Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 748 views

Halyeeyada Arsenal VS Ac Milan oo ciyaaraya maanta Kulanka Deeq Aruurin ah.=Arsenal oo Soomaaliya Garoomo ka dhisaysa=

Waxaa maanta yeelanaya kulan xiiso badan halyeeyo wax badan ay dadku xasuustaan, waana halyeeyada kooxaha Arsenal iyo Milan ay isku wajahaan garoonka Emirates Stadium kulan lacag aruurin ah oo ay soo qaban qaabisay hay’adda Arsenal.

gun__1472744046_Legends_711

Ciyaartaan waxey noqon doontaa dhacdadii ugu weyneed ee mudooyinkii dambe ka dhacda caalamka iyadoo labada kooxood ay xaqiijiyeen halyeeyada uga qeyb galaya kulanka, waxaana ku jira magacyo ay ka mid yahiin: Cafu, Maldini, Costacurta, Boban, Lehmann, Pires, Petit Iyo Ljungberg.

Kulankaan ayaa waxaa ka qeybgalayn ciyaaryahano magac leh, kuwaasi oo taageerayaasha Gunners ka maqnaashahooda ciyaartaas ka caroodeen waana Thierry Henry iyo Dennis Bergkamp.

Henry ayaan ka soo qeyb gali karin kulankaan madama uu ku guda jiro shaqadiisa caawiyenimo ee xulka Belgium madama kulamo ay ku soo fool leeyahiin, halka Bergkamp uu yahay caawiyaha kooxda Ajax Amsterdam.

“Waxaa wax aad looga xumaado ah inaan awoodi waayay inaan ciyarin kulanka halyeeyada Arsenal sababo la xiriira shaqada cusub ee Belgiumka. waxaan u hanqal taagayay inaan la midoobo Jamaahiirta Gunners saaxiibo hore iyo dabcan inaan caawiyo lacag aruurinta taasoo ah sabab wax ku ool ah. Waxaan wiilasha la doonayaa guul walba anigoo rajeynaya iney guul guul xaqiijistaan maqnaashaheyga” ayuu yiri halyeey Thierry Henry oo ku guda jira shaqadiisa Belgium-ka.
Halyeeyada Labada Kooxood:

Ac Milan waxaa hogaaminaya macalin Fabio Capello, waxeyna dhamaantood goor hore usoo safreen London si ay kulanka u ciyaaraan, liiska ciyaartoyda Halyeeyada Milan waxaa ka mid ah:

Christian Abbiati, Dida, Cafu, Paolo Maldini, Demetrio Albertini, Alessandro Costacurta, Paolo Di Canio, Edgar Davids, Marcel Desailly, Daniele Massaro, Marco Simone, Angelo Carbone, Dario Simic, Giuseppe Favalli, Kakhaber Kaladze, Zvonimir Boban, Massimo Ambrosini, Stefano Eranio, Giuseppe Pancaro, Ibrahim Ba, Serginho and Christian Vieri.

Dhanka kalana Gunners dhankeeda Arsene Wenger ayaa hogaamin doona, sidoo kalana Robert Pires oo ka mid ah safiirada Hay’adda Arsenal ayaa xiran doona numberkii uu caanka ku ahaa ee 7-aad kulanka maanta.

Jens Lehmann, David Seaman, Martin Keown, Marc Overmars, Ray Parlour, Emmanuel Petit, Pascal Cygan, Gilberto, Nigel Winterburn, Kolo Toure, Robert Pires, Freddie Ljungberg, Sylvain Wiltord, Anders Limpar, Gilles Grimandi and Kanu.

Dhanka kale Hay’adda (Arsenal Foundation) waxaa la aas-aasay sanadkii 2012 xilli Gunners ay u dabaal dageysay sanad guuradeedii 125-aad ee kooxda si loo balaariyo waxqabadka kooxda, iyadoo lacagaha ka soo gala Ciyaartaas kooxda Arsenal waxay ku bixin doontaa inay garoomo uga dhisto Ciyaalka yar yar.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=42885

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”