Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 1,840 views

Dhallinyaro qaadatay diinta Masiixiga oo Hargeysa lagu xiray ‘awaamiir la soo rogay’

In ka badan 50-Dhallinyarada Somaliland ayaa la dhigay xabsiga magaalada Hargeysa sida ay sheegayaan saraakiisha ciidamada Booliska, dhallinyaradaas oo lagu soo qabtay xaafadaha magaalada Hargeysa isla markaana lagu soo eedeeyay inay qaateen diinta Masiixiga.

Sarkaal u hadlay taliska Booliska Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in dhallinyaradaasi ay ku socdaan baaritaano la xiriira eedeymaha ku saabsan inay ka baxeen diinta Islaamka isla markaana ay qaateen diinta Masiixiga, isagoona sheegay in kuwooda aan dembiga lahayn la sii deynayo.

Sheekh-Khaliil-696x464

Wasiirka diinta iyo Owqaafta Somaliland Shekh Khaliil C/llaahi Axmed ayaa warbaahinta u sheegay in dhallinyarada qaatay diinta Masiixiga laga helay astaamo kala duwan oo muujinaya isbedelka ku yimid.

“Dhallinyarada la xiray qaarkood waxay leeyihiin astaamihii gaalnimada, baaritaan ayaana ku socda” ayuu yiri Wasiirka diinta Somaliland oo mar kale ku celiyay awaamiir uu horay u soo saaray kuna saabsan tima jarayaasha, isagoona ku amray inay dhallinyarada timahooda u jaraan sida ay qabto shareecada Islaamka iyo dhaqanka suuban.

Wasiirka ayaa sheegay in dhulka Somaliland ay ku soo badanayaan dhallinyaro koox koox ah oo timaha u jaranaya sida ciyaartoyda kooxaha isboortiga caalamka ee gaalada ah, taasi oo uu sheegay in tima jarayaasha haddii ay iska dhega tiraan awaamiirtaasi ay muteysanayaan ciqaabo kala duwan oo dhinaca sharciga la xiriira.

Awaamiirta iyo dhallinyarada Hargeysa lagu xirxiray ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhowaan warar soo baxay ay sheegayeen in degaano ka tirsan Somaliland laga furay Kaniisado faafiya diinta Masiixiga.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=42106

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj