Logo_Dahabshiil_cusub New-Village Latest-Nationlink1 (1) TawakalExpress
| | 565 views

Sidee baa looga hortegi karaa, kuwa fasahaadda ka wada dalka? (1-2)

Qaybta kowaad

Inta aynan u gudogelin ka hadalka kuwa fasahaadda ka wada dalka dadkana fasahaadiya aan xoogga dulmar ku samayno waxa ay fasahaaddu tahay,sida la ogsoon yahay:diinteena islaamka waa diin muqaddas ah,waa diin islaax ku dhisan,waxayna dadka ugu baaqaysaa khayrka,waxayna ka reebaysaa sharka,dhulka oo la fasahaadiyana waxaa ka abuurma barakac iyo nolol xumo,fasahaadduna waa dabeecadda dadka wax khariba,waana camalka mufsidiinta,fasahaaddu waxay mujtamaca ka dhigtaa mujtamac duur joog ah,kan xoogga lehna wuxuu cunaa kan daciifka ah,kan weyna wuxuu ku istaagaa kan yar,kan xoolaha lehna wuxuu ka aarsadaa kan saboolka ah,Allah wuxuu yiri:fasahaad ayaa ka daahirtay,macnaha ka soo baxday barriga iyo badda,waxa ay kasabtay gacmo dad daraadiis,si Alla u dhadhansiiyo waxay camal faleen inay laabtaan (suuradda Arruum,aayad lambar 41).

Fasahaaddu waxay khalkhal gelisaa ammaanka dalka,waxay hoos u dhigtaa wax soo saarka bulshada,waxay kala geesaa dadka,waxayna neceb tahay wadajirka iyo midnimada,dadkana waxay u kala saartaa qabiil qabiil iyo koox koox iyo xisbi xisbi,qofka fasahaadda wadana waxaa ka lunta akhlaaqda,runta,ammaanad,caddaaladda iyo wanaagga,waxay kaloo fasahaaddu qofka ka dhigtaa in uusan dan lahayn danta ummadda.

Fasahaaddu waxay ku tustaa oo ay kuu qurxisaa in macruufakana uu munkar yahay, munkarkuna uu macruuf yahay,wuxuuna qofka noocaas oo kale ahi isku haystaa in uu wax hagaajinayo,waana xaalka munaafiqiinta,munaafiqnimaduna waa fasahaadin dhulka ah dadkana laga luminayo diintooda lagana shakinayo,u fiirso qof kasta oo xumaan wada marka lagu yiraahdo:war ka joog waa arrin fasahaadee,wuxuu ku jawaabi:anigu wanaag uun baan wadaa,Allah wuxuu yiri:marka lagu yiraahdo ha fasahaadinina dhulka,waxay yiraahdaan: annagu waxaan nahay dad wax hagaajiya,iyagu uun baa fasahaadiyeyaal ah,hayeeshe ma dareemayaan (suuradda Al-Baqara,aayad lambar 11 iyo aayad lambar 12)

U fiirso Abuukar Cawaale oo wareysanaya Maryan Mursal,intuu ka celin lahaa munkarka ay ku jirto ugana nasteexayn lahaa in ay ka istaagto nimanka ay hortooda ku heesayso, towbadna la imow ku oran lahaa buu ku yiri:jazaakallah jazaakalla,howsha aad dalka iyo dadka u haysdi,dhiiraggelinta iyo kicinta shacabka,miizaanka xasanaatka Allaha kuugu daro,u fiirso fanaanad Allaha u naxariistee markii ay soo gaboggabaysay hees ay u qaadaysay ONLF ayaa markii ay dhammaysay mid ka mid ahi laabta saaray,mid kalena ku yiri:maashaa Allah jazaakallah khayr,Farxiya Fiskina oo faasiqiinta ka mid ah,markii lagu soo dhoweynaayay xafladdii ciidda ee lagu qabtay Mudishow sannadkan 2016 ayaa tii soo dhoweynaysay ku tiri:maashaa Allah,bal mucjisooyinkan iyo kuwo kaloo badan oo ka daran bal ila eega,fuxshigii iyo munkarii ayaa waxaa la leeyahay maashaa Allah,ajar iyo xasanaat Allaha kaa siiyo,waliba kuwo qaarkood meelaha munkarka lagu hayo inta aan la furin waxaa la aqriyaa aayado qur’aan ah,meesha la rabay in kuwa qur’aanka aqrinayo ay ka joojiyaan munkarka meesha lagu hayo,ayay qur’aan ku furayaan munkarkii,waxaa isweydiin leh:haddii kii munkarka sheegayay lagu yiraahdo jazaakallaahu khayran,kan macruufka sheegayo maxaa lagu oran oo loogu ducayn,sheekh Cuthaymeen Allaha u naxariistee oo culumada waaweyn ka mid ah ayaa hadalladiisa ka mid ahaa:waxaa la gaaari doonaa waqti uu munkarkii macruuf isku beddala,munkarkiina macruuf isku beddala,waa kan maanta ina haysata,kuwii sharka hoggaaminaayayna waa loo ducaynayaa,kuwii sunnada ka muuqatayna waa la caynayaa oo waxaaba loo arkayaa dad munkar wada,Allahayow na badbaadi.

Kan fasahaadda wada waa ruux jiran,wax celinaayana ma jiro,diin ma yaqaan,dadnimana ma yaqaan,shareecada dhammaan Allah soo dejiyay waxay reebtay in dhulka la fasahaadiyo dadkana waxay ugu baaqday in aan loo hoggaansamin ama aan garab la siin kuwa fasahaadda wada,maxaa yeelay qofkii garab siiya mufsidiinta ama raalli ugu noqda fasahaaddooda wuxuu noqday qof la qaybsaday camalkooda faasidnimada ah,Allah wuxuu yiri:hana isugu kaalmeynina denbiga iyo colnimada (suuradda Al-Maa’ida,aayad lambar 2),Allah wuxuu kaloo yiri:hana adheecina amarka xadgudbayaasha oo ah kuwa fasahaadiya dhulka oo aan hagaajinaynin (suuradda Ashucaraa’,aayad lambar 151 iyo aayad lambar 152), Allah wuxuu yiri:hana fasahaadinina dhulka hagaajinta kaddib ( suuradda Al-Acraaf,aayad lambar 56).

Aayadahani dhammaan iyo ghyarkooduba oo kor u dhaaftay 50 aayadood oo giddi ka hadlaysa fasahaadda,waxay ka digaysaa fasahaadda noocyadiisa kala duwan,waxaana waajib ah in laga taxadaro,maxaa yeelay waa arrin ka hor-imaanaysa dacwada anibyada iyo rususha oo iyagu loo soo diray in ay hagaajiyaan dhulka dadkana ay ku hagaan in ay Allah keliya caabudaan.

Nabiyullaahi Saalix caleyhissalaam wuxuu qoonkiisa ku yiri:xusuusta nimcooyinka Allah hana fasahaadinina dhulka (suuradda Al-Acraaf,aayad lambar 74),nabiyullaahi Shucaybna wuxuu qoonkiisa ku yiri:qoonkaygiiyow,si caddaalad ah ku oofiya miisidda iyo miisaanka hana ka nuqsaaminina dadka waxooda dhulkana ha fasahaadinina (suuradda Huud,aayad lambar 85),nabiyullaahi Muusana isagoo la hadlaaya walaalkiisa nabiyullaahi Haaruun wuxuu ku yiri:iiga danbeey qoonkayga wanaajinta hana raacin waddada mufsidiinta (Al-Acraaf, aayad lambar 142),wuxuu kaloo yiri isagoo la hadlaaya reer Fircoon:sixir baad la timaadeen Allah ayaana burin,Allahna ma hagaajiyo camalka mufsidiinta (suuradda Yuunus,aayad lambar 81).

Meesha ugu khatarsan ee ay fasahaaddu soo gasho waxaa ka mid ah:baytka Allah,waxaad arkaysaa kuwo baytka Allah ku ganacsanaaya,kuwona waxay isku dayayaan in ay dumiyaan baytka Allah ama ku dhexsameeyaan wax aan Allah raalli ka ahayn,kuwo kalena waxaad arkaysaa iyagoo dadka ka reebaya masjidka,Allah wuxuu yiri:ruuxna kama dulmi badna,qof reebay in masaajidda Allah dhexdiisa lagu xuso magaciisa,una orda sida ay u kharaabi lahayd masaajidda,kuwaasina xaq uma laha in ay galaan masaajidda iyagoo cabsi ku sugan mooye, adduunkana waxay ku mutaysteen hoog,aakhirana waxay heli cadaab weyn (Al-Baqara,aayad lambar 114).

Fasahaadda waxaa ka mid ah:dumarka oo loogu baaqayo in ay guryahooda ka soo baxaan nimankana ay dhexgalaan,dad ilbax ahna ay noqdaan kuna daydaan sida ay sameeyaan naagaha gaallada ah,taasina waxay salka ku haysaa in mujtamaca muslimka ahi la fasahaadiyo,u fiirso tvyada gaallada iyo kuwa muslimka ahba waxay soo xushaan gabdhaha ugu quruxda badan,xataa midda madaxeeda soo saarata calalka sida ay isku soo qorxiso, kuwaasina iskuma soo qurxiyaan nimankooduye waxay isku soo qurxiyaan nin kasta iyadoo si dadban u leh i damca oo i haweysta.

Fasahaadda qofka geesta wuxuu galaa denbiyo kala duwan si uu u xaqiijiyo damaciisa maaleed oo aan sharciga ahayn ama uu ku heli lahaa jagooyin aan u qalmin,taasoo marka danbe keeni karta in uu helo ama uu cuno wax xaaraam ah,macnaha uu noqdo xaaraan quute, fasahaadduna sida la ogsoon yahay meel kasta ayuu galaa,wuxuu galaa siyaasadda,diinta, dhaqaalaha,bulshda,dhaqanka,maamulka iyo wixii la mid ah,su’aashu waxay tahay sidee loogu hortegi karaa fasahaadda,waa inoo markale iyo qaybta ugu danbaysa oo ah qaybtii labaad hadduu Allah idmo

Maxamed Xuseen (Maxamedeyn)

Den Haag/Holland

Short URL: http://somaliwayn.org/?p=44962

Comments are closed

Dalbo wararkeena

Si aad u hesho wararkeena halkaan hoose geli Emailkaaga.

Keydka Wararka

taaj