Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 770 views

HAL QARAN Gabay murti badan xambaarsan

Xisbigeena Hal Qaran
Soomaaliduu Haqabtiraa
Hubaal Ku Toosiyaa
Wadada Hagaagsan
Waa Horukacii Dalkeenoo
Hawsha Noo Wadee
U Hiiliya Dadkiisiyo
Dalkeena Haawanaaya
Haada Ay Cuneysuu
Hilinka U Iftiinshaa
Dhalinyarada Habowsanhal
Horweynta Aan Ujeedin
Ineey Hantaan Ilowsan
Habaqlaha Dugaagee
Inagu Soo Huleelay
Hareeraha Dalkeeniyo
Cadawga Hitinaaya
Hasheeniyoo Dayacan
U Hanqal Taagayaan
Horjoogsigooda Waa
Xisbigeena Hal Qaran
Dadkeenan Hardamaaya
Dhexdooda Is Halaagay
Iyaga Is Hiifayiyoo
Shisheeyaha Hankiisa
Inuu Dalkan Hagaagin
Colaada Hurinaaya
Heshiis Iyo Bogaadin
Hufnaan Uga Shaqeeyntiis
Hamigiisa Weeyaan
Xisbigeena Hal Qaran
Horumarka Dalkeeniyo
Hanaanka Dowladnimo
Hadafkiisa Weeyaan
Ilaah Baa Mahada Leh
Dalkeena U Hogaanshay
Ineey Helaan Gargaare
Hiigsanaaya Meel Sare
Hagraneyn Dadkiisee
Habacsanaan Udiida
Xisbigeena Hal Qaran
Aan Hareer Galnoo
Hidaheena Aasmuu
Ka Rogaa Habaaskee
Aan Hareer Galno.
Abwaan.—–Mohamed Yahye

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=44349

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj