeyna u dhaqaaqeen iyagoo ugu horeyn calankii Talyaaniga ka taagay tuulada Bariirey sidoo kale dagaala badan ayaa ku qabsaday Mareereey: fiiri:bogga 250 ee buuga Lee Cassanelli’s The shaping of Somali society: reconstructing the history of a pastoral people, 1600-1900.The Wacdaan tribe between 1896-1908..Cf. Carletti, Attraverso il Benadir, pp. 164-77, passim.

Sawirada Jabkii gumeeystaha, xayeeysiintii talyaaniga iyo barbaarta dagaalka.

13876474_1184573128251085_7249230039952875675_n 13882142_1184573218251076_8329186607909863598_n 13912441_1184573244917740_5983371764244772725_n 13920620_1184573308251067_8740504947792725676_n 13924892_1184573194917745_2760986447640297044_n 13925118_1184572904917774_7113496175745245236_n

FG: wixii ka qaldan qoraalkan waad sixi kartaa, naqdin kartaa, dhaliili kartaa,wixii aqoon yarideydu ii geeysay ka raali noqo, aragtidaada xor ayaad u tahay.

La soco qeybtii Kowaad

Qore: Yahya Amir.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=40754

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”