Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 616 views

Arsenal oo Guul Dahabi ah ka gaartay Kooxda FC Basel Tartanka Champions Leaque-ga+Sawiro

Kooxda Arsenal ayaa guul raaxo leh ku gaaratay Garoonka Emirates Stadium kadib markii ay ka adkaatay kooxda FC Basel iyada oo Arsenal ay guushan xaqiijisay qaybtii hore ee kulankan.

gun__1475101765_theo_highlights

Ciyaaryahan Theo Walcott ayaa kulankan noqday xidiga lugtiisa ay Arsenal ku faa’iiday isaga oo dhaliyay labada gool oo ay kooxda Arsene Wenger ku garaacday kooxda Basel.

Goolasha uu Theo Walcott dhaliyay qaybtii hore ee kulankan isla markaana uu Alexis Sanchez caawintooda sameeyay ayaa Arsenal ugu filnaatay inay saddexdii dhibcood ee ugu horeeyay ay Champions Leaque-ga xili ciyaareedkan ka hesho. kooxda Gunners oo kulankii hore barbaro la soo gashay PSG ayaa afar dhibcood ka heshay laba kulan oo ay ciyaartay.

Kooxda Arsenal ayaa ciyaarta ku bilaabtay qaab ciyareed cajiib ah waxayna markiiba dhibaato wayn ku abuurtay kooxda martida u ahayd ee FC Basel. Gunners ayaa doonaysay inay xilli horeba la timaado goolal ay ku niyad jabin kartay kooxda Basel.

DAQIIQADII 7-aad Arsenal ayaa markiiba ka midho dhalisay hamigeeda ahaa inay ciyaarta xilli hore saamayn ku yeelato waxaana goolka furitaanka Gunners udhaliyay Theo Walcott laakiin waxaa goolkan Walcott u sahlay inuu dhaliyo Alexis Sanchez oo shaqo fiican soo qabtay si uu goolkan caawintiisa u sameeyo wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Arsenal hogaanka kula wareegtay.

Daqiiqadii 26-aad Arsenal ayaa mar kle heshay goolkeeda labaad ee ay kalsoonida buuxda ku heshay laakiin mar kale waxaa goolkan sabab u ahaa labadii xidig ee goolkii furitaanka isla shaqeeyay, waxaana mar kale Gunners goolka labaad u saxiixay Theo Walcott kaas oo kubbad hal ka laba ah la soo ciyaaray Alexis Sanchez ka hor inta aanu goolkan dhalin, waxaana sidaa markale goolkan caawintiisa ku sameeyay Sanchez halka Walcott uu markale noqday dhaliyaha goolkan, waxayna ciyaartu noqotay 2 iyo 0 oo ay Gunners hogaanka ku dheeraysatay.

Arsenal ayaa Basel ku sii haysay cadaadiska ay ku bilawday waxayna Gunners iska lumisay fursad cajiib ah oo ay kula iman kartay goolal kale oo ay xili hore ciyaarta hurdada ugu diri kartay balse qaybtii hore ee kulankan ayaa lagu kala nastay 2 iyo0 ay Arsenal hogaanka ciyaarta ku haysay isla markaana ay ahayd kooxda waxkasta garoonka ka samaysay halka Basel ay ku dhibtootay weerarka Arsenal.

Dhanka kale Arsenal ayaa awooday inay ilaashato natiijada ay guusha ugu taagnayd ee ay ka shaqaysay qaybtii hore ee kulankaan, waxayna ugu danbayn ciyaartu ku dhamaatay 2 iyo 0 oo ay kooxda Arsene Wenger ku gaadhay guusheedii ugu horaysay xili ciyaareedkan ee kulamada Champions Leaque-ga iyada oo laba kulan oo ay ciyaarta ka heshay 4- dhibcood.

arsenal-41475095120600_lc_galleryimage_fc_basel_s_goalkeeper_tomgun__1475101765_theo_highlights38e4205000000578-3812197-image-a-9_147509032977538e43e6100000578-3812197-image-m-26_147509124729238e38efa00000578-3812197-image-a-6_1475090323088

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=44664

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj