Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 615 views

 NASASHADA JIMCAHA ,Q-9aad

A-Wiil yar oo 9 sanno jir ah ayaa Adeerkii ku yiri: wiilkeeygoow haddii aad 40 salaadood masjidka ku soo tukato waxaan ku siinayaa halkii salaadba 1$ ama sarifkiisa oo ah 20.000Sh.So.

111

Wiilkii yaraa ayaa bilaabay in uu safka hore Masaajidka kula soo tukado Adeerkii. Wiilkii yaraa oo xisaabta tirsanayay ayaa markii 40kii salaadood uu masjidka ku soo wada tukaday ku yiri Adeerkii: Adeer waan fuliyay Balantii ee adna i sii 40kii Dollar. Adeerkii ayaa ku yiri: wiilkeeygoow ma aheeyn danteeydu in aan 40$ ku siiyo ee waxa ay aheed in aad Masjidka ku soo xiranto waqtiga salaada .

Wiilkii yaraa ayaa ku yiri:Adeeroow markii horeba waan ka shakisnaa in aad balankaa fulin doonto, anna 40ka salaadood waxaan tukday weeysa la’aan.

( siyaasiyoow shacabku waa dareemayay in aad balanka ka bixi doonto, ayana dantooda ayeyna kaa raacdeen, Somalidu waa laga yaabaa in ay wax badan kuugu dul qaataan laakin hadaad ku kacdo arrin heer qaran ah oo badda somaliyeed iyo jiritaanka qaranka saameyneysa. Jawaabtu tii hore ma noqoneeyso) .Fiiri: sawirka 1aad.

B- Axmed ayaa saaxiibkiis ku yiri xalay laba indhood iskuma geynin oo hurdo igama soo dhicin waxaan aad uga fikirayey $100 oo la igu lahaa. Saaxiibkii ayaa ku yiri: maxaad iigu sheegi weyday arrintaa murugadeeda aad ka seexan weeyday?. Axmed ayaa yiri: oo saaxiiboow miyaad iga bixin laheyd dayntaa, Khery Allaah ha kusiiyo. Saaxiibkii ayaa ku yiri: maya ee waxaan kuu sheegi lahaa nooc fiican oo kaniiniga hurdada ah.

Axmed ayaa ku yiri: duf ku bax, daawa iima naqatee amaad deeynta iga dhiibee. Fiiri sawirka 2aad iyo 3aad ee daawada uu Axmed hore u isticmaalay…..( siyaasiyoow, Ummaddu dhibka heeysta waa kuu sheegtee, meel kale ha u tilmaamin).

 

Qore: Yahya Amir.

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=43808

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj
rayiga PRETORIA: Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay kaddibna isagii is dilay (Waa maxay sababta?) YAASIIN MAAXI: “Qaran iyo qabiil meel ma wada galaan, hase yeeshee way i farxad gelineysaa rajada muuqata sanadka….” + Video Muqdisho oo looga diyaar garoobayo soo dhoweynta musharaxii ugu shacbiyadda badnaa f803Markab dagaal oo ku soo xirtay dekedda Berbera VIDEO faduma-dayibFaadumo Dayib oo war cusub ka soo saartay warbixin ka qoray wargeyska Washington Post (Dhageyso) fb-swFACEBOOK: La soco warar, dhacdooyin, ra’yi iyo warbixino xiiso leh dhaqankaLa soco wararkii ugu dambeeyay, warbixino iyo dhacdooyin kala duwan  ceymiskaShirkadda Takaaful oo mucaaradii ugu weyneyd kala kulmeysa madaxda Dowladda F. Soomaaliya eng-salaxWasiirka Howlaha guud oo sheegay in musuqmaasuq Maroodi ka weyn ka magaalada Baydhaba + Sawirro Maamulada Galmudug iyo Puntland oo kala qaaday Ciidamadii isku hor fadhiyay Gaalkacyo + Sawirro somalilandkurasCiidamo Gadoodsan oo la wareegay xarunta ay ka socotay doorashada aqalka hoose ee Maamulka Jubaland. axmed-madoobeMadaxwenaha Jubaland “Heshiiskii aan u tagnay illaa Imaaraadka inay Fulin waayaan Hogaamiyaasha Galmudug iyo Puntland waa..” gaalkacyo-3Qasaaraha dagaaladii ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dhex maray Gaalkacyo oo sii korshay fartagFADEEXAD: Mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha oo ku lug yeeshay musuqmaasuq cali-amerikoMax’ed Cali Ameeriko: “Ma jirto qof aan uga tanaasulayo tartanka xilka Madaxweynaha” badmaaxJaaliyadda Soomaalida Sacuudiga oo hoggaan cusub yeeshay “Waan la shaqeynayaa qof kasta…”