Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 1,221 views

Dal Yurub ku yaala oo Dib u Celin ku bilaabay Qaxooti Dhalashadooda ka been sheegay + Sawirro

Mid ka mid ah dalalka ugu caansan Qaarada Yurub ayaa waxa uu markaan u soo jeestay dadka Qaxootiga ah ama sida beenta ah ku qaata Sharciyada kaas oo iminka bilaabay inuu dhiibo diidmada ama waxa loo yaqaan Negativ-ka.

Dalka Jarmalka oo hal sano ka hor ay soo galeen Qaxooti lagu qiyaasay in ka badan hal Milyan ayaa iminka waxaa Qaxootigaas kala barkiis loo diiday sharciyada ama in la qaabilo . Qaar ka mid ah Qaxootigaan ayaa waxaa la soo ogaaday inaysan eheen ama u dhalan dalka Siiriya balse ay ku qaraabanayeen colaada iyo dagaalada ka taagan dalkaas si ay sharciyo iyo magangalyo uga helaan dalka Germany.

Inta ugu badan Qaxootiga iminka la fahmay ee ku qaraaban jiray inay Siiriyaan yihiin ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ka soo jeedaan wadamada Aljeeriya , Marooko , Tunisia iyo Masar . Sidoo kale Jarmalka ayaa dib u celinayo Ajaanib ka soo jeeda wadamo lagu sheegay Nabad sida Kosovo , Serbia , Turkiga iyo Pakistaan.

Xisbiyada Cunsuriyiinta dalka Jarmalka oo mudooyinkaan dambe codad fara badan helay ayaa waxa ay ku doodayaan in gudaha dalka Germany ay ku nool yihiin Qaxooti ka badan 550.000 kuwaas oo loo diiday sharciyada , waliba la siiyay Negativ loona baahan yahay in dalalkooda dib loogu celinayo inta aysan dhibaato geesan.

bena_1 bena_2 bena_3 bena_4 bena_5 bena_6 bena_7

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=44714

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj