Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 783 views

Hay’adda Culimada oo war culus ka soo saartay haweenka ka mid noqonaya Baarlamaanka

Hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa soo saartay digniin cusub oo ku aadan in haweenka Soomaaliyeed aysan ka mid noqon karin baarlamaanka cusub ee soo socda.

Ma’suuliyiin ka tirsan Hay’adda culimada Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta ayaa ka digay in haweenka Soomaaliyeed ay qeyb ka noqdaan baarlamaanka Soo socda.

Qorshaha boqolkiiba Sodan lagu siiyay haweenka Soomaaliyeed ayay si weyn u dhaliileen , waxaana ay sheegeen in ay ka dambeeyaan dalalka reer Galbeedka.

Hay’ada Culimada Soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegtay in umada Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ku dhaqmaan shareecada islaamka.

Sheekh Muuse Axmed Ciise oo ka mid ah Hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa warbaahinta u sharaxay bayaanka kasoo baxay hay’adda culimada Soomaaliyeed.

bayaan

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=44857

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj